Uurkaan ka ooyayaa!!!
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
Oktober, 10/2002
Maqaalkan waxaan ugu baroor-diiqayaa Alla ha u
naxariistee saaxiibkay marxuum Cumar Faarax Raage oo maalintii axadda ahayd ee
taariikhdu ku beegnayd 6/10/2002 ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay
xaafada Amager ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Aad ayaan u aaminsanahay in ”naf kasta oo
Eebe dunida ku abuuray ay maalin maalmaha ka mid ah dhadhaminayso xanuunka
dhimashada (sakaraadka)”, sida uu sheegay Kitaabka Quraanka ah oon duuduub ku
aaminay.
Waxaan kaloo aaminsanahay ”Qaddarka Eebe”,
oo ah lagama doodaan, lama diidaan, lagama durkaan iyo lagama boodaan. Markii uu
Eebe ina waafajiyay islaamnimada qiimiga leh, wuxuu ina garansiiyay inaan raalli
ku noqono go’aankiisa uu ku maamulayo dunidan uu isagu markii horaba abuurtay.
Go’aankaas oo qofka noolaha ahi uu marba si isu tusi karo. Mar wuxuu u arkaa
inuu yahay mid farxad u xanbaarsan, mar kalana wuxuu isu tusaa inuu murugo u soo
jiiday.
Hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah inaan
farxadda iyo murugadaba Eebe ugu xamdi naqnaa, sida uu isaguba inugu amray,
waana sida kaliya ee qofka bani’aadamka ahi kaga nebed geli karo cadhada Eebe,
naxariistiisa iyo raalli ka noqoshadiisana ku kasban karo.
Anigoo intaasoo dhan aaminsan haddana waxaan
maalimihii ugu denbeeyay ka ooyay uurka, niyaddayduna saafi ma ahayn. Xubin
kasta oo jidhkayga ka mid ahna waxay la il-darnayd dareenka dhiillada xanbaarsan
ee ka dhashay warkii naxdinta lahaa ee sida kula soo booddada ah la ii soo
gaadhsiiyay.
Niyaddadu waxay ka didday xaqiiqdii qadhaadhayd
ee warkaasi uu xanbaarsanaa, qalbigayguna wuxuu yab-xeerinayay in dulucda xogta
la i soo gaadhsiiyay ay wax iska beddalaan ama ay noqotoba mid uu soo tebiyay
qof aan looga qaateen ahayn oon ku fiicanayn hubsashada xogaha uu tebinayo.
Marar badan ayay duruufta waayuhu kugu
kalliftaa inaad xaqiiqda waajihi kari waydo, oo aad niyadda ka jeclaysato inay
xaajadu sida laguu soo gaadhsiiyay si ka duwan u dhacdo. Dareenka nugul ee
noocaas ah mar kastaba jilicsanaan iyo karti xumo dabada kuma hayo, ee waa
dabeecad Eebe aadamihiisa ku abuuray inuu xaajada qadhaadh ka biya-diido,
xaqiiqda kululna wajiga ka dedbo.
Adduunyadu waa wareegto oo meel kuma ekaato,
waa’ kasta oo guduutana wuxuu xanbaarsan yahay xikmad rabbaani ah oo tijaabo
lagaga qaadayo bani’aadamka.
Waayuhuna sifo ahaan ma kala duwana oo way isu
wada-egyihiin, balse waxay ku kala duwan yihiin farriimaha ay xanbaarsan yihiin.
Qaar baa xanbaarsan farriimo farxad iyo damaashaad inoo horseeda, qaar kalana
waxay xanbaarsan yihiin farriimo naxdin iyo murugo inoo soo jiida.
Farxadda iyo naxdintuna isku guri uma hoydaan
ee had iyo goore waxay ku kala sugan yihiin labo ardaa oo kala duwan, taasi
waxay ka dhigan tahay in marba midda ardaagaaga ku sugan mooyee tan kalana ay
maalin maalmaha ka mid ah uun kuu soo hoyan doonto. ”Waana xikmad nolosha ku
larban”.
Waana hubaal in qof kasta oo inaga mid ah uu
xaqiiqdaas si fiican u ogyahay, laakiin haddana jidhka bani’aadamku dubaaxinta
iyo danqashada ma daayo mar kastoo dhibaato ay isaga la soo deristo ama ay la
soo gudboonaato inta uu jecel yahay ee dubaaqiisu u naxo.
In kastoo midabka madow uuna midabbada kale ka
nacabsanayn haddana maalmaha shiddada xanbaarsan waxaa lagu tilmaamaa inay
yihiin maalmo madow. Maalintii axadda ahayd ee bishan oktober ay 6 ahayd waxay
xaggayga ahayd maalin madow oo farxad ka madhan, waxaanan hubaa inay jireen dar
badan oo maalintaas muragadeeda ila wadaagay iyo waliba qaar iiga badnaa.
Waxaa maalintaas shil baabuur ku geeriyooday
saaxiib iyo walaal qaali ah oo giddigeenba inugu wada-dheeraa. Waxaa maalintaas
god aakhiro u galbaday saaxiibkeen, walaalkeen marxuum Cumar Faarax Raage.
Xubnaha jidhkayga oo dhan uurka ayay ka ooyayaan tan iyo markii aan warkaas
naxdinta leh maqlay. Baroor-diiqdana ma dayn doonaan intay ifka saaran yihiin.
Hase yeeshee inta kaliyee aan maanta u awoodo
waa inaan idhaahdo ”Alla ha u naxariisto, jannadiisiina ha ugu bishaareeyo”
Eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo intii jeclaydee uu ka tegayna samir iyo
iimaan Eebe ha ka siiyo.
Waxaa isuguna geeri iyo nolol u dhexeeya
saaxiibkeen, walaalkeen Siyaad Axmed Yuusuf, oo xaaladdiisu ay wali khatar tahay,
dhakhaatiirtuna ay wali ku mashquulsan yihiin sidii ay naftiisa u badbaadin
lahaayeen. Badbaado Ilaahay baa hayee waxaan ka baryaynaa inuu u boogo-dhayo oo
dhibka haya oo dhan ka suuliyo, sidiisii horana ku soo celiyo.
Waxaa iyagu shilkaas ma-naxaanka ah ka
samata-baxay saaxiibada kala ah Balanbaad, Faarax iyo Mahad. Iyagana waxaan u
baryaynaa barwaaqo iyo sareedo inuu Eebe kala kulmiyo noloshooda adduun,
aakhiradoodana ka dhigo middii la fal-gasha intii suubbanayd ee Rabbi jannadiisa
u ballanqaaday.
{Geeridu waa xaq, hase yeeshee jidhku
gilgilashada ma daayo marka gacal ku dheeraa uu god aakhiro uga dheelmado
###
I I D H
E H
|
|
QORAALKII HORE
EE AXMED YAASIIN... GUJI HALKAN
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|