SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA
 DAGAAL SHALAY DHEX MARAY SOMALIDA JOHANNESBURG IYO BOOLIIS SHARCI DARRO KUSOO GALAY GURI QOYS SOMALIYEED

Warbixinada  K/Afrika waxay xaqiijiyeen in laxiray saddex booliis ah iyo qof shicib ah oo dhammaantood burcad ah oo dhacayey Soomaalida, waxaana maxkamad lasoo taagi doonaa Isniinta. eeg halkan - english. sidii arintaasi u dhacday faahfaahinteeda waxaa soo tebiyey Caqiil Sh.Yuusuf, waana tan:

 

I  I  D  H  E  H

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 25/10/2002 galabnimadii markii ay saacaddu ahayd 2:30pm wakhtiga Koonfur Afrika ayaa waxaa soo garaacay albaabka guriga Axmed Caynad Cigalle Lix nin oo hubeysan, kuwaas oo watay aqoonsiga booliska dalka, waxayna aqoonsiyadaas tuseen xaaskii Axmed  iyagoo u sheegay in ay wadaan olole lagu baadhayo dhammaan xaafadaha, intii ay gabadha la hadlayeen ayaa waxaa gadaal kasoo galay Axmed oo markaasi bannaanka ku maqnaa, waxayna ka fara maroojiyeen furihii guriga oo ay iskaga fureen. Haddaba markii ay soo galeen gudaha guriga waxay  markiiba lasoo bexeen bastoolado oo ay ku qabteen dhammaan dadkii guriga ku jiray, dabadeed waxay baadheen gurigii iyagoo meel kasta gacanta la galay.

Inkastoo ay wali ku andacoonayeen in ay yihiin booliis oo shaqadanina ay tahay mid loosoo diray, laakiin haddana dadkii guriga ku jiray way fahmeen in ay budhcad yihiin, waxayna markiiba guda galeen in ay isku dayaan in ay badbaadiyaan lacago badan oo guriga yaallay, halkaasna waxaa dagaal ku dhex maray budhcaddii iyo dadkii markaasi guriga ku sugnaa oo ka koobnaa saddex rag ah iyo gabadhii guriga lahayd, lakiin nasiib darro waa loo awood sheegtay saddexdii nin, halkaasna waxay budhcaddu gacanta ku dhigeen lacag dhan in ka badan R72000 (Toddobaatan iyo laba kun) oo u dhiganta $7100. [Sareifka lacagaha

Markii ay lacataasi gacanta ku dhigeen ayey waxay u diyaar garoobeen in ay kasoo baxaan guriga oo dabaq ahaa, laakiin nasiib wanaag waxaa in ay soo baxaan ka hor istaagay dad Somali ah oo hubeysnaa oo hoos joogay kuwaasoo dhinac kasta xabbad kaga furay kuna khasbay in ay ku jiraan guriga ilaa intii ay kasoo gaadhayeen booliis lala hadlay, iyaguna waxay ku jawaabeen xabbado ay soo rideen, laakiin waa laga awood batay, waxaana dusha lagaga xidhay albaabkii kaliya ee uu gurigu lahaa.
DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA - August 5, 2002 

Markii ay halkaas mareyso ayaa waxaa markiiba soo galay gawaadhi badan oo ay wateen ciidamada booliska qaybtooda arrimaha degdegga ah, iyagii ayaana markii ugu horreysay galay gurigii iyagoo wata hub culus, tiradooduna ay badantahay. Waxaa sidoo kale meeshii yimid dhammaan war baahintii uu dalku lahaa sida Idaacadaha, Wargeysyada iyo Telefishinnada, waxaa sidoo kale waddooyinkii xidhay dadweyne aad u tiro badnaa oo Somaliduna ay ka mid ahayd. Markii muddo badan meeshii ay iskula jireen Booliskii, Budhcaddii iyo ehelkii guriga  ayaa waxaa bannaanka loosoo saaray budhcaddii oo aad loo waardiyeynayo, kaddibna waxaa la saaray gaadhi ay wateen boolisku. Dad goob joog ahaa ayaa ii sheegay  in markii uu booliisku yimid uu ninkii lacagta hayey iyo nin kale ay baxsadeen kaddib markii ay booliiska laftiisu arrinkaas u sahleen.

Markii haddaba la geeyey saldhigii booliska oo wareysina lala yeeshay budhcaddaas ayaa waxaa la ogaadey in ay shan(5) nimankaasi ka mid ah ahaayeen booliiska loogu talagalay la dagaallanka musuqmaasuqa laakiin ay wakhtigaas qaabka ay guriga kusoo galeen ahayd sharci darro ayna rabeen in ay wax dhacaan, ninka lixaadna wuxuu ahaa shacab caadi ah.
Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika (Saeed Abdi Fuuraa  | July 28, 2001) Magacyada qayb Soomaalida lagu laayey K/Afrika

Guddoomiyaha jaaliyadda somaliyeed ee K/Afrika Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani) oo shalay isagu goob joog u ahaa wixii meesha ka dhacay ayaa isna ii xaqiijiyey in budhcaddaasi shan ka mid ah ay ahaayeen booliis, wuxuuna ii sheegay in falkan uu dowladda K/Afrika iyo gaar ahaan ciidanka booliiskaba uu magac xumo weyn usoo jiiday, sidaa darteed waxaa saldhigga la geeyey nimankaasi yimid ninka ugu sarreey booliiska gobolkan, wuxuuna ballan qaaday ayuu yidhi Qooqaanni in ficilkani xun si fiican wax looga qabanayo oo waliba maalinta Isniinta ah maxkamad degdeg ah lasoo taagayo.

Dhacdadaasi shalay waxay jawiga xaafadda Fordsburg ee ay Somalidu degto u ekeysiisay waxyaabihii inta badan ka dhici jiray magaalada muqdisho iyo meelo kale oo dalka soomaaliya ka mid ah.
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika (Axmed Dowlo August 2002)

Waddankan K/Afrika gaar ahaan magaaladan Johannesburg waxa ay caan ku tahay falalka noocan oo kale ah iyo waliba dil aad u badan maxaa yeelay waxaa dhammaan hubeysan dadweynaha, hubkaasi ama sharci dhanka dowladda ha ka haysto ama yaanu ka haysane, sidaas darteed ayeyna ciidamada nabadgalyadu wax weyn ka ahayn dalka ee qof walibaa waxa uu waddanka ku degganyahay gacatiisa, ciddii waddanka deggan ee aan sidaasi u fahansaneyna waxay waddankan ka tahay hilib bisil oo baylah ah, umana suuro gali karto in uu waddanka ku noolaado.

Mujtamaca somalida ee waddankan deggan ayaa igu waxay ahaayeen kuwa kaliya ee ah hilib bisil oo aan fahminba sida waddankan looga noolyahay, sidaas awgeedna waxaa loo geystay dhibaatooyin badan oo dil iyo dhacba leh ilaa laysu sheegay oo ay noqdeen ceel cid walibaa usoo aroorto haddii ay noqon lahayd budhcad caadi ah iyo haddii ay noqon lahayd dhinaca hay’adaha dowladda sida dhacdadan hadda ugu danbeysay iyo kuwa ka horreeyeyba, iyadoo Somalidu dadka waddanka soo galay iyo kuwa u dhashayba kaga duwan oo ku caan baxay dad nabad galyo oo waliba aad u shaqo badan ayey haddana dhanka kale waxay noqdeen kuwa loogu dhibaateyn badanyahay dalkan.

Dhibaatada soomalida lagu hayo kuma koobna oo kaliya iyagoo guryaha loosoo dhaco ee waxaa lagu dhibaa ganacsigooda iyo waliba dariiqyada oo laysu taago laguna baadho, waxaana si isla mid ah ula dhaqma booliiska iyo budhcadda, mararka qaar ayaa ficilka booliiskani waxa uu kusoo xusuusinayaa dhaqankii Booliiskii Kenya ee ahaa (Lette katanbulushu) kaas oo dad badan oo somaaliyeed owgiis waddanka Kenya uga carareen ama ahaa wixii ugu dhibka badnaa ee somalidu kala kulmaan dalka Kenya.

Booliiska waddankan K/Afrika oo isigu jira caddaan iyo madow ayaa qaybta dhibaatada somlida ku haysa ama u dhaqmaba sida budhcadnimada ah waxay u badanyihiin madowga, inkastoo caddaankuna uu wax kaga jiro, sidoo kale ayaa budhcadduna waxay inta badan ka koobanyihiin madow, caddaankuna waa jiraan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee somalida dhibaatadan dhaxalsiiyey waxaa ka mid ah: Isku xidhnaan la’aan xataa u keentay in ayna isu hiilinin, iyagoo la ogaadey in ay hanti badan ku haystaan guryaha iyo jeebabka isla markaasna ayna hubeysneyn iyo iyagoo aan waddanka ku lahayn sharci rasmi ah oo u oggolaanaya xuquuq dhamays tiran, arrinkan danbe ayaa ah kan kaliya ee sababay In ciidamada booliiska waddankan ay somalida ula dhaqmaan sidii budh cadda oo kale mar haddii ay boolisku ogyihiin wax lagaga baqaa in ayna jirin.

Caqiil Sh.Yuusuf

qamuuda@webmail.co.za 

S/Africa 

SomaliTalk.com | 26, 2002

ELDORET: Warakii ugu dambeeyey 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD