SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
September 10, 2002  

Minnesota.... sanad kadib dhacdooyinkii Sept 11 !

C/raxman Ceynte | Minneapolis, MN

ceynteyare@hotmail.com 

Iyadoo sanad guuradii koobaad ee dhacdooyinkii isbiimeynta ahaa ee sept 11 keedii dhacay eey maalin kaliya naga xigto ayaa waxaa jira isbeddello waaweyn oo ku soo kordhaya nolosha qof walba oo dunida ku nool, gaar ahaan wadankan mareykanka, gobolkan Minnesota ayaa ah gobolka eey soomaalida ugu badan mareykanka joogaan, haddaba sidee beey wax isaga badaleen jaaliyadda gobolkan ka gadaal dhacdooyinkii sept 11 ? waxaan isku dayey inaan bal su'aashaas jawaabteeda u kuur galo anigoo nafteyda ka bilaabaya:

Cabsi fara badan & taxaddar dheeraad ah

dadka soomaalida ah ee ku dhaqan gobolkan ayeey la soo bohoowday cabsi & taxaddar dheeraad ah, ka soo billoow meelaha shaqooyinka loo tago ilaa & guryaha aan ku noolnahay, xitaa warqadaha qof walbaa ugu soo dhaca sanduuqiisa boostada ayaa fiiro dheeraad ah loo celiyey si aan sunta khatarta ah ee Anthrax-ka loogu soo maldihin, dumarka soomaaliyeed ayaa la dhihi karaa waa qeybta eey si daran u asiibtay cabsidan, maxaa yeelay xijaabkooda ayaa ah mid indhaha soo jiidanaya oo durbaba qofka mareykanka ah soo xusuusinaya sawiradii uu talefeshinka ka arkay ee daboolnaa, gabdho badan ayaa ii sheegay ineey xilliyada qaar eeyan socon, meelaha qaarna tagin iyagoo ka cabsi qaba in lagu soo xadgudbo, sidoo kale masaajidada ayaan maalmaha jimcada ah ku arkayey iyadoo ciidamo Police-ah la soo hor tubay, walow siyaabo kala duwan taa loo fasiray, si kastaba ha ahaatee taxadarku waa sheey wanaagsan waqti walba oo aan wax uu noo tara mooyee waxba naga dhibeyn.

Arrimaha sida caamka ah u wada hareeyey jaaliyadda soomaalida waxaa ka mid ah sharciyo cusub oo dhawaan laga hirgalin doono gobolkan oo eey ka mid yihiin : in gabdhaha loo diido ineey madaxooda dabooshaan marka eey marayaan sawirka teesaraha aqoonsiga ama rukhsada wadidda gawaarida, walow muran xoog lehi ka taagan yahay dhaqan galinta sharcigan.

Warbaahinta mareykanka ayaa la oran karaa wexeey qeyb libaax leh ka qaadatay sawir xun ka bixinta muslimiinta wadankan, gaar ahaan Channel-kan oo sida eey sheegtay hey'adda muslimiinta waqooyiga america ee CAIR warbixin eey dhawaan soo saartay oo eey su'aalo ku heybisay boqolaal muslimiin ah ayaa intooda badani isku raaceen in Chanel-kaasu weerar guracan ku hayo muslimiinta wadankan ! inkabadan 80% dadkii eey wareysteena waxeey isku raaceen in dhibaatooyin yaryar & kuwa waaweyniba soo gaareen tan & qaraxyadii sept 11 keedii.

wargeyska Startribune ee gobolkan Minnesota ayaa isna maanta soo qoray midab takoor & soocid loo geystay gabdho soomaaliyeed oo shaqo u raadsaday mid ka mid ah shirkadaha gobolkan, dhowr arday oo dhawaantan qalin jabinaya markii aan weydiiyey cabsida eey ka qabaan ineey shaqo ku waayaan wixii eey soo barteen, wexey ii sheegeen ineey 50% tahay !

Qorshayaal qabsoomi waayey !

Qorshayaal qabsoomi waayey waa xaqiiqooyin cajiib leh oo aan ka soo uruuriyey asxaabteyda & qalabka warbaahinta, waxaa aniga iigu naxdin badneyd nin dhalinyaro ah oo aan saaxiib nahay oo hooyadiis oo si daran u xanuunsan oo wadanka Imaaraadka carabta la keenay u diray lacag gaareysa 9,000$ mareykan-ka ah isna goostay tigidkii uu ku bixi lahaa, laakiin nasiib xumo lacagtiisii lala xanibay shirkadii weyneyd ee Al-Barakat.

waxyaabaha kale oo aan anigu shaqsiyan ka warhayo waxaa kamid ah ninkale oo isna aan macrifo nahay oo xaaskiisa oo joogta Kenya u dacwoonayey, duulimaadkeediina u dhaganaa sept 13 keeda, laakiin dib loo dhigay illaa & haddana eey ku xaniban tahay Magaalada Nairobi, wadanka kenya, halkaas oo dhowr mar askarta ugaarsatada ah ee kenya dhowr boqol oo doolar saaxiibkeey ku bixiyey, lamana hubo sideey noqon doonto hadda & wixii ka danbeeya.

Sept 11 aniga shaqsiyan wexeey i soo gaarsiiyey dhacdo yar, oo aheyd 10 kii bishii maarso anigoo ku soo labanaya mareykanka ayaa markii aan soo dagayba waxaa la i gashaday qol yar oo eey ku qoran tahay (Further Inspection) ama Baaritaan dheeraad ah halkaas oo inta Passport-keygii la iga qaatay aan juuq danbe ley dhihin, ilaa dadkii meesha igula jiray bexeen, oo misana dhowr dad oo kale igu kor yimaadeen haddana meesha iiga tagaan, xitaa shaqaalihii INS-ta ayaa kor keyg isku beddelay, markii aan ku dhawaad lix saacadood fadhiyo oo aan dhowr marna isku dayey inaan la hadlo oo aan ogaado waxa leygu heysto, balse leygu aamusiyey " fariiso oo na sug" ayaa markii danbe Gabar habeenkii shaqada soo gasha oo madow ah aan si daran ugu cabaaday, una sheegay in Flight-kii Minneapolis ii qaadi lahaa iga tagay, aana meeshan ku xayiranahay, markii ayeey ku dhaqaaqday ineey dhowr su'aalood i weydiiso, markii aan uga jawaabayna wexeey igu tiri " Naga raali noqo... annaga (INS) shaqsiyan kuuma aanan reebine, Congress-ka (Aqalka odayaasha mareykanka) ayaa ku heystay, ee hadii aad dacwo qabto warqaddan qaado ee iyaga u dir ....!!! " wexeeyna ii raacisay " waxaad soo wada gashay dhowr qodob oo dadka lagu qabsan karo oo eey ka mid tahay : Meesha aad ka soo duushay (sucuudiga), Magacaaga & sharcigaagaba...!!! " cid aan dacwo u qaba malahane mar uun Passport-keyga gacanta ii gali ayaan ugu jawaabay, maalintii xigtay ayaana Minneapolis u soo duulay. oo waxaan habeenkaas ku baryey magaalada Washighton DC !

Qorshayaasha Qarsoomay waxaa ka mid ah : Rag & dumar is guursan lahaa oo si dadban dhib u soo gaaray, kana baaqday guurkii, dad safar & dalxiis u socday oo ka baaqday, dad sharci sugayaal ahaa oo loo diiday, oo runtii aad ugu badan gobolkan Minnesota inta aan anigu arkay. waxaadna aad u maqleysaa markii aad Minnesota dhex mareyso ereyo eey ka mid yihiin " .... Sept 11 ayaa iga khaladay barnaamijkeygii..." ama wax la mid ah.

Ka nax ama ku farax !

Maalintii eey dhacdooyinkaasu gilgileen wadankan ayaan waxaan taleefishinada ka daawaney caruur & dumar ku dhaqan mid ka mid ah xeryahay qaxootiga ee falastiiniyuuntu ku leeyihiin wadanka Lebnon oo u dabaal dagaya dhacdadaas ! runtii aniga shaqsiyan waan ka carooday sawirkaas foosha xun oo ilaa & maantadan eey warbaahinta reer galbeedku tusaale u soo qaataan, maxaa yeelay diin & damiir wanaagsan oo qorayaa ma jirto in dad aan waxba galabsan la laayo, waliba si isbiimeynu ku dheehan tahay, dabcan waan dareemi karaa dhibka eey ku noolyihiin dadkaas qoxootiga ah, ha yeeshee taa macneheedu ma ahan in leysu xalaaleeyey dhiiga dadka maatida ah, si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegay in ku dhawaad 100 qof oo muslimiin ah oo isbiimeeyayaashu eeysan ku jirin ku qur bexeen weeraradaas, waa iga su'aale hadii aad ku faraxsan tahay weeraradaas muslimiintaas dhimashadoodana ma ku faraxday ?? taa waxaan u weydiiyey ka gadaal markii aan arkay in dadbadani la dhacsan yihiin isbiimeytaas, laakiin waxaa hubaal ah in magicii diinta islaamka ee macneheedu yahay " Nabadgalyo" dhaawac aan laga soo waaqsan karin la gaarsiiyey weeraradaas kadib, taasna eey dhabarka u dhigan doonaan cidii ka danbeysay.

wexaan ku soo koobayaa ineey maalintaas u noqotay maalin madow dunida oo dhan, qof walbana noloshiisii caadiga aheyd wax ka badashay, hadii aan nahay jaaliyadda Minnesota & dhamaan soomaalida galbeedka ku noolna waxaan soo jeedin lahaa in loo tafa xeyto sidii diinta islaamka looga badbaadin lahaa magac xumada loo huwiyey, lana kala saaro oo la kala fahmo Qadiyadda carbeed & midda islaam, oo aan ula jeedo in diinta islaamku eeysan ku qadiyada aheyn qowmiyad gooni ehe, eey la beerjileeceyso qof walba oo muslin ah oo dhibaateysan.

Wabilaahi-Towfiiq.

C/raxman Ceynte

Minneapolis, MN

ceynteyare@hotmail.com 

September 10, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD