Shirkii Bahda Sportiga
Somalida ee Norway
Mahad-Turbashaash
turbashaash@hotmail.com
Anigoo ah qoraaga maqaalkan ,
waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka qayb- galo, shir aad u balaarnaa oo looga
hadlayay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay sportiga Somalida ee dalka Norwey.
Sidaad ula socotaanba waxa
Norwey ka jira xubnayaal aad u farabadan oo tusa caruurta iyo dhalinyaradaba
macnaha ama qiimaha uu leeyahay sportgu.
Waxaana runtii aad u dadaala
qaybta kubada cagta,oo (10) tobankii sano ee ugu-danbeeyey waday dadaal iyo
dhiirigalin aad u farabadan, guulo badanna ka soo hooyay dalkan gudihiisa iyo
dibadiisaba.
I I D H
E H
|
|
Runtii waxa iyagana xusid
mudan, gudiga dhalinyarada kubada cagta oo waqtigoodii iyo maalkoodiiba u huray
in ay bahda-sportigu horumar ka gaarto- wadankan aan joogno.
Waxa hadaba shirkan iyo
xafladaniba ay- ahayd in ay isbahaystaan dhamaan bahda sportiga ee Norwey,
meelna ay uga soo wada jeestaan dhiiri galinta dhalinyarada Somaliyeed.
Runtii aqristoow waxaan la
yaabay sida la isku dhagaysanayay, hadalka loo kala qaadanayay, iyo sida ay
doorashadu u so-cotay, farxad,
qosol,isbarasho,dulqaad,kala-danbeeyn,ixtiraamiyo xishood.
Waxa hadaba mahaddaa leh ,
Bahda Sportiga ee Noorwey.
Waxa laga yaabbaa in ay
qaarkiin iswaydiiyaan, maxay ka shirayaan?.Ama waa maxay cayaaro ayaanu ka
shiraynna?.
Waxaad hadaba ogaataa in
qofwalba qofkuu kaga dhow yahay ciyaaraha, in uu ka caqli iyo dulqaadba
badnaanayo,.
Noorwey waxa dagan Somaali aad
u farabadan oo qaarkood , dulqaadku ku yar-yahay, ixtiraamku ka
dhintay,daganaantu ku yartahay,,,. Laakiin dhalinyaradii aan kula kulmay
shirkaas, ay-ahaayeen dhaliyaro farxadi ka muuqato.
Anigoo hadaba hadalkaygii soo
gaabinaaya,doorashadii shiraasi waxay u dhacday sidan.
(1)Hussein-Tarabi-Gudoomiye.
(2)Abdulqadir-I-
Caddaay-Gudoomiye kuxigeen.
(3)Abdi-J-Farah--- dhaqaalaha.
(4)Abdirahman.M.
Gureey-G-kubada-cagta.
(5)Said.D.Sugal-G-cayaaraha
fuddud.
(6)Iiman-Mahamed.G.legdinta
iyo jimicsiga.
(7)Mahad-Turbashaash-iskudubaride.
(8)Ismaan.R. Guled-xubin.
(9)Ibrahim.A.Mahamed-xubin.
(10)Mahamed-Deboow-xubin.
Waxa hadaba markuu shikii
dhamaaday qadka taleefonka kula soo xiriiray iyaga oo u hambalyenaya dhamaan
bahda sportiga ee Canada oo uu xafiiskoodu yahay Toronto, iyo bahda sportiga
U.S.A oo uu xafiiskiisu yahay Minisoota.
Waxa iyaguna aad ugu mahad
celiyay dhamaan waalidiinta Somaaliyeed ee dagan dalkan Norweey, iyaga oo aad
ula socda shaqada ay u hayaan- Cummunaty-Somalida ee dalkan Norwey.
Waxa mahad-leh bahda Sportiga
Somaliyeed ee Norweey oo hawl adag ugu jira in hawshan soo foodsaartay ay si
wanaagsan uga soo baxaan.
Mahadsanidiin.
Qore-by Mahad-Turbashaash.
turbashaash@hotmail.com
Maxaa
loo yiri Soomaalidu isma maamuli karto
- AKHRI
Oct 9, 2002
###
Xulalka K/cagta Soomaaliya iyo
Kenya oo isku arkaya is reereebka
ciyaaraha Olombikada 2004-ta
Xulka K/cagta Kenya ayaa ciyaarta ugu horreysa ee is reebreebka tartanka
Olombikada adduunka ee 2004-ta ka dhici doona magaalada Athens ee dalka Giriiga
waxa uu la yeelan doonaa, sidaas waxaa shalay qoray bogga isboortiga ee
wargayska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi.
Xulka Kenya oo lagu naanayso "Harambee Stars" waxay Soomaaliya iska
hor imaan doonaan bisha November ee sannadkan, waxaana xulka Kenya uu sheegay
inuu si fudud uga guuleysan doono xulka Soomaaliya oo ay laba jeer is arki
doonaan.
Kaaliyaha maamulka ee Xiriirka K/cagta Kenya, John Kariuki ayaa sheegay inay
FIFA ka heleen warqad rasmi ah oo lagu wargelinayo inay la ciyaarayaan
Soomaaliya.
Wargelintaas kaddib ayaa Xiriirka K/cagta ee Soomaaliya waxa uu ka codsaday
dhiggiisa Kenya in mid ka mid ah labada is arag ay ku wada ciyaaraan Soomaaliya,
amba labada kulanba ay ka dhacaan Kenya.
"Maamulayaasha Xiriirka K/cagta Soomaaliya waxay noo soo qoreen qoraal ay
nooga codsanayaan in is aragga labaad ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaco
Muqdisho" ayuu yiri John Kariuki.
"Haddii arrintaasi aysan noqon karin macquul waxay naga codsadeen in
labada kulan la is raaciyo oo ay ka dhacaan Kenya" ayuu ku sii daray
Kariuki.
Sida uu qoray Daily Nation, wixii ka dambeeyey 1991-kii Soomaaliya waxa ay
ahayd meel nabadgelyaduudu cirka ku laalan tahay oo aanu ammaan jirin, illaa
markii la riday xukunkii Maxamed Siyaad Barre.
Tartanka Olombikada ee ka dhacaya dalka Giriiga ayay isugu imaan doonaan
xulalka kubadda cagta adduunka ee da'doodu ka hooseyso 23 jirka, waxaana loo
oggol yahay xul walba inuu u safto saddex ciyaaryahan oo ka baxsan da'daas,
waxaana warkan nooga soo diray
Nairobi weriye Maxamed Xaaji (Ingiriis).
Oct 9, 2002
Ka
Qaybgelimeyo Shirka Eldoret
ilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray
Muqdosho GUJI...
oct 8
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|