“Kulli
Fitnah Cinda Kursi”
WQ. cabdulwaaxid Khaliif
Ninkii raba inuu guri dhiso
geelu wuxuu u ahaa lama huraan dhaqanka Soomaaliyeed. Mid uu gabadha ka baxsho
iyo miduu dhaqdo.
Dibaatooyinkii la isu gaysan
jiray badankooda geelaa sababi jiray. Mar la kala dhaco, mar daaqsiintiisa la
isku qabsato iyo mar waraabintiisa lagu dagaalo.
Meeshii Geele hada waxaa noo
galay “kursi”. Qabiil kasta iyo qabqable kasta wuxuu rabaa inuu kursiga
iyagu ama qabqablahoodu ku fariisto. Muqdisho kaligeed shan kursi doon ama ka
badan ayaa ka jira.
Geela dhaqashadiisu waa mubaax
hadii dariiqo xalaal ah lagu tacbo halka kursi doonidu ayna mubaax ahayn
hadaadan adigu ahayn “mar soo bax”.
Qofkastoo geel leh, geel-jire
lama dhaho laakiin badanaa dadka geela leh waa geel-jirayaal. Axaadiis baa
cadaysay in qofka geel-jiraha ahi uu yahay qof qalbi adag oo kibir badan (sida
badan). Dhaqanka Soomaaliyeedna arintaasi waa ku cadahay.
Hadaad rabtid inaad noqotid
kursi-jire ama kursi-jiriye waxaa loo baahanyahay in sifooyinkaas
geel-jirenimadaa la iska dhaqo maxaa yeelay kursi-jirehu wuxuu raacaa dad halka
geel-jirehu uu duunyo raaco. Hadii geel-jire yiraahdo kursi-jire baan noqonayaa
waxay la mid tahay qof kawaanle ah oo ariga qala oo inta isbitaal yimaada leh
waxaan noqonayaa “surgeon” dhaqtarka dadka qala.
Kursi-jireha waxaa la rabaa
inuusan noqon qof qalbi adag oo dabeecad xun. Waatii uu Ilaahay Nabi Muxamad (SCW)
uu ku lahaa naxariista Eebe darteed ayaad ugu jilicsanaatay laakiin hadaad tahay
mid engagan/qalalan oo qalbi adag waa kaa kala tagilahaayeen. Kursi-jirayaal sax
qofkii raba dadkaan isha hamariyo:
Nabi Muxamed (Salalaahu Calayhi
Wasalam).
Abuu Bakar(Raadhiyalaahu Canhu).
Cumar Binu
Khidhaab(Raadhiyalaahu Canhu).
Cismaan Binu
Cafaan(Raadhiyalaahu Canhu).
Cali Binu Abii
Dhaalib(Raadhiyalaahu Canhu).
Geel-jirenimadu doorasho uma
baahna laakiin Kursi-jireha yaa doorta?
Horta kursi-jireha waxaa jira
shuruudo lagu doorto oo waa inuu yahay qof ceeb ka saliim ah waxaana laga qoray
kitaabo badan.
Waxaa lagu doortaa shuuro dadka
doortana waa dad la yiraahdo “Ahlul Xali Walcaqdi”. Waa dadka waxgaradka ah
ee arintu ka go’do.
Kursi-jireha Soomaaliya waxaa
lagu wadaa inay soo doortaan qolo aan anigu ugu yeero “Ahlul Kufri Walxiqdi
Walcunfi” marka Jabuuti laga reebo iyagana kooxa siyaasada intooda badani waa
ka soo horjeedaan.
Malaga yaabaa in kursi-wade
fiicani halkaas ka soo baxo?!
Hayhaata. Waxaan ka jeclaan
lahaa inta sidii caadada ahayd geed hoosti fariistaan inay geel-jire noosoo
doortaan mar hadaan kursi-wade fiican wadadiisii la marayn.
cabdulwaaxid Khaliif cabdulwaxid@hotmail.com
September 15, 2002
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|