Taarikhdu Markii ay ahayd 02.10.2002 ayaa xilliga saqdii dhexe oo ay
saacaddu ahayd (3:45)Daqiiqo, waxa gurigisa lagala baxay Mudane, Dr Xuseen
Cali Cilmi,oo kuyaal Xaafadda EastLeigh, Six Street, dhibbane Dr Xusen Cali
Cilmi Waxa gurigiisa soo weeraray tiro rag ah oo katirsan ciidanka Boliska
Kenya, kuwa loo yaqan Flying Scout, Ciidankan oo watay Gaari PEUGOT ah, tiradooduna ay dhamayd Siddeed(8) Nin oo ku hubaysan Hubka fudud iyo
Qoryaha Loyaqaan AK47, ayaa xilliga kor ku xusan soo garaacay Albaabka
Guriga Dhibbanaha.
Garaacid kadib Dr. Xuseen Cali Cilmi waxa uu furay albaabkii, waxa markiiba
lagu bilaabay Dharbaaxo iyo jirdil iswata, si looga dhumiyo dareenka, markiiba
dadkii xafadda ayaa buuqay, hasayeshee Ciidankan oo ku labisnaa dharka cad,
waxay ku guulaysteen inay latagaan DR. Xusen Cali Cilmi, Aqoonsiga lagu
gartay Waxa falkan gaystay inay yihin Ciidan Kenya katirsan ayaa waxa
muujiyay Raadiyeyasha yar yarka ah ee 150 Km wax looga maqlo, oo markaas
midkastaa oo kamid ragga howlgalka fulinayay gacantiisa ku jiray.
Waagu markuu baryay ayaa marwada u hoyata Dr Xuseen Cali Cilmi waxay
laxariirtay Caa'ilada Xusen, iyadoo markiiba dadkii howsha Dr Xusen ay
Gaartay ay laxariireen xarumaha Boliska kenya, gaar ahan xarunta laga
maamulo Boliska xaafadda East Leigh(Islii) ee Bangani Police Station.
Si kastaba ha'ahaatee waxa lagu guulaysan waayay in lasoo ogaado Halka,
Goobta Iyo Xabsiga lala beegsaday Dr Xuseen Cali Cilmi, taasi waxa kasii
darnaa markii ay dadka intiisa badan laxariireen Laanta socdaalka Kenya,
iyagoo ka dalbaday in dhamman Diyaaradaha kaduula kenya oo u kicitima
somaliya oo dhan labaaro si looga taxadaro In Dhibbanaha looduuliyo
Somaliya, Arrintaan laxariirta u kuurgalidda diyaaradaha
waxa keenay in kal hore la'isku dayay in Dr Xuseen loo af dhuubto Soomaaliya arrimo laxariira Siyaasadda awgeed.
Saacaddu markii ay ahayd 12:35 daqiiqo Xilliga ay sacaddu is badasho kenya
ayaa waxa lasoo ogaaday in Dr Xuseen lagu hayo Xarunta CID'da Kenya ee Police
Head Quarters loona yaqan (KASARANI), saldhiggan KASARANI waxa uu kuyaal
Banaanka magaalada Nairobi, magaaladana waxa uu u jiraa illaa 15Km dhinaca
Bari, xabsigan waxa lagu xiraa dadka danbiyada waawayn gala sida Gangs-ka,
Hogamiyeshasha Xisbiyada, Askarta danbiyada Lagu qabto, IWM.
Si kastaba ha'ahaate, Ogaanshaha Dhibbanaha waxay naruuro u noqotay
Caa'iladiisii , Marwadiisii, Iyo Caruurtisii oo aad ugu farxay inay maqlaan
Nolosha Aabahood, Dr Xuseen Cali Cilmi.
Maalinkii Khamiista oo ay tarikhdu ahayd ahayd 03.10.2002 ayaan waxaan soo
booqday saldhigga Kasarani, aniga oo doonaya xogta dhibbanaha Dr Xusen Cali
Cilmi, waxa dad goobjoogayaal ahi ay iishegeen in Dr Xusen Cali Cilmi ay Sarakiil Maraykan ah
ugu yimaaden Xabsiga ama kaxaysteen, qoladan maraykanka ah waxa ay kawada hadleen Dhibbanaha
lama oga illaa iyo hadda.
Laba Saac ka dib ayaa qolkii xabsiga lagusoo ceshay Dr Xusen Cali Cilmi, waxa markiiba Dr'ka
loo qabtay Qareen u dooda Xuquuqdiisa, Ehelada iyo Marwada u hoyata
Dhibbanaha waxa loo sheegay in arrintu ay u taal beesha uu ka dhashay
dhibbanaha wax garadkooda ee Nairobi.
.... iyo .... oo labadaba ka mid ah Ganacsatada sida aad
ka'ah looga yaqaan dalka kenya , isla markaana xiriir fiican laleh Dowladda
kenya ayaa ah kuwa qabtay qareenka u doodaya sida loogu tacadiyay xuquqda Dr
Xusen Cali Cilmi.
DR Xusen waxa uu ku jiraa illaa iyo hadda Xabsiga Kasarani Police Station,
maalinka isniinta ah ayaa waxa larajaynayaa in lasoo taago maxkamad Afar (4)
kamid ah Polis-ka Kenya ee falkaan gaystay, waxa soo baxaya warar kale oo
sheegaya in kooxo soomaali ahi ay shirqoolkaan wax ka'ogayeen kooxahan oo qaarkood
lamagacaabay.
NB: Ugu danbayntii Qoralkan midka xiga ayaan kusoo bandhigaya Cidda ka
danbaysay Shirqolkaan iyo wararka kasoo baxaya Polis-ka Kenya Iyo warbixin uu
isiiyay Dr Xusen Cali Cilmi oo aan kula kulmay Xabsiga in ku siman Lix
(6)daqiiqo, Iyo Waliba Howsha Maxkamadda meesha ay marayso , qarashka Ku
baxaya inta uu la'eg yahay, iyo Jawiga xaaladda isu badashayba.
Mahadsanidin.
Ilo Wargal oo jooga Nairobi Kenya.