Safarkii Ingiriis ee Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
DIGNIIN:
»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka
Dhammaan ka akhri halkan |
Markii iigu horreysay ayaan
shalay imid magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Garoonka Deyniile ee duleedka
magaalada Muqdisho ayaan ka soo duulay goor barqanimadii ah. Muddo ka yar hal
saac markii aan garoonka dhex joogay ayaa waxaan soo raacay diyaarad
lambarkeedu yahay VVD oo ah kuwa Qaadka geeya Soomaaliya.
Muddo saddex saac ku dhow ayay
diyaaraddu hawada nagula soo jirtay, waxaana ila saarnaa dusheeda afar wiil oo
dhallinyaro ah, laba gabdhood oo yar yar iyo laba pilot oo mid ka mid ah la ii
sheegay inuu yahay mid ka mid ah milkiilayaasha diyaaradda, uuna yahay Soomaali.
Pilot-ka kale ayaa isaguna ah Ethiopian, mana ahayn markii ugu horreysay ee aan
isla safarno.
Saacad markii diyaaraddu
socotay ayaa si axsaannimo ay ku jirto uu nin ka mid ahaa dadkii aan diyaaradda
wada saarnayn waxa uu iigu baaqay inaan cuno Oodkac uu watay. Markii aan laba
jeer iri ma cuni karo ayuu igu yiri dhadhami. Wax yar ayaan soo darsaday
Oodkacii, kaddib waan qasmay.
Xanuun aanan ogeyn ayaa igu
yimid oo degdeg ah, waxaana dareemay, run ahaantii, inaan sakaraad ku dhowahay.
Waxaan aad uga welwelayey in anigoo xanuunsan aan ka dego garoonka Wilson
Airport oo aalaaba shaqaaluhu ay yihiin dad culeyskooda leh.
Markii aan soo gaarnay
garoonka ayaa Ilaahay igu taageeray caafimaad. Waxaan maray qaybaha hubinta iyo
baaritaannada. Markii aan marayo baaritaankii ugu dambeeyey ayaa waxaa isaga
key dhegay qoladii joogtay meesha looga baxo garoonka.
Waxa ay i weydiiyeen document-ga
aan ku soo galay Kenya. Waxaan tusay passport-keygii oo uu ku dhufsan yahay dal
ku gal (VISA) Kenya ah oo garoonka laygaga dhuftay. Wax kale oo document ah ma
wadataa markay yiraahdeen ayaan tusay Journalist’s Card aan leeyahay oo ka
diiwaan gashay Minneapolis, MN.
Salaan ayay qaateen, waana i
raalli geliyeen, iyagoo igu leh “waan ka xunnahay, raalli ahow.” Waa yahay,
waadna mahadsan tihiin inta iri baan orod ku soo fuulay gaari ay igu soo
dhoweynayeen saaxiibbadeyda Nairobi. Waxaan niyadda ka soo gocday asluub
wanaagga howl-wadeennada garoonka Dubai iyo arxan-darrada kuwa Wilson.
Magaalada Nairobi markaan
gudaha u soo galay ayaa waxaa na joojiyey gabar askariyad ah. Darawalkii ayay
weydiisay license-ka uu ku wado gaariga. Markuu tusay ayay ku murmeen magaciisa.
Waxaa arrintii dhex galay saaxiibadey, waxaana ay ku dhammeeyeen xaal-mastuur.
Waxaan soo dhex maray
magaalada gudaheeda, wax yar kaddibna waxaan imid xaafadda Eastlight, oo ah
meesha malkada rasmiga ah u ah Soomaalida deggan magaalada Nairobi. Dadku aad
ayay u badan yihiin, waxaadna dareemaysaa inaad joogto Soomaaliya oo kale.
Waxaan markiiba dhexda ka
galay Ayaamaha Cyber Café oo dhab ahaantii si weyn caan uga dhex noqday reer
Nairobi. Net-ka dabaalashadiisa ayaa laygu soo dhoweeyey anigoon weli nasan.
Markaan wax yar fiiriyey ayaan u istaagay nasiino.
Eastlight, markii hore waxaan
ka aaminsanaa inay tahay meel yar oo kooban, hase ahaatee waxaa ii soo baxday
markaan meelaha soo marmaray inay tahay xaafad weyn oo ballaaran, hase ahaatee
waa meel dhiiqadu ku badan tahay.
“Waxaan ma ahan dhiiqo, waa
wasaqdii magaaladu iska soo fogeysay,” sidaas waxaa xalay igu yiri Faysal
Cali Jimcaale oo ah reer Eastlight, annagoo dhex marayna meel aan la mari karin
oo wasaq badani ceegaagto.
Waxaan degay hotel Mash oo ku
dhex yaalla bartanka Eastlight, hotelkana waxaa deggan badi dadkii ay iiga
xirnaayeen howlihii aan u imid halkan. Waxaa hotelka ku hor yaalla maqaayad ka
mid ah maqaayadaha ay Soomaalidu isugu timaaddo.
Saakay subaxnimadii ayaan u
dhaqaaqay dhanka magaalada hoose (downtown) Nairobi. Waxaan billowgii hore
tagay hotel Hilton. Waqti gaaban markii aan ku nastay ayaan u dhaqaaqay dhanka
dukaamo iibiya dharka Talyaaniga, waxaana la kulmay dhacdo la mid ah
dhacdooyinkii Muqdisho.
Koox burcad ah oo hubeysan
ayaa waxa ay galeen oo qabsadeen dhismaha weyn ee la yiraahdo Uganda House,
waxaana ay isku dayayeen inay lacag boobaan, hase ahaatee police-ka ayaa nin ka
mid ah tuugada dhaawacay, waxaana ay eryadeen kuwii kale.
Dad badan oo dhacdadan la
yaabban ayaa dhismaha ku soo hor-xoomay, waxaanan la hadlay nin ka mid ahaa
dadkaas oo ii sheegay in dhacdooyinkan oo kale ay ku badan yihiin Nairobi.
Waxaan dabadeed ka soo
dhaqaaqay meeshii, waxaanan imid Portal Coffee oo ah maqaayad Soomaalidu ay wax
ka cunaan. Waxaa i wehliyey ganacsade Daher Ali Bubal oo muddo joogay Kenya.
Waan qadeynay, kaddibna waxaan galnay Masjidka caanka ah ee Jamia Mosque oo ku
dheggan maqaayadda.
Masjidka waxaa aalaaba si
lixaad leh u soo camira Soomaalida, waxaana uu u dhisan yahay qaab casri ah.
Waxaan dabadeed booqday hotel Intercontinental-Nairobi oo ah meel lagu kala war
qaato. Cabbaar markaan fadhiyey ayaan weydiiyey wixii buugaag cusub ee ay
hayaan Catholic Bookshop oo ku dheggan Cathedral-ka bartamaha.
Waxaan dabadeed hormaray
khabrigii Madaxweynihii hore ee Kenya, Jommo Kenyatta. Khabriga waxa uu dhexda
kaga yaallaa laba libaax oo bir ka sameysan. Waxaa geesaha kaga yaalla 20 calan
oo calanka Kenya ah.
Kaddib, waxaan sii ag maray
Baarlamaanka Kenya oo dhisme ahaan u eg Baarlamaankii hore ee Soomaaliya,
waxaana uga sii gudbay Xafiiska Madaxweynaha Kenya (Office of the President).
Iigama muuqan xafiiska in wax shaqo ah ay ka socdaan, waxaase ku badnaa
gawaarida.
Waxaan kaddib booqday Kenyatta
International Conference Center oo ah dhisme la dhihi karo waa kan ay caanka ku
tahay Nairobi. Askar badan ayaa gudaha ku dhex jirtay, kuwaas oo sugayey
ammaanka. Waxaan halkaas uga sii gudbay dhismaha Nation Building oo ah xafiiska
wargeyska afka dheer ee Daily Nation. Wixii warbixinno ah ayaan
is dhaafsannay, waxaana ballannay inaan mar kale is weydaaranno wixii fekrado
ah.
Magaalada Nairobi, waxaa aad
ugu badan dadka masaakiinta ah ee tuugsada. Waxaad ku arkeysaa dariiqyada dad
taag-darran iyo kuwa dhaawacan oo aan garan waayey wixii ay ku dhaawacmeen.
Caawa anigoo jooga hotel The
PanAfrican ayaan waxaan maqlay xabbad, dad hotelka qaybtiisa hoose jooga ayaana
ii sheegay inay dhici karto in xabbaddu tahay police-ka iyo tuugo is haysata.
Waxaa magaalada awood qarsoon
ku leh tuugada dadka dhacda, kuwa wax dafa iyo kuwa dadka qalqaliya ee xeeladda
u adeegsada, waxaase aad u yar maalmahaan qabqabashadii ay police-ka Kenya ku
hayeen Soomaalida.
Nairobi, waxaa caado ka ah in
gaadiidka dadweynaha ee BL-ka oo halkan looga yaqaanno “Matatu” ay si
darran u dheereeyaan muusigga, kaas oo dheguhu ay ku qiiqayaan, korkuna ku
ruxmayo, iyadoo gawaaridani lagu farsameeyo Kenya. “Dadka waayeelka ahi ma
raacaan gawaaridaan muusigga dheer awgii” ayuu yiri Saacid Maxamed Cali oo
dhallinyarada Nairobi ka mid ah.
Cimilada ayaa maalmahaan yara
kulul, laakiin waxa ay iila muuqataa qabow. Cimiladu waxa ay caga cageynaysaa
32, habeenkii ayayse noqotaa 24. Guud ahaan, magaaladu waa roobeysan tahay,
waxaana ka da’aya roobab.
Dhaqanka iyo dabeecadda ayaa
wax badan ka geddisan tan Soomaaliya, waxaana dhallinyaradu ay xiiseeyaan ka
qayb galka xafladaha Aroosyada iyo kuwa kaleba, waxaana arrintan dhiirri geliya,
sida la ii sheegay, dhallinyarada qurbaha ka timaadda.
Dhinaca waxbarashada xaafadda
Soomaalidu deggan tahay lagama sheegi karo waxbarasho tayo leh, laakiin waxaa
jira dad wax barta oo aan badnayn oo dhigta waxbarashada dowladda.
“Soomaalida inteeda kale
waxay wax ka bartaan iskuulada gaarka ah (private schools), waxayna bartaan
luuqadda English-ka oo keliya,” sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Xaaji (Cali
Deeq) oo ka mid ah dhallinyarada Kenya. “Waxaa kale oo ay bartaan Computer-ka
iyo isticmaalka Internet-ka” ayuu ku daray
Ganacsiga Soomaalida ee
Nairobi, gaar ahaan Eastlight ayaa 90% waxa uu ku xiran yahay dharka, hase
ahaatee maalmahaan dambe waxaa sare u kacay isku dayashada ganacsatada iyo ka
ganacsiga Cyber Café-yada.
“Nin walba waxa uu ku
dayanayaa ninka kale tallaabada uu qaado,” sidaas waxaa yiri Cali Maxamed
Cabdi (Waayeel) oo ka mid ah ganacsatada Nairobi, “waad aragtay sidaan filayo,
dariiq walba waxaa ku yaalla Net Café” ayuu ku sii daray.
Nolosha Nairobi, ma hooseyso,
mana sarreyso. Waa iska meel dhexaad, hase ahaatee magaalada hoose ayaa yara
qaali ah. Marka is barbardhig la sameeyo, nolosha Nairobi waa ka hooseysaa tan
Dubai, waana ka sarreysaa tan Muqdisho.
WAKAALADDA WARARKA IRIN OO
NAIROBI KU WARAYSATAY MAXAMED XAAJI (INGIRIIS)
‘Waxaan dareensanahay in
dhaawac uu gaaray xiriirkii u dhexeeyey saxaafadda iyo dowladda ku meel gaarka”
Wakaaladda wararka Qaramada
Midoobay ee IRIN ayaa dorraad la xiriirtay weriyeheenna Maxamed Xaaji (Ingiriis)
oo hadda ku sugan magaalada Nayroobi, waxaana ay wax ka weydiisay sharciga
saxaafadda ee Baarlamaanku ansixiyey.
“Haddii sharcigani lagu
ansixiyo sida uu hadda yahay, wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah kuwa ugu foosha
xun adduunka (draconian)” ayuu yiri Ingiriis oo u sheegay IRIN in Arbacadii
la soo dhaafay ay dhammaan joojisay saxaafadda Muqdisho shaqadeedii, sida
wargaysyada, idaacadaha iyo telefishinnada.
“90% saxaafadda la daabaco
iyo tan warbaahintu way joojiyeen howshoodii si ay u muujiyaan inay ka soo
horjeedaan sharcigan” ayuu yiri Maxamed Xaaji (Ingiriis) oo xusay in sharci
ku sheeggani uu hor istaagayo howlgallada saxaafadda.
“Waxyaabaha saxafiyiintu ay
aadka uga walaacsan yihiin waxaa ka mid ah; in sharcigu qeexayo inay tahay
sharci darro in la weriyo sirta dowladda iyo in la dhaleeceeyo saraakiisha
dowladda” ayuu yiri Ingiriis.
“Sharcigani waa wax aan la
aqbali karin (unacceptable), taasna waa waxa aan ku diiddannahay” ayuu yiri,
isagoo sheegay inkastoo sharcigani u muuqdo mid aan weli lagu heshiin, haddana
isagoo ku hadlaya magaca saxafiyiinta Soomaaliyeed uu soo dhoweynayo
faragelinta Madaxweynaha ee uu ku celiyey Baarlamaanka sharcigan.
“Waan soo dhoweynaynaa
tallaabada Madaxweynaha, laakiin waxaan dareensanahay in dhaawac uu gaaray
xiriirkii u dhexeeyey saxaafadda iyo dowladda ku meel gaarka” ayuu yiri
Ingiriis oo walaac uu ka muuqdo, waxaana uu intaas ku daray “arrintani gebi
ahaanba waxay ahayd mid aan loo baahnayn.”
Wakaaladda wararka IRIN waxaa
kale oo ay waraysatay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Aadan Ibraahin (Ibbi),
waxaana uu u sheegay in Madaxweynaha KMG C/qaasim Salaad Xasan uu oggolaaday in
dib u habeyn (amendments) lgu sameeyo sharcigan, “Madaxweynuhu wuxuu dhisay
guddi qareenno ah iyo saraakiil dowladda ah oo la shira suxufiyiinta, kalana
hadla cabashadooda” ayuu yiri Ibbi.
“Goluhu wuxuu si degdeg ah
ula kulmi doonaa wakiillo ka socda saxaafadda, sharciga intiisa badanna waxaa
loo gudbin doonaa Baarlamaanka, kuwaas oo ka bixin doona qodobada saxafiyiintu
ka cabanayaan” ayuu yiri.
Warkan waxa uu ku jiraa web
page-ka wakaaladda wararka IRIN, isagoo ku qoran af-Ingiriisi, waxaa kale oo
laga heli karaa website-ka caanka ah ee lagu magacdaabo: http://allafrica.com/
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Oct 3, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|