Ururka SANU ee
Banadiriga oo soo saaray war-saxaafadeed.
Baaq Afeefasho
oo lid ku ah Qorshaha IGAD
10
oktoobar 2002
Waxaan la wada soconaa in urur
goboleedka IGAD uu hadda ku gudajiro qaban-qaabada qorshe maqaar-saar ah oo la
sheegay in xal loogu raadinayo mushkiladda Soomaaliya. Urur goboleedka oo ka
lexday cadaaladda , sinnaanta iyo karaamada ummaddaha ay leyahiin ayago donayo
in ay bah dilaan Qowmiyad Facweeyn., kuna tilmaamay dad tira yar aanan leheyn
dhul, iyo magac toona taasoo ka fog xaqiiqada dhabta ah,. sabibi kartana in
Qowmiyada Banaadiriga qaadacdo oo ayan ka qeyb qadan shirka dib u hashiisinta
Soomaaliyeed loo mudeeysan yahay 15. 10. 2002 in lagu Qabto ELDORED ee Dalka
Keenya, hadii uruka Igad ku adkeysto erreyga "others"
inuu Banadiriga wax ugu qeybiyo, jabaabteedu way iska cadahay, waana sida aan
kor kusoo sheegnay.
I I D H
E H
|
|
Runtii waa arrin muhiim ah oo
waajib ku ah qof kasta oo Soomaali ah inuu soo dhaweeyo,gacan xoog lehna ka
gaysto wixii maslaxad ah ee loogu danaynayo dalka iyo dadka; Balse Su'aasha
isweydiinta mudan waxay tahay dadaalka iyo xusul-duubka ay wadaan qaar ka mid
ah Dawladaha ku Bahoobay Ururka IGAD,ma dan guud oo Soomaaliyeed wax loo wado
waaye?..mase caadifad..................?.
Soomaalida been waa sheegtaa
lakiin been ma ku maah-maahdo, waxaana jirta murti dhahaysa: (1) Qofkii saacad
ku baran waysid,sanad ma ku Baratid. (2) Abeeso wax kale ma dhasho Abeeso
mahine,waxaan ula jeedaa, Dawladaha hor-muudka ka ah Qorshaha IGAD waxay gacan
ku lahaayeen dumintii halkii Darbi ee ka harsanaa dhismahii Dalka Soomaaliya
uuna sabab u ahaa:
(a) Shirqoolkii (1991) markii
Jabuuti lagu magacaabay Dawlad aan loo dhammayn,meeshii horta heshiin laga dhex
dhalin lahaa ummadda isgumaadaysay,lana joojin lahaa dhiigga qulqulaayay.
(b) Shirqoolkii(2000) ee Carta,
laguna dhisay maamul macmal ah, kaas oo dhibaatadii hortaba ka jirtay
Soomaaliya kusii shubay (Batrool) sii uu usii hurto,waxaana taasi tusaalo u ah
in laga horistaagay gobalada dalka inay helan madax-banaani hoosaadkooda
(Regional Autonomy) laguna haayo tahdiid iyo awood sheegasho aan geed loogu soo
gaban; kuwii horay u dhisnaana lagu hawl-jiro sidii lo kala daadin lahaa
arintaas oo sii durjinaysa wixii xal nabadeed ee la gaari lahaa.
Shirkii Carta ee (2000),
waxaan ogsoon nahay in xubno ka socday Qoomiyadda Nabadda jecel ee Reer
Banaadiriga ay si cad uga soo hor-jeesteen sidii qaabka darneyd ee wax lo
qeybinaayay, ayago ku adkeystay in qowmiyad kasta oo Soomaali ah ay xaqeeda
hesho, natiijadiina waxay noqotay in shirkii dibadda looga saaro oo xataa
naftoodii qatar ku gashay kadib markii afduub ahaan logu soo qaaday xamar
hase-yeeshe nasiib wanaag ay ku fakaden badbaada Alle ayadoo Dawladda
Soomaaliland ciidamadeedu uso gurmadeen markii ay dayuradii ku hakatay
Hargeeysa . War laqabo xiiso malaha, arrintaasna waa lala wada socdaa..
Waxaan rabaa in aan halkaan ka
caddeeyo Ujeedada maqaalkayga kuna saabsan warka la isla dhex-maraayo lagana
helay ilo lagu kal soonaan karo ee IGAD oo sheegayo sida loo qaybsanaayo
saamiyada ergooyinka ka qeybgalaya shirka oo lo qondeeyay (4) qeeybood iyo inta
kale(others) taasoo aan Banaadiri ahaan ka biyo-diidsanahay waana runahaantii
arrin laga xumaado, in ay madaxdii lo xilsaaray arrimaha Soomaaliya .kasoo
yeero erreyga dad badan ka caresiyay ee (others) kaasoo qilaafsan Baaqii
caalamiga ee xuquuqda aadamiga, (article2) wuxuu tilmamaya sidan: muwadaniinta
waxaa kale oo aan lagu sameyn-karin kale soocid ku salaysan arrimaha
siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku sugan yahay,dhulka ama dalka uu
dhashay.
Waxaa wax laga xanuunsada ah
erey-bixintaas qaladka iyo yasidda ku saleysan ee"others" oo aan
markasto ku aragno qoraalada shirarka soomaaliyeed ee waqtiyadaan danbe laga
soo bilaawo 1991dii, yaase loola jeedaa?.jabaabta way iska caddahay: Waa aniga
(Macaani), adiga (Muunye), isaga (Makaran) iwm, taasina waxay ku timid mar
hadin gamcaha dhiig la galiweyney, wax dhici weynay, wax kufsan weynay,
Bulshada qiimo maku lihin oo wax ixtiraam ah iyo qadarin ma mudnin..
Ugu dambayntii,waxaan
dawladaha dimuqraadiga jecel, ururada caalamiga ee xuquuqda aadamiga,
Jaamacadda Carabta, IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Marekanka, ugu
baaqeynaa kana codsaneynaa marka hore laga saaro ereyga "others" in
la dhowro xuquuqda qowmiyadaha an hubeysneyn ee ku dulman dhulkoodii hooyo ee
Soomaaliya uguna horreyso Bah-weeynta Reer Banaadiriga oo la siiyo Mudnaanta
kowaad laguna abaal mariyo Saami qimo gal ah oo ay ku muteysatay nabad
jaceelka,daris wanaagga iyo ilaalinta xuquuqda aadamiga. Arrimahaas oo dalka
soomaaliya waqtigaan la joogo ka noqday kuwo la iska ilaaway oon laga hadlinba.
Wa billaahi towfiiq.
Abdulkadir Xaaji Suufi (
Muriidi golf )
Gudd. ku-xigeenka Ururka
Siyaasiga Banaadiriga SANU
E-mailto: muriidigulf@hotmail.com
..... Qoraalkii
Hore ee SANU --- GUJI HALKAN
Oct 10, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|