Qoxootiga Bantuga oo gudniinka ku boobsiinaya
gabdhohooda !
Qoxooti somaliyeed
oo jooga Kenya. |
sida eey sheegtay wakaalad warar oo laga leeyahay waddanka Holland, waxaa
xeryaha qoxootiga ee somali-bantu-gu daggan yihiin ee dalka Kenya ka billowday
olole si habsami ah u socda oo lagu gudayo gabdhaha soomalida ah ee ku
guuleystay in mareykanka dib u dajin loogu qaado, waalidkooda ayaana howshan ku
dhaqaaqay ka gadaal markeey maqleen ineeysan u suuroobeen ineey gudniinka ku
sameeyaan waddankan mareykanka.
tiro aan caadi aheyn ayaa lagu boobayaa gudniinka gabdhaha Bantu-ga ee ku
jira xeryaha qoxootiga, sidaas waxaa xaqiijiyey shaqaalaha gargaarka.
ku dhawaad 12,000 oo reer bantu ah ayaa loo ogolaaday in dib loo dajiyo
mareykanka, waxeeyna iyana dhinacooda bilaabeen ineey gudaan hablohooda, oo
xitaa qaar laba jir lagu guday.
caadi ahaan dhaqanka soomalida gabdhaha waxaa lagu gudaa inta u dhexeysa 8
jir ilaa & 12 jir.
Gudniinka gabdhaha - oo qolooyinka ka soo horejeeda eey u yaqaanaan "
xubno goynta gabdhaha" - ayaa lagu farsameeyaa xubinta taranka ee gabdhaha,
oo xitaa la yiri " qaarkood waa lagu xadgudbaa" .
gudniinka waa caado baadiyeed lagu qanciyo gabdhaha ineeyan dumar sax ah
noqoneen jeer la gudo mooyee, khubarada caafimaadkuna waxeey ku andocoodaan
" inuu dhibaatooyin caafimaad oo qota dheer gaarsiiyo hablaha,
islamarkaana dareema tiro gabdhaha"
Mareykanka & inta badan dowladaha reer yurub ayaa mamnuucay in dhulkooda
lagu farsameeyo gabdhaha, sidoo kale waddanka Kenya ayaa inka yar sanad la
mamnuucay gudniinka, laakiin " suuqa madow ayaa lagu sanceeyaa howlahan"
dowladda mareykanka ayaa iyadoo adeegsaneysa " casharada dhaqan celinta"
ee la siiyo qoxootiga intaan la soo qaadin u sheegtay qoxootiga inaan la
oggoleyn gudniinka, afhayeenka safaarada Mareykanku ku leeyihiin Nairorbi-na
wuxuu saxaafadda u sheegay " ineey hey'aduhu ka warqabaan dhibaatooyinkan,
eeyna isku dayayaan qaab eey uga hortagaan" .
Hey'adda (dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn) ee fadhigeedu yahay Belgium ayaa
xaqiijisay " in xubna goynta gabdhuhu si xowli ah uga socoto qoxootiga
bantuga dhexdooda" waxaana ilaa & hadda soo gaaray 3 kays oo gabdho ka
yar 3 sano oo lagu guday, oo hadda dhibaatooyin caafimaadi heystaan.
shaqaalaha hey'adaha gargaarka ah ayaa sheegay ineey isku dayayaan ineey la
hadlaan doqowda beesha Bantuga si eey bal isugu dayaan ineey arrintan joojiyaan.
Bantugu waa ka soocan yihiin arag ahaan inta badan soomalida, sidaas awgeed
ayaana lagu midab takooraa oo shaqooyin badan looma oggola ineey ka shaqeeyaan,
waxaana loogu yeeraa aflagaadooyin ka turjumaya yasid & quursi, waxaana ka
mid ah " Adoon" .
200 sano kudhawaad ayaa laga joogaa markii eey bantugu markii ugu horeeysay
kasoo hayaameen dhanka koonfureed ee qaarada madow (africa). ha yeeshee wexeey
ku sii dhaganaadeen beeraleynimadoodii, walow eey soomalida isaga milmeen diin
ahaan & luqad ahaanba.
1999-kii ayeey dowladda mareykanku ku dhawaaqday ineey dib u dajineyso
bantuga, ha yeeshee waxaa hakad galiyey dhacdooyinkii Sept 11. waxaana lagu soo
daabulay xerada dhadhaab iyagoo hadda la soo dajiyey xerada Kakuma si loo
fududeeyo su'aalo weydiintooda.
culimo badan oo soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyey caada dhaqameedkan, ha
yeeshee cid dhag jalaq u siisay lama arko, walow eey jirto in guud ahaan dadka
magaalooyinka ku nool ee waxbartay eey ka ilbaxeen caadadan.
Arrinta sheegidda mudani wexeey tahay in qaar ka mid ah gobolada
soomaaliyeed eey isbitaaladooda ka mamnuuceen in gudniin gabdheed lagu sameeyo.
Aragtida dadweynaha iyo Gudniinka Fircooniga
(dhiibo ra'yigaaga)
C/raxaman Ceynte
St.Paul, MN
ceyntejournalist@attbi.com
ISHA
QORAALKA - GUJI HALKAN
SomaliTalk | Oct 2, 2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
» AGOOSTO
| JULY
| JUNE | MAY
| APRIL | MARCH
| FEBRAAYO | Janaury
2002 | Wararkii 1999-2001
em@spam.com
|