SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Ha is saxdo somali khaladkeeda

 

I  I  D  H  E  H

 Magaca alaah ayaan ku bilaabayaa 

Asalaam caleykum wr wb .

Somali ha is saxdee ma qabiilbay isku saxaysaa ? suaashaas idinkay idiin taal somaliyey.laakiin aniga aragtidayda waa maya bal xusuusta inta jeer ay guulaystay somali waa intay iska saartay qabyaalada waana kala jaad qabiil waa magac qabyaalad waa ficil.

mugdiga ay maanta ku jirto somaali ma mid ay taariikh ulahaydbaa mise waa mid waqtigan danbe Ku soo baxay?jawaabtu waa mid ay hada la soo baxaday taariikhdeeda hore waxay ku wada caan baxday somaliyi kuligeed inta ay ummad islaamka haysata lagu yiqiin haday sharaf tahay iyo haday deeqsinimo tahay iyo haday is xurmayn tahay markaa xagay sartu(maqaarka) ka qudhuntay soomaali guud 75 sanadood ee ugu danbeeyey ayaan isku deyeyaa inaan wax yar ka faaloodo taariikhdeeda dhexe ee ka dan beesey waqtigii seyidka . 

Horta aan ka bilaabo casrigii dhexe ee macalin jaamac iyo sheekh Bashiir iyo sheekh Xasan Barsame oo kacdoonkoodu ku salaysnaa gaal nacayb iyo aragtidoodii diimeed ee ay arkayeen oo ahayd inay iyagu ay ehel uyihiin inay maamulaan dalka,iskuna dayeen inay guubaabiyaan oo ay ku kaceen ingiriis iyo kuwii kale ka dibna syl ayaa bilaabatay oo xamar lagu aasaasay , kacdoon gobanimodoon oo dhan walba bilaabmay min xamar ilaa hargeysa ilaa jabuuti ilaa NFD ilaa hawd& reserve area waayo kacdoonkoodu wuxuu ahaa caadifi somali doona mana cilmiyeysnayn,waliba dadka taariikhyahanada ay yidhaahdaan waa markii burburka soomaali kowsaday,waxayna sidaa u yidhaahdaan jabuuti maahee afarta kale hal fure ayey wada yeesheen oo waxay hoos tageen boqortooyada ingiriiska, waliba gaar ahaan dadka udhashay gobolada ay itoobiya haysato oo ah 75% dhulka somalida waxa yidhaahdaan halgankii dheeraa wuxuu noo keenay in Ereteriya oo aanu ka raja rooneyn dagalkii 2aad ka dib inay maanta dawlad la aqoonsanyahay ay tahay, waayo iyadu waa Ereteriyee isla markii dagaalkii 2aad dhamaaday iyadu waxay ka tirsanayd itoobiya laakiin gobolada somalida ee la odhan jirey hawd and r.area dhawr iyo toban sano ka dib bay itoobiya ay hanatay 1954. ka dibna ay sidii u wadaan halgankoodii inkastoo imika hal beel uun looga siibtey .

Dhanka gobolada waqooyiga laakiin halgankoodu gobolada waqooyiga wuxuu ahaa somaliweyn inlahelo min darawiish ilaa hada,markaa50kii ka dib waxay ku dadaaleen inaanay ka hadhin walaalahooda haysta balan qaadka un ta inay helayaan xoriyadooda wayna kuguuleysteen 1960 wayna la midoobaan koonfur ,waxa jira in loo bixiyey qaldaanwiif(midnimo doonka)wuxuuna ku yimi markii la isku darsaday in dadkii wax kalasocodsiinayey 80% ay ahaayeen dadka ka yimi waqooyyiga markaa way qanceen oo in wax ka maqan yihiin may ka dhigin halka laga badsay madaxada sare . Wasaaradkasta min agaasimaha guud ilaa shaqaalaha waxay ka yimaadeen waqooyi iyo dhulka itoboyadu haysato markaa kii sheeganaya in wax ka maqnaayeen ha waraysto ragii Alevel iyo Blevelka 60kii ku shaqeeyey baa jooga ee ka yimi gobolada waqooyiga xukuumadaasi waxa baabkeedii dhamaaday1969kii, ka dib kacaankii oktoobar isna muddo sideed sano ku dhawaada ayuu ummada si hagar la aana ugu shaqeeyey dadka iyo dalka gaadhsiiyey wax la taaban karo ilaa maantana raadkeedu sii muuqdo wuxuuna ku gaadhay dagaalkii uu qabyaalada ku qaaday markaa 77kii iyo wixii ka danbeeyey baa burburkiisii bilaabmay oo bahashii uu xabaalay soo faagtay isweydiina male wixii ka soo baxay ilaa 1991 uu dhamaaday xiligiisii ka dib maxaa!!!!!!

Hadaba burburkii haduuba bilaabmay wixii ka danbeeyey77kii waxa burburiyey qaraankiina ay tahay, qabyaalad(waa marka qabiil dheriga lagukarsado waxna lagu cuno),sida reer cadhooda oo qabiil u baxa iyo mid ku shaqeesta qaybi oo xukun kursigana ku hayso, markaa 90kii wixii ka dan beeyey ilaa maanta ma hayno xal ,maxaa xal ah?waxaa xala aragtidayda in soomaali is cafiso ka dibna cafiso afartii jabhadoodmucaaradka ahaa(SSDF,SNM,SPM,USC) iyo bar tilmaameedkoodii kacaankii burburay iyo rajiimkiisa waayo asaas bay u ahaayeen dhibka maanta jooga inaynu xaq ku buuxinona ma aha ,iyo kuwa 90 ilaa hada haysta ummada dhana aan u sii dayneyn waayo belaayo ka hor tag bay leedahay ee ka daba tag male ,wixii tegay tiigsimaad male,waayo hadii dadku cafiyo in ay dadka wax taraan baa laga yaaba waana inaynu ku dayanaa sidii nebigeena N iyoN G korkiisa ha ahaatee ula dhaqmi jirey qureesh markay u soo laabtaana cafi jirey .nimanka tujaarta burburkii ku sii shaqaystey ee xoolaha ka buuxana waa in culimadu xalaaleeyaan oo ka qubeeyaan qudhunka wayna fududahay kow tawbad marka labaadna xoolaha ay haystaan kala badh bay ummada u celinayaan badhka hadhayna way ku shaqaysanayaan ilaa ay hanti xalaala ugu soo baxayso sakadana way ka bixinayaan .

waa inaynu iyadoon qabiil la adeegsan ,iyo in qof kastaa isku dayo waar/ arooy aduunkan wax yar baa joogaysaaye maxaad ummadaada u qaban kartaa ma talo fiican ma cilmi aad ummada wax ugu qaban karto ayaad taqaan (tusaale doctor somali ah ayaa ilaah dartii ummado kale islaama dalkooda ugu taga kuna daweeya,waayo ummad dhisan oo baahan buu wax tari karaa laakiin dad is cunaya wax ma tari karo), waxaan dad badan ka waraystey dareenkooda dalkooda waxay iigu wada jawaabeen inay ka wada goan tahay siday ugu shaqeen lahaayeenwanaajintiisa, hadaba sidaa oo kale ayaa laga rabaa qofkasta oo somaali ahba in uu u guntado (dhexda u dhuujisto) meelkasta uu ka joogo dunida siduu ummadiisa wax ugu qaban lahaa.

Markaa waxaan ku soo gabagabaynayaa intii dhimatay alaah ha u naxariisto inta noolna Walaalayaal ha loo taliyo dhibka iyo anaaninimada ku saleysan qabyaalada ha laiska daayo Waayo qofkasta wuu dhiman qof waaraya majiro, shaydaankana ha la iska jiro ka xoolaha jecel xoolaha ayuu u soo mari ka inuu madax noqdo jecel xageeda u soo mari ka qabiilka jecel qabiilkuu usoo mari .

Somalikhaladkeed ha saxdo.

Wa bilaahi tawfiiq Axmed 
Giire245@hotmail.com 

Oct 18, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD