Madaxweynaha Yugandha oo ka hadlaya furitaankii Shirka
Eldoret ayaa marti sharaftii Soomaaliyeed ee iskugu
timi hoolka shirka su'aasha kor ku xusan waydiiyey.
Mr. Museveni isagoo ka hadlaaya qiimaha dadku
leeyihiin waxa uu yidhi:
"The people are the most important human resource of a
country". ...dadku waa hantida ugu muhiimsan ee umadi
leedahay. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Mr. Museveni
gudagalay su'aal dareen xambaarsan markaasi ayuu
su'aalay dadkii madasha fadhiyey:
"Now what have our Somali brothers and Sisters been
doing to the Somali human Resource in the last eleven
years? Have they been developing it or destroying
it?". Imika maxay walaalaheena Soomaaliyeed [isagoo u
jeeda dadka madasha shirka fadhiya] u qabanayeen 11
kii sano ee ina soo dhaafay dadkooda. Toloow miyaad
baabiinayseen mise waad dhisayseen?
Waa su'aal da'weynoo madaxa daalinaysee....
Hayeeshee jawaabtii dadka madasha fadhiyey maxay
ahayd?.
DESTROYING IT..... waa jawaab aan laga fiirsan.
Mr. Museveni wuxu hadalkiisa ku xidhay... thank you
very much.... thank you...
Anigu hadaba waxan aad ula yaabay laba arrimood oo
runtii si weyn ii cajab geliyey. Waa ta koobaade,
jawaabta meeshaa dadkii madasha fadhiyey su'aashii
Museveni ka bixiyeen. Waa ta labaade, xitaa Museveni
oon anigu aaminsanahay in uu ka mid yahay dadka
aduunyada ugu maskaxda xun ayaa maanta Soomaali sidan
u liiday oo si xun uga yaayaqsooday.
Hadaba su'aasha aan isweydiinaya waxa weeye, maxaa
sharaf iyo karaamo ah oo u hadhay kooxaha iskugu tagay
Eldoret?
Xubnaha haatan jooga Eldoret ee ay ka midka yihiin:
- Muuse Suudi Yalaxow
- Xasan Abshir
- Xuseen Caydiid
- Aadan Gabyow
- Shaatiguduud
- Cabdillahi Yussuf
- Cabdalle Deerow
- Gaani
- Canjeex
- Cusmaan Jaamac
iyo kuwa kale ee ku soo biiraya ee ay ka midka yihiin
- Cusmaan Caato
- Qanyare
- Morgan
- Cabdiqaasim Salaad
waxa ay ku sifoobeen wax kasta oo xun. Haday noqoto
dhagar iyo dhiig-islaan, haday noqoto hunguri, haday
noqoto khaa'imul wadan iyo haday noqoto xaaraan wax ku
abtirsada.
Weligeed hal xaaraan ihi, nirig xalaal ah ma dhasho.
Nimanka sifooyinkaa leh miyey noqon karaan kuwo dawlad
iyo dal islaameed dhisi kara. Waa MAYA....
Su'aasha Museveni iyo jawaabta ay kuwa madasha ka soo
xaadiray bixiyeen waxay ka markhaati kacayaan in aanay
kuwa halkan iskugu yimi ahayn kuwii saxda ahaa ee dal
iyo dad-tabyo lahaan karayey. Maxaa hadaba la iska
daalinayaa oo la iskugu yeedhay shimbirahan bahaloobey
een bin'aadamnimo wax la yidhaahdo aan aqoon?....
Aduunyadu Soomaaliya in badan ayey la soo
kacaa-kufaysay, dawo aan lagu dayina ma jirto haba
yaraatee ..... kol ay ku tahay ciidamo caalami ah oo
loo keeno, kol ay ku tahay nidaam xaaraan ah oo dusha
lagaga keeno, kol ay ku tahay shirar tacab laga mutay
oo Soomaaliya dadka isku haya loogu yeedhay.
Eldoret iyo 14kii shir ee ka horeeyeyba waxaa la odhan
karaa waxbaa qaldanaa. Waxaa weligeedba qaldanaa
maantana waa qaldan yihiin. Shirkan Eldoret waxaan
shaki ku jirin in uu sii fogayn doono xalka dhabta ah
ee Soomaaliya ay maanta u baahan tahay. Kolaba in uu
xal soo dedejiyo ha eegin. Ninka xal shirkan ka
filayaana, waa nin war-la'. Had iyo goor shirarka
waxaa ka soo xaadirayey dagaal iyo hunguri oogayaal.
Maye dadkii hogaanka hanan karayey?
Tan iyo 1988-kii dhulkii Somaliya la odhan jiray wax
isku hayey may jirin. Xaqiiqduna waxa weeye dawladii
Maxamed Siyaad Barre waxay uun soo dedejisay oo ay
afjartay nidaam aanay Soomaali ku heshiin in ay ku
wada noolaato. Umad kastaaba waxay u noolaataa siday
iyadu rabto. Soomaalidu sideebay u noolaanayaan?. Waa
su'aal u taal in la waydiiyo cida ay khusayso.
Maalintii 3aad ee shirka Eldoret waxa madasha shirka
laga soo wariyey in nin lagu magacaabo Xuseen Saalax
oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, haatana ku
jira xubnaha kooxda Carta ee madasha shirka jooga uu
ku andacooday in madaxda Somaliland jeerooy yimaadaan
goobta shirka mooyaane aanu shirku tamarinayn. Mr.
Saalax isaga oo doodiisa sii wata waxa uu yidhi "mar
hadii ay Somaliland meeshatan ka maqan tahay maxaa
Soomaali u yaala halkan oo laga wada hadlayaa?". Waa
hadal aan ku aroorin karo maahmaahda caanka ah ee
Soomaaliyeed ee tidhaahda: "Afnoolina wuu hadlaa, Eyna
wuu ciyaa". Mr. Elija (madaxa guddida qabanqaabada
shirka) ayaa u jawaabay Xuseen Saalax wuxuuna ku yidhi
hadal ilmo yar oo 2 jir ah u qalma kaasoo ahaa: "waan
casuunay madaxda Somaliland, waxaanan ku kalsoonahay
in ay inagu soo biiri doonaan". Xuseen Saalax isagoo
ku qanacsan jawaabta Elija ayuu ku jawaabay: "Ockey...
that is fine, thank you...".
Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin oo ah ninka uu Xuseen
Saalax tebayo ee uu madasha ugu yeedhayo waa mudane
sharci iyo dastuur lagu soo doortay. Waa hogaamiye
umad iyo ciid uu ka taliyo haysta. Waa nin aan balwad
dhiig lahayn, waana shaqsi dadkii soo doortay ku
iimaan qaba. Xaqiiqdu sida ay tahayna Daahir Rayaale
umadiisa uu ka soo jeedo wuu matalaa, waana loo
ogyahay. Umada iyo Dalka Daahir Rayaale u taliyo
waxbaa u dhisan, dawladnimo iyo calan bay hadsanayaan.
Xuseen Saalax dhankiisa wuxu dhalasho ahaan ka soo
jeedaa Somaliland hayeeshee waa shaqsi sidayda oo kale
in ku dhow 20 sano aan caradii uu u dhashay war iyo
wacaal u hayn. Ka soo qaad anoo imika is caleema saara
oo sheegta in aan matalo gobolkayga Sanaag oon
dhalasho ahaan ka soo jeedo. Maxay iigu taalaa, yaanse
matalaa. Mida kale Eldoret bahalo meel ay galaan la'
oon aduunyada wax karaamo ah ku lahaynbaa iskugu yimi.
Hadaba maxaa Eldoret yaala oo Xuseen Saalax ugu
yeedhayaa madaxweyne Rayaale. Maxaan hashayda banaanka
u keenayaa.....?
Dadka madasha shirka Eldoret iskugu yimi waa dad sida
Xuseen Saalax aan cidna matalin, kalsooni lagu
qabaayina aanay habayaraatee jirin. Tusaale farabadan
ayaa inoogu sugan Eldoret. Xaqiiqduse waxa weeye,
jeeroo ninkii talada lahaa yimaado mooyaane Soomaaliya
heli mayso degenaansho iyo xasilooni - dawlad
hadalkeeda daa.
Gebogebo waxan qabaa oon ka cabsanayaa in xanuunka
shicibka Soomaaliya haystaa uu sii siyaado Eldoret
dabadii. Waxan u soo wada joognay diifta ay Carti kaga
tagtay Soomaaliya. Carta ka hor dadka reer Soomaaliya
waxay ka soo raysanayeen hagardaamooyinkii faraha
badnaa, markii Carti timi waxa dhacay dagaalo aad u
tiro badan, kumanaan maati ahna dagaaladaasi way
saameeyeen. Aduunyada waxan leeyahay, Soomaali u
dhaafa Soomaali.
Samsam Ibraahim
samsam_sweden@yahoo.se