Maxaabiis
Xabsiyadda Oromiya Laga Sii Daayay
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee faransiiska waxaa maanta (Sept 13) xabsiyadda
dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka ugu wayn ee dalkaa "Oramiya" laga sii
daayay
maxaasiib aad u fara badan kuwan oo u badnaa dadka Oramadda ah ee degga dhulkaa.
Maxaabiistan ayaa lgu qiyaasay 1407maxbuus, sida ay sheegayaan warbixinno laga
daawaday Televisionka dalkaa Itoobiya ayaa ku waramay in ay arintani ka
dambaysay sanadkii cusbaa ee carigaa oo loo dabaal degay arbacadii ina dhaaftay.
Guwaynda sidow ayaa ku waramay in uu ku talaabsaday arintan iyadoo ay eegayaan
sidii ay maxaabiistu ukala asluub hagaagsanaayeen mudadii ay ku jireen halkaa,
maxaabiistan oo ku qaatay kala badh intii loogu tala galay marka laga eego
mudadii ay xabsiyaddaa ku jireen.
Arintan ayay dad badan hadaba ku tilmaamaan in
madaxada goboladaa ay tahay mid ay ogolaasho kaga haystaan qaanuunka dalkaa
siidaynta maxaabiista noocan oo kale ah, qawaaniintan ayaa markii ugu horaysay
lagu arkay dalkaa Itoobiya sanadkii 1995kii.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maxaabiistan ay ku jireen rag badan oo ka
tirsanaa Jabhadda Xoraynta Oramiya, kuwan oo ay ciidamadda Tigreegu gacanta ku
dhigeen mar ay dagaalo ku qadaan bariga Gobolkaa, maxaabiistan ayaa la siiyay
duruus xaga siyaasad celinta ah kahor intii aan laga sii dayn xabsiga.Jabhadda
Xoraynta Oramiya ayaa iyadu ah jabhad u dagaalamaysay ilaa iyo tobankii sanno
ee ugu dambeeyay sidii ay xoriyadd ugu heli lahaayeen Oromiya.
Bahda SomaliTalk
xoghayn@somalitalk.com
Qoraalka oo ku qoran Af-carabi halkan ka akhri.
http://www.al-jazeera.com/news/africa/2002/9/9-13-1.htm
September 13, 2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|