SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARAYSI UU WASIIR KU XIGEENKA WARFAAFINTA PUNTLAND BIXIYEY

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 20, 2002

 

Shirka dibu heshiisiinta ee ka socda magaalada Eldoret waxaa isugu yimid dhamaan madaxda maamulada iyo ururada siyaasadda ee soomaaliya ka jira marka laga reebo dawladda isku magacowday Somaliland oo uu maamulkeedu shaaca ka qaaday inaysan ka qayb galayn shirkaas. Hotel Sirikwa oo ah xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo waxaan waraysi kula yeeshay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Puntland Mr. Cabdishakuur Mire Aadan oo ka mid ahaa ergooyinkii ka socday Puntland ee shirka Eldoret ka soo qayb galay, ugu horaynna waxaan weeydiiyey inuu iiga warramo tiradii ergooyinka batay ee ay Puntland ahaan sida weyn u diidanaayeen halka ay ku dambaysey, wuxuuna iigu jawaabay:

I  I  D  H  E  H

Waxaa markii hore naloo sheegay inay tirada ergooyinka shirka ka qayb gelaysaa 300 oo ergey ahaanayso, laba boqol oo maamulada iyo ururada siyaasadda ka imanaya iyo 100 ergey oo bulshada rayidka ah ka imanaya laakiin waxaa dhacday inay shirka yimaadeen dad 600 oo ergey kor u dhaafay, arintaasna waxaanu kala hadalay guddoomiyaha guddiga farsamada Igad Mr. Elijah Mwangala iyo xogahayaha urur goboleedka Igad, ergooyinkiina sidii hore ayaa hadda lagu soo celiyey.

Su’aal: Intii aan Soomaalida shirka joogtey ku dhex jirey waxaan maqlayey hadalo la isla dhex marayey oo ku saabsan in idinka iyo ururada badankooda gaar ahaan SRRC uu is xulufaysi siyaasadeed idinka dhexeeyo, arintaasi ma jirtaa?.

Jawaab: Cid uu is xulufaysi gaar ahi naga dhexeeyaa ma jiro, waxaana naga go’an inaanu ka shaqayno sidii uu shirku u noqon lahaa mid guulaysta oo dawlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay u dhalan lahayd, taasina nagama hor istaagayso inaanu cid la kulano xitaa kooxda Carta, yoolkayaguna waa inay soomaalidu isku af garato nabad iyo dibu heshiisiin si niyad ah ku timaadda, waana gaaraynaa insha Allaah.

Su’aal: Ilaa iyo hadda yaad la kulanteen madaxda siyaasadda ee halkan ku sugan?.

Jawaab: Waxaannu is aragnay ergooyin badan oo kooxaha halkan ku shirsan ka mid ah oo aannu iska warraysanay sidii uu shirkani u noqon lahaa mid guulaysta iyo sidii ummadda soomaaliyeed dhibaatada looga saari lahaa, waayo ujeedada shirka ayaaba ah in la is arko oo la wada hadlo.

Su’aaal: Jaamac Cali Jaamac hadda shirka waakan jooga, idinkuna waxaad ka socotaan Puntland, waxaan kaloo arkayey adigoo Maxamuud Shiddo oo golihii wasiirada ee Jaamac Cali Jaamac ka tirsanaa, Marka iyagana arinkoodu waa maxay?

Jawaab: shirkan hal ergo oo Puntland ah baa joogta, Jaamac’na wuxuu ku jiraa liiska ergada Puntland, Maxamuud Shiddo waa saaxiibkay, waanuna isku wanaagsanahay, sidoo kale Jaamac waan arkay waana salaamay isaga iyo Goonleba, waana niman reer Puntland ah, madashuna waa meel ay soomaaliyi wada joogto, siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa waxaanse qabaa inay saaxiibtinimadu sideeda mar kasta tahay.

Su’aal: Kulankii ay Madaxweenihiina iyo Madaxweeyne ku xigeenkiinu ka qayb galeen ee la isugu keenay madaxda siyaasadda soomaaliya maxaa ka qabsoomay, maxaase lagaga wada hadlay?.

Jawaab: Shika waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii ergooyinka loo dhimi lahaa iyo in laga wada hadlo inuu Cabdi qaasim shirka ka soo qayb galo maadaama uu ka mid yahay ragta xalinta dhibka soomaaliya ka aloosan laga sugayo, madaxweeynaha Puntland’na wuxuu shirkaas ka caddeeyey sida ay Puntland daacad uga tahay ka qayb galka shirka iyo inuu shirku noqdo mid midha dhala, waana lagu guulaystey in ergooyinka la dhimo.

Su’aal: Mudane waxaad tahay nin masuul ah oo siyaasi ah marka maxaa laga fili karaa shirku inuu ku soo geba geboobo?

Jawaab: Shirka ilaa iyo hadda waxaa u dhan ragii ay arrimaha soomaaliya khuseeyeen, waxaa kaloo ka midaysan urur goboleedka Igad iyo beesha caalamka sidaa darteed wuxuu u muuqdaa mid lagu guulaysan karo, in kastoo lagu guulaysto wixii uu Rabbi weyne garab galo.

Su’aal: Madaxweeynaha Puntland Cabdillaahi Yuusf damac madax weeynanimo ma ku jiraa haddii shirka la isku af garto oo uu najaxo?.

Jawaab: Dabcan qof kasta oo siyaasadda soomaaliya ka dhex muuqda wuu leeyahay hankiisa siyaasadeed ee gaarka u ah haddaba haddaysan horay u dhici jirin inaysan dadka qaar jagooyinka sar sare ee soomaliya hungurayn aniga laftayduu han sare igu jiraa marka maxaad ka filaysaa madaxweeynahayga Cabdillaahi Yuusuf.

Su’aal: Waxaan maqlay inay weli dhawr iyo toban ergey idinka maqan yihiin marka hadda ma wada yimaadeen ergooyinkii idinka maqnaa?.

Jawaab: Haa, way jiraan ergooyin weli naga maqan oo ay weliba la socdaan Isimo marka ilaa iyo galabta ayaan filayaa inay soo galaan Eldoret.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com 

Eldoret, Kenya 

Oct 20, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD