C/laahi Axmed Black oo ah aasaasayaashii ururka RRA ayaa waxa uu sheegay in
shaargaduud uu ahaa ninkii qaska ka dhex abuuray RRA-da gudaheeda,isagoo
sidoo kale carabka ku dhuftay inuu ahaa ninkii mas`uulka ka ahaa dagaalkii
ka dhacay gobolada Bay iyo Bakool .
C/laahi Black oo u waramayey qaar ka tirsan saxaafada Muqdisho isagoo jooga
magaalada Baydhabo,ayaa waxa uu sheegay in Shaargaduud uu ka soo horjeestay
talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay u soo jeediyaan qaar ka tirsan guddiga
fulinta RRA-da iyo labadiisa gudoomiye-ku-xigeen,taasoo mar hore uu ka
dhega-adeegay islamarkaasna uu dhisay maamul gacan-ku-rimis ah oo isaga hoos
taga,waa sida uu hadalka u dhigayee.
Black oo mar wax laga weydiiyey xaaladdaha magaalooyinka Baydhabo iyo
Buurhakaba waxa uu sheegay in jawiga uu haatan xasiloon yahay, labada
magaalana ay joogaan ciidamada RRA-da. Xaaladda magaalada Buurna mar uun
ka hadlayey waxa uu tibaaxay in Buurhakaba ay tahay magaalada keliya ee aan
wax dagaal ahi ka dhicin illaa iyo markii xiisadahu ka dhex aloosmeen
Col.Shaargaduud iyo labadiisii ku-xigeen,haatana buu yiri ay u heelan yihiin
dadka ku dhaqan Buurhakaba inay mar kale hantaan nabada .
“shargaduud waxa uu ku soo laaban karaa Baydhabo oo keliya isagoon huwanayn
magac madaxweyninimo haddii uu magacaasi sii watana waxa uu dhaxli doonaa
dhibaato hor leh”sidaasi waxaa yiri Black oo intaasi sii raaciyey in ay
dhinacooda ku dadaali doonaan nabada iyo wada jirka dadka dega gobolada Bay
iyo Bakool.
WQ.cabdulaahi mire
qadaafi114q@hotmail.com