SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 Hay'adaha INXA, COGWO iyo JOINT oo kulan ay kaga hadlayaan shirka Kenya ku qabtay hotel The PanAfrican

Waxaa caawa ka dhacay hotel the PanAfrican oo ku yaalla magaalada Nairobi shir ay soo qabanqaabiyeen hay'adaha INXA, COGWO iyo JOINT. Shirkaas waxaa isugu yimid dad ka kala socda siyaasiyiin, ganacsato, waxgarad, odoyaal iyo aqoonyahanno.

Shirkan waxaa looga hadlay talo soo jeedin (proposal) ay diyaariyeen hay'adahaasi, kaas oo kula talinayey Guddiga farsamada shirka Kenya inay dedejiyaan nidaam dowladeed oo laga dhiso Soomaaliya.

I  I  D  H  E  H

Qoraalka ay soo saareen hay'aduhu waxaa kale oo uu ku talinayey qabanqaabiyaasha shirka in Golaha Baarlamaanka ee la habeynayo uu noqdo 450. Talooyinkaas waxaa ka muuqday in hay'adahaasi ay hamuun badan u qabaan inay shirka door cad ku yeeshaan.

Xiriiriyaha hay'adda INXA, Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) ayaa sharraxaad kooban ka siiyey ka soo qayb galayaasha shirka qodobbada ku qoran qoraalka talo soo jeedintooda oo ku dhowaad 10 bog ka koobnaa.

Cumar Dhegey waxa uu sheegay inaysan ka soo horjeedin in hoggaamiyeyaasha kooxuhu ay shirka ka soo qayb galaan, hase ahaatee aaraada qaar ka mid ah dadkii shirka ka hadlay ayaa muujiyey inaysan ku qanacsanayn ka soo qayb galka hoggaamiyeyaasha kooxaha.

Qaar kale oo ka mid ahaa aqoonyahannadii iyo waxgaradkii ka soo qayb galay ayaa sheegay in hirgelinta iyo fulinta shirka Kenya ay ku xiran tahay hoggaamiyeyaasha kooxaha.

Saciid Siyaad Shirwac oo ah ganacsade Nairobi deggan ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha in dadka qaar ay hoggaamiyeyaasha kooxuhu u yihiin madaxdooda sharciga ah, qaar kalena ay arrintaas diiddan yihiin.

Haween ka soo qayb galay shirka ayaa iyaguna sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay jecel yihiin inay kaalin ku yeeshaan shirka, iyagoo ku eedeeyey ragga inay wax walba iyagu qaateen.

Dadka Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal. Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio Sagal Riix Halkan

Xuseen Dhimbil Warsame ayaa isagu sheegay in talo soo jeedinta hay'adaha ee ku wajahan shirka Kenya ay qodobbo badan qaladaad ay ku jiraan, sida qodob aan qeexnayn oo sheegaya in dastuur cusub la sameeyo. "Halkee looga tagayaa kii Carta" ayuu yiri Xuseen Dhimbil.

Shirka ayaa ku soo gaba gaboobay iyadoo hay'adahaasi ay ballan qaadeen inay wax badan ka qaadan doonaan fekradihii ay u soo jeediyeen ka soo qayb galka shirkaas.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Nairobi, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com 

DOODFURAN: Suxufiyiinta ee Sharciga Saxaafada ee DKG

SomaliTalk | Oct 2, 2002

Reer Galbeedka oo soo dhoweeyay Dawlad laga dhiso Soomaaliya
Doblamaasiyiin reer galbeed ah oo u waramayay saxaafada dalka Kenya ayaa  GUJI..
Saxaafada Xorta ah oo Qaadacday DKG
Tan iyo markii uu golaha shacabka kmg  ah ee soomaaliya uu ansixiyay sharci xakamaynaya Saxaafada Xorta ah ayaa GUJI..  
DOODFURAN: Dadweynaha ee Sharciga Saxaafada ee DKG
DIGNIIN: VIRUS HALIS AH
Bulgaria iyo Romania oo Mucaawinaya Som.
u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG , ahna safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa GUJI..  
Wararka kale ee Maanta waxaa kamida
»» Urur Islaami ah oo Booqday Soomaali Kuxiray Minnesota GUJI
»» Sharci liddi ku ah saxaafada Xorta ah oo kasoobaxay DKG GUJI
»» Qoxootiga Bantuga oo gudniinka ku boobsiinaya gabdhohooda GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI
»» Kalfadhiga Islaamiga ee 5aad oo laguqabanayo Ottawa GUJI

Wararkaas oo dhan ka akhri halkan

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD