MUXUU
ILAAHAY UGU BAAQAY QOFKA DIINTIISA LA HIJROODA EE GAALO KALA CARARA?
Ilaahay wuxuu ku yiri Kitaabkiisa kariimka ah:
1) Qofkii diintiisa la hijrooda wuxuu dhulka
Alle ka helayaa meel uu ka dego, kuna barwaaqoob. Wuxuuna ciilayaa gaalada oo
arkaya sida Muslimku uga deeqtooma.
2) Qofkii dhinta isagoo Hijrada ku dhex jira,
diintisa darteed, wuxuu Alle u ballaan qaaday janno iyo ajar badan.
3) Wuxuu Alle sheegay inuu qofkii diintiisa
doorta oo la carara janno gelinayo.
4) Wuxuu Alle sheegay inuu Risiq badan u
furayo qofka diintiisa la hijrooda, tusaale ahaanna wuxuu ugu soo qaaday:
Immisaa jira cayayaan yar yar oo an awood lahayn Allena irsaaqo, maadigaa ka
liita.
5) Wuxuu Ilaahay sheegay in qofkii Alle iyo
diintiisa u hijrooda, in Alle adduunyada nolol fiican ku siinayo, tan aakhirona
kasii fiicantahay, oo meel wanaagsanna la gelinayo.
6) Wuxuu Ilaahay tusaale marar badan quraanka
ugu soo qaaday Nebi Ibraahim CS markuu diintiisa la hijroodey inuu wiilal
Nebiyaa siiyey.
7) Nebi Muuse CS markuu xoogsadey wuxuu Alle
ka magan galay inuu gaalo mujrimiina dhabar iyo xoog ku kaalmeeyo. Allena waa
ka magan geliyey.
8) Markuu Nabi Muuse CS u kicitimay xagga
Madyan wuxuu Alle weydiistey inuu ku hanuuniyo jidka toosan Allena waa ku
hanuuniyey, wuxuuna ugu abaal gudey reer iyo la deganaasho nin saalixa.....................
DHAMMAAD
XUSUUS: Walaalayaal
ma idin ku jiraa qofka raganimo iyo iimaan leh ee ka tagaaya dalalka gaalo ama
hadda ku haminaaya inuu ka tago, oo Ilaahey tala saaranaaya siduu u Nebi
Ibraahiim ilaahiisa u tala saartay, oo diintiisa la cararaaya?
.....................................................
Osmanbilad
osmanbilad@hotmail.com
Columbus, OH, USA
SOMALI: "Waxaan
Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun
iyo Aakhiro"
"I remain you that we
should strive in our practice of Islam which gives us success in this life
and the next"
ISRAA
WA AL-MICRAAJ
Maadaaama aan kujirno bishii Rajab ee bilaha islaamka ka mid aheyd, waxaa
bishaan ku jira habeenkii Rasuulka SCW la dheelmiyey oo loo yaqaan ISRAA
WA AL-MI'RAJ, GUJI...
Ururka
Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota
MAS waa Muslim American
Society oo ah ururka muslimiinta Maraykanka oo faracyo ku leh gobolada
Maraykanka qaar ka mid ah.
GUJI...
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u
gaara qoraaga ku saxiixan
Oct 5, 2002
KULAABO
BOGGA WARARKA OCT 5, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|