SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Dilka Istarliin waa baaq kale oo xaq aamusin ah.

I  I  D  H  E  H

  

Dilkii naxariis darada ahaa ee lala beegsaday Istarliin Cabdi Caruush Jimcaale oo aheyd geesiyad soomaaliyeed oo waqtigeeda & waxqabadkeedaba u hurtay samata bixinta qowmiyadda soomaaliyeed ee dhibaateeysan ayaa lagu tilmaami karaa mid eey soo maleegeen cadowga nabad jeclayaasha soomaaliyeed.

walow aanan illaa iyo hadda la helin wax cadeeyn ah oo ku saabsan cidda ka danbeysa dilkan foosha xun, haddana aan looga fadhin ineey booliska iyo danbi baarayaasha Kenya soo helaan cidii ka danbeysay, haddana waxaa iska waadax ah ineey tahay baaq kale oo loo jeedinayo dhamaan naftood hurayaasha soomaaliyeed ee doonaya ineey waddankooda maskaxdooda, maalkooda iyo muruqoodaba galiyaan.

Dilkani wuxuu na soo xusuusinayaa kii loo geystay Halyaaygii soomaaliyeed ee Elmond Ahmed Ali (Elman) oo 9-kii March 1996-kii 7:00 pm fiidkii lagu toogtay meel u dhow KM4 ee magaalada muqdisho, isagoo markaas ka soo dagay mootadiisii caanka aheyd, illaa iyo hadda lama hubo cidii ka danbeysay dilkiisa, waxaase xaqiiqo aan caad saarneyn ah in raxmad laawayaasha dhulka soomaaliyeed ka seed caleeya eey u qasdeen ineey aamusiyaan cid kasta oo damacda ineey wax u qabato shacabka soomaaliyeed.

Sida marxuumada Istarliinba lagu yaqaan, Elmond wuxuu ka aasaasay magaalada Muqdisho goob waxbarasho uu oo si bilaash ah makaanignimada ku bari jiray cid walba oo diyaar ah, intaas waxaa sii dheer Mr Elman oo kumanaan ciyaal darbi jiif ah oo tuugsi ku asqeeyey xamar uu u yeelay meherad ka dhigtay dad eeysan aheyn, wuxuu u qeybiyey Qasac yar oo eey ku jiraan qalabka lagu baalasho (masaxo) kabaha iyo Kareemkii ama Luujitadii eey u isticmaali lahaayeen, isagoo u sheegay ineey " tuugsiga shaqeysi ku beddelaan" taas oo xaqiiqatan boqolaal ciyaal ah oo illaa iyo haatan kabaha muqdisha ku baalasha eey ka soo bilaabeen.

Mr Elman wuxuu aasaasay dadaal uu ugu magac daray " Qoriga dhig, Qalinka qaad" xilli eey Muqdisho ka jirtay " Qalinka dhig, Qoriga qaad " oo cidii aan taageerin beesha uu ka dhashay lagu tilmaami jiray inuu " Sulux " ama " Maanifeesto " ama " maanakoobiya " yahay! wexeeyna u badan tahay in Mr Elman uu qoonsaday iska bari yeelidda uu iska beri yeelay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee waagaas Xamar ka aloosnaa.

Mr Elman wuxuu aasaasay koox Sports ah oo kubadda cagta ah, oo ciyaartooydeedu u badnaayeen beelaha soomaliya dabeecadooda ku jooga, wuxuu u suura galiyey dhowrkaas dhalinyarada ah ee lugtoodu xirfadda leheyd inuu gaarsiiyo heer Seria A ah, dabadeedna eey dalalka dariska ah ka soo ciyaaraan, sida lawada ogsoon yahayna wali magiciisa kooxdii uu aasaasay dabayaaqadeedii baa ka jirta Muqdisho

Xaalka Istarliin wuxuu ahaa mid aan kaas ka liidan, oo wexeey goobo waxbarasho ka hirgalisay meelo kala duwan oo soomaaliya ka tirsan, Istarliin oo aan dhihi karo waa qofkii ugu horeeyey ee soomaali ah oo geeridiisa inta badan soomaalidu ka naxdaan, waana tan ku khasabtay hoggaamiye kooxeedyada Nakuru nasashada u soo doontay ineey u wada tacsiyeeyaan.

Arrinta sheegida mudani wexeey tahay in labadan halyeey ee Mr Elman & Mrs Istarliin-ba lagu xamanayey ineey hey'ado kirishtaameyn wadaa eey u shaqeeynayeen, taas oo aan anigu ugu jawaabo sida diintuba qabto oo ah inaanan annagu go'aan ka gaari karin dadka waxa ka muuqda, oo alle loo daayo wixii ugu qarsoon qalbigooda, taas oo macneheedu yahay: inaan u mahadcelino dadaalka beni aadanimo eey noo galeen, hadii eey wax u qarsanaayeen, iyaga iyo ilaaheey beey ka dhexeeysaa oo meeshaas annaga nama deeqdo, laakiin waxaan rabaa inaan aqristayaasha la wadaago inaan salaad maqrib ah kula tukaday masaajidka Sh. Cali Suufi ee Kassabolbalaare ee Muqdisho Mr Elman dhowr sano ka hor intaan la toogan.

C/raxman Ceynte

St.paul. MN

Ceyntejournalist@attbi.com 

Oct 30, 2002

Istarliin oo  Lagu Aasay Marka
Marxuumad Istarliin cabdicaruush oo toddobaadkan lagudiley Nairobi ayaa lagu aasay Marka GUJI 26/10


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD