waxey shaqo ka dhigteen muddo aan ka yareen 10 daqiiqo iney indhaha ka
buuxsadaan qof ahaan wajigeeyga sida uu u eg yahay,si ay arintan ugu sahasho
inaan dadka kale aan kaga khaldamin markey isu soo diyaariyaan iney
idilaan,dabadeed waxey dhaqaaqeendhankaHotel 680.
Aniga & saaxiibadii goobta ila joogay waxaan qornay nambarka gaariga si aan ugu
gudbinno ciidanka Booliska, 5 dadiiqo ka dib meeshii aan taagnaa ayey dib ugu
soo laabteen waxey sidii hore oo kale billaabeen iney muqaalkeyga qof ahaan
indhaha ka buuxsadaan muddo 10 daqiiqo ah ,dabadeed waxey u dhaqaaqeen dhinaca
Koonfureed ,waxaa la igula taliyey in durbaba aan goobtaasi isaga tago ,
dabeed dhanka waqooyi ayaan u dhaqaaqay waxaan kireystay Tax xaafadda EASLIEGH
ayaan dib ugu soo laabtay.
Isku day shirqool dil ah inuu yahay dhabbada keliya ee u harsan kooxda Carta
waxaan ku sheegay shirkii Jaraa'id ee aan qabtay Jannaayo 2002 ,markii EEBBE
iga badbaadiyey afduubkii 9kii Janaayo,2002 ee la damacsanaa in inta Muqdisho
la i geeyo oo Suuqa Bakaaraha la igu daldalo , iyagoo ay la aheyd iney taasi
aargoosi u tahay xiritaankii shirkadda AL-Barakaat oo uu wargeyska Assiyaasa
in badan uu ka qoray shirkaddaasi inuu BinLaadin leeyahay.
Waamo Information Center iyo wargeyska Assiyaasa si aan gabasho laheyn ayey wax
uga qorayeen Isbaheysiga Argagixisada Soomaaliya sida :kooxda Catra, AL-Barakaat
,AL-Itixaad & AL-Islaax 3dii sano ee ugu dambeeyey ,dhowr jeer ayaa la isku
dayey in la i af duubo ama waxyeello la ii geysto si loo baajiyo xaqiiqooyinka
dhabta ah ee kooxaha argagixisada aan ka qorno , waxaa caado u ah kooxaha
argagixisada iney afduubaan ama ay shirqool ku dilaan ciddii wax ka qorta ,
sidii ay Pakistan ugu dileen wariyihii wargeyska Wall Street Journal oo kale ,
waxaana ugu wacan ayagoo xurriyadda Saxaafadda col la ah aawadeed.
Sidii aan ugu ballanqaadnay Ummadda Soomaaliyeed inaan ka badbaadino afkaaraha
khaldan ee lagu marin habaainaayo ,si ay u noqdaan dad aan dantooda garaneyn oo
u shaqeeya argagixisada, waan sii wadeynaa sheegidda xaqqa ka xishoonmeyno, kana
baqi meyno caga jugleynta cadowga Ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan iney
hesho xukuumad Federaal oo xur ah,dagaalkuna waan sii wadeynaa hadduu Alle idmo
ilaa aan ka xaqiijinno iney ummadda Soomaaliyeed heshay waxa ay doonayaan .
Inta baaritaanka ay wadaan Kenya Booliis & International Police (Inter Pol ),
haddii ay wax igu dhacaan waxaa loo raacanayaa dadka magacyadooda ay hoos ku
qoran yihiin .
[halkaan waxaa ku qoraa 15 magac, waxaana magacyadaas lagala xiriiri karaa qoraaga
cinwaankiisa hoose]
Xuseen Cali Cilmi .
Chairman OF Somali Human Right & Cheif Editor of Assiyaasa NewsPapers
.Tel:254-722723344 Email: xuscalcilmi@yahoo.com
September 13, 2002