Waxaa ay ahayd kaliisha diraac daba dheeraatay oo wadaanta qoyan ee dhulka
xaabtaa aanay saxar ka qaadi karaynin, maadaama uu dhulku aad u xaalufay,
meelihii lahaa waxoogaaga cawska ah ee sida Dixida ,dureemada, sifaarkaba iyo
biyaha iyo baadkabalahaa waxaa looga maagay Colaad xun oo ka dhalatay dagaal ka
bilowday sidii lagu cabi lahaa ceelka Talo Xume,
Kaaha waaberi ayaa soo bidhaamaay dadkii ku noolaa tuulada Talo xumo waxay
dhamaan ku jiraan guul fadhi ceelka maadaama todobaad ka hor lagu diririray
waraabintii saddexda meesi ee ay bulshadaasi dhaqanayeen ee arigga, geela iyo
lo'da, Markii qoraxdu godkeeda ka soo mudh tidhi ayaa ugu yaraan kun qoys
xoolahood soo kulaaleen qarka Ceelkii Talo xume, xoolaha waxaa daba tiicayay
caruur iyo haween macaluul iyo oon la asqoobay, maadama ninkii qori qaadi karay
uu ku jiro heegan ah hadii wadaantiisa la qabto ama nin kale ka hor maro
waraabinta xoolihiisa inuu rubada gooyo, oo isaga noqdo kan cal calyada hore
xoolihisu cabaan oo weliba inta aan raas kale waraabsan xoolihiisa uu uga hor
maro rakaadashada iyo weliba ku cel celshiga biyaha.
Qacdii horeba waxaa isku soo qamaamay xoolihii oo uriyey saxan-saxada biyaha,
yaase kala horaya ma caruurta iyo haweenkan iyaga laftarkoodu ka liita xoolaha
ay la socdaan, maadama ay iyaguba ooman yihiin. ragii kala celin lahaa xoolahana
iyagii ayaaba u baahan wax kala hora, maadaama uu mid waliba keeb la yuurur
ahaa.
Markii uu banaaxigii Lo'da, qalaadkii, iyo garmaamadii ariga iyo ololkii iyo
hugunkii geelu isku darsamay ee ay dhamaan caasha saareen halkii ceelkii ka
xigay ayaa nin waliba soo hinqaday, saa wuxuu arkay mid kale oo isna ka soo
baxay turunbuc yar oo agtiisa ahaa, xabadaa laysku asqeeyey, mid waliba kii kale
ee uu arko ayuu liifada saray,
ugu yaraan dadka ceelkan u soo arooray waxay u kala socdaan 6 qaybood oo aanay
qolona qolada kale bixinin, haday dagnaan ka hesho, xitaa Biri ma geydadii lama
dhaafin, meeshii waxaa ku qudh baxay rag iyo dumar iyo caruuro aad u faro badan,
waxaa taas ka darnaa ceelkii Talo xume oo dowliskiisu dheeraa dhamaana ilaa 200
ft waxaa awdey xoolihii oo ku daatay taasoo qarka keentay siduu neefba neefka
kale uga daba gelayay afka ceelka.
Biyo laga cabo iska daaye waxaan taag loo helayn sidii loogu heshiin lahaa bal
in xoolaha ku daatay ceelka laga soo guro taasoo laga yaabo inay iyaduna qaadato
ilaa todobaad kale,
Markay xaajo dhabaqday ee la waayey meel loo irkado ayaa haweenkii xoolaha la
socday oo barooranaya meel dhexe isugu yimaadeen, markay arkeen dhibka meesha
yaalay ayay go'aan sadeen inay ku kala hagoogtaan dabaadiga haray, mid ka mid
ahayd haweenka ayaa soo jeedisay in arrinta keliya ee u furani ay tahay in naag
waliba ganbada dhigatoo ay weliba garbasaarahan xooraan bal in ay in uun ka
xishoodaan Ciraddooda iyo cawradooda,
Nasiib wanaag markay casarkii qoraxdu u foorarsatay ayaa ay ku guuleysteen inay
xabadii joojiyaan kuna qasbeen lixdii dhinac ee iska soo hor jeeday bal intay
maydka soo kala gurayaan in ay ka xishoodaan taana way ku guuleysteen idanka
ILAAHAY,
Markii maydkii la kala aastay ayaa ileyn waa la ooman yahay lamana kala adka'e
waxay haweenkii ku guubaabiyeen bal in qolo walba soo xushaan ragii garta uga
qayb geli lahaa, lixdii qolo mid kastaaba waxay soo xulatay kay is lahaayeen wuu
idiin cad goyn doonaa, ee ugu shar badnaa, waxaase la yiri Ilaahow sama ka talis
ha noo waayine waxaa shir gudoomiye loo doortay gabar 25 jir ahoo hengasha ama
aseyda qaadaysa berrito maadaama seygeedii goobta ku xijaabtay wax yar ka hor,
inan-taasoo ahayd mid EEBE ku galadaystay Asluub iyo garasho dheeri ayaa gogosha
ka cadeysay maadaama ay colaada ku nin beeshay inaysan sugi karin inay ku walaal
beesho.waxaa kaloo ay intaas daba dhigtay in fool xumada colaadu leedahay ay
iska soo hor jeedeen ninkeeda iyo walaalaheed, maadaama ay ka kala tirsanaayeen
qolyahan dagaalamayey taasna ay la wadaagaan dhamaan ama inta badan haweenka
meesha marayey.
Arinta la yaabka leh waxay ahayd lixdaas qolo waxuu mid walba eedaynayaa shanta
kale oo uu leeyahay waxaan ka rabaa magta iyo maalka iga maqan. maadaama uusan
jirin mid kan kale xabadda uga turay, markay heega dhacaysay.
Geed weyn ayaa loo waabay in laysugu keeno lixda beelood ee Talo Xumo haweenkii
ayaa iyaguna isku xilsaraay sugida amaanka gogosha iyagoo ku hubaysnaa qoryihii
ay ka aruuriyeen ragii meesha ku qudh baxay.
Ilaahow eex ha nooga tegin aqoon daran hanangu cadaabin, waxaa laga hayaa oday
Soomaaliyeed oo gar u soo jilbo jabsaday mid kale oo ag tiisa fadhiyey oo
Ilaahay oo keliya quluubtiisa daalacan karo ayaa yiri AAMIIN, Ilaah base xaal
og, arintii la guda gel ninba meeshii uu rabay inuu mar uun golaha ka cadeeyo oo
ay bishmihiisu la nuux-nuuxsanayeen ayuu golihii ka yiri saa nin walba waxa uu
ku hadlayo maba aha wax loo fidhiyey iyo wax sahli kara in biyaha ceelkii saami
wadaag iyo sinaan lagu cabo, waayo lixda dhinac ee gartu ka dhaxaysay midna
madasha ma keenin kii ugu Taqisana ee waxaa wax lagu soo xulay yaa maalintay gar
nacley jirto, golaha la geyn jiray, sama ka talis iyo caalim Ilaah ka cabsadaa
goobta kama dhaweyn, ninkastoo meesha fadhiyaan waxuu aamin sanaa inuu yahay
xaafudul Quraan iyo mid ka soo baxay jaamacadda ama ka jawaabaya afarta beynu
jeho meeshii wax laga weydiiyo (keligii qumane) laakiin dhegihii ALLE waaniyo
ayaa waansan ayaa layiri e, dadka garta loo soo maguugay waa wada caalim mid ba
kuu doono ha yaaqaan Diini Iyo Maadi’e. oday kastaana waa u jeedaa sida xaqu
yahay laakiin waxaa dhega maray caadifada iyo dhaqan dadweynaha reer Talo
Xumeyaal oo xeerkoodu ahaa xeer caanka ah ee ay leeyihiin xayawaanka duur joogta
ah sida libaaxa shabelka, maroodiga IWM , kaasoo ah ( survived by the fittest
ama Jungle law ) oo la micno ah Ninkii ugu xoog roon ayaa iska leh wax walba
inta kalena waa u marti kaynta oo waxuu uga tagaa calaqa iyo cagfahaha iyo uuska
markuu ka hirqado Daribta ama hilibka qofba siduu u yaqaan,
Intuba inta ka dhowe intaan hadalkii qaar ka mida ka qayb galayashii aanu hal
mar ku soo wareegsan ayaa budhka iyo tooreyda oo nin walba hoosta ku soo
qarsaday laysa fuulay oo ninba kii ka ag dhowaa inta tuhmay inuu gaadayo ayuu
birta ka aslay markii wixii goobta ku dhiman karey ku dhintaeen ayaa lagu kala
yaacay madashii, waxaana meeshii ku soo harey haweenkii shirka soo qaban
qaabiyey oo dhafoorada haysta, ileyn horaa loo yiri Maxay ku nuugtaa ama ka
nuugtaa ku candho iyo faruuryoba la'e. halkaas maray xaajadii marayso. ayaa lagu
kala dareeray ceelkii iyadoo aan xoolo iyo dadba aanay fiiqsan wax biyo ah.waa
halka ay ku baxday .CIDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA .
Sheekh, Dr, Proffasor, Aqoon yahan Barbaar iyo ugaas duub leh cidi ma maqana
CAQLISE MEE. sidaas waxaa yiri wiil yar oo 7 sano jira oo qoranaya qalin qori uu
rabay inuu ku aado iskuul ku yaal Talo xume oo maalin ka hor laga soo diiwaan
geliyey, wiilkan yar oo taagnaa meel lagu dhageysanayey idaacada BBCda oo laga
dhegaystay warkaas naxdinta leh, ayaan su’aalay maxaad uga jeedaana Caqlise mee
wuxuu yiri, “Hooyaday waxay ii soo gaday Laba qalin iyo saddex Buug iyo Boorso
si aan wax ugu barto laakiin malaha addeerow waxaa iiga fiicnaan lahaa inay ii
soo gado Buntukh laba qasnadood iyo booshkiisa si aan ugu shaqaysto” yaabay,
hadana dhabanada qabsaday cajabay oo hadan jiriricooday, markaasaan hal-haleel
ku weydiiyay Cabdi yare oo “adeer maba qaadi kartide maxaad uga door biday
waxbarashada belaayadana”
Markaasuu yiri ‘Weger warba ma haysid yaan wax u bartaa ma dalkan nabadaba loo
diidey ee belaaydu ku gaardinayso,adeer aanoo uurka hooyaday ku jira ayaa
gurigayaga hoobiye ku soo habsaday oo hooyaday gacan ayay ku beeshay, aabahayna
wuu ku dhintay, tan iyo maalintaan dhashayna hooyaday oo gacan la’ ayaa miciin
ii aheyd, marka aan laba sano jirsaday ayaan dareemay dhibaatada hooyaday ku
qabto xambaaristayda, saxaro ka dhaqistayada iyo radinta waxaan quudano ilaa
maalintaasna ciil gaamuray ayaan u qaaday kuwa qoriga sita ee baabi’iyey aayihii
aniga, walaashay, hooyaday iyo inta ila midka ah, marka adeer bal fiiri
hareerahayga kuwii markii dagaalku bilawday aniga I leekaa maanta waa qaan gaar
waxna may barnine waxay ku nool yihiin nolosha Bagdhiga (dhaca) markaa waxaan
filayaa Qalinkan ma soo dhawa dal looga shaqeesto ee waxaa igala manaafacaad
dhaw Qoriga oo hadan sagaal sano gaaro gaawaarida Tiknikada ahee beeshayada
ayaan raacayaa, isagaana aan ka biilayaa hooyo iyo walaashayda iga weyn ee
Samsam, waayo isagaa ka manaafacaad dhow buugga ee adeer hooyaday ma ka
dhaadhicin kartaa, inay iga dayso dugsigan iyo iskuulkan baas ee aanay jirin
waxaan ka faa’iidayo,
Waxaan ku iri bal ilaa xad intee in leeg ayaad aqoon u leeyahay qorigan baas ee
uu ku haliilayo, Cabdi yare kama laba labeyne markiiba waxa uu la soo booday
"warba ma haysid adeer maalin dhaweyd ina Warsamahan aan deriska nahay ayaan
kaga helay kun iyo shan boqol oo shilin oo aan shineemada ku galay, waxaanan ka
badiyey tartan lagu tartamayay canug walba inta uu ka yaqaan qoryaha weliba
adeer waxuu iga weyn yahay 2 sano iyo dhalaan ciir ( saa'id), anigu waxaan
sheegay 126 qori min bastoolada ilaa PM inta wax dhaca u dhaxaysa isaguna wuxuu
sheegay 117 xabo oo qura marka adeer adigu ma taqaan qoryo kale oo aanan horey u
maqal aan ciyaalka lacagta kaga gurtee, rumayso akhristow waxaanba ka gartay
waxa uu tirinayay 13 qori oo kaliya waxa iigu la yaab badnaa sida uu u xafiday
waxaa uu u kala hormariya isagoo ku gabyaaya alphabetical order waxaa aan ka
xasuusta isagoo ku gabyaya inuu ka bilaabay,
Baroon iyo jiib, beebeeshee bastoolada teetee BII EM rasaas leh, baasuuke iyo
beebe ordaaaya suug baacsanay, kaare baqanaya taw bursanaaya iyo.............
Halkan kuma soo koobi karo dhamaan waxii ka soo burqanayay quluubta sebigaas yar
balse waxay la yaab iyo amakaag igu noqotay halka ay culuuntiisu ka gaartay
aqoonta qoryaha oo noqday halka keliya ee uu ku taamayo inuu ka jibo keeno.
Waxaa kale oo aan waydiyay, Adeer walaashaa Samsamta kaa weyn ee aad sheegayso
maxay qabataa ? markaasu yiri "Samsam yarey aa" markaasaan ku iri walaashaa haa,
ma warwareegane markaasu yiri "adeer laba sano ayay iga weyn tahay, hada laba
sanadoodba way noo shaqeynaysay aniguna iyadaan raacaa mar mar si aan u uga
waardiyeeyo ciyaalka kale, waayo isgoyskaan gurigeena u dhaw ayaan ka soo
qaraabanaa" oo adeer maxay ka qabataa waaba sebiye ayaan ku celiyey isagoon
hadalkiisii dhamaysan? markaasu Cabdi yare yiri " adeer cideena cidi uma
dhoofsana curadna iyadaa noo ah oo waan ku qasban nahay inaan quutul daruuri
helo sidaas daraadeed isgoyskaas ayaan isu dab galaa marka ay gaadho barqada
12ka duhurnimo si aan uga gurubsano garaabadda qaadka ee ka daadaata dadka
markay jaadka iibsanyaan taas ayaan aruursanaa anagga iyo canugyo badan, oo uu
naga dhaxeeyo tartanka garaabaysigu markaa maalitii waxaa ay walaashay markaan
anigu caawinayo ay ka heshaa marka suuqu wanaagsan yahay ilaa 1500 oo shilin So,
marka uu sidaas i leeyahay waxuu jeebabka iyo darafahaba ku sitaa caleen aad u
fara badan oo uu malaha la sugayay qaar idaacada nala dhegaysanayey, oo ka mid
ah kalyantigiisa.
Markaasan weydiiyey oo yaa baas oo aad ka gadaan caleentan ka qubatay jaadka ee
weliba ku dhacday dhulka habaaska weyn leh,
Cabdi yare waxuu ku tiraabay Ilaahoow nimaan wax ogeyn ha cadaabin adeer waxaan
leenahay kalyanti aan ku tashano aaway waxanoo xamaali iyo garab rarata meelaha
ka soo jaaba jaabeysta ayaanu anaguna ka sii diritaysanaa risiqeena nooooh" oo
kuwaas yaad iiga tilmaami kartaa adeer, inta uu hareeraha fiiriyay ayuu hoos
iigu yiri, waxay u badan yihiin aarkulisteyaal iyo dan yar aan gadan karin
qaadka nool nool waayo waa qaali oo ma goyn karaan,
Oo iyagana da'doodu waa intee jiro ayaan ku iri " markaasuu yiri waxay u badan
yihiin 50 jir ilaa 70 jiro waqtigu ka daba yimid, laakiin waagii hore malaha
ahaa rag sar sare markaasuu ku daray duq Cadde oo aanu ilig ku yeerin, waxuu
nooga sheekeeyaa intaan ku sugayno qaadka kabadhada taariikhdiisii hore iyo
waxuu badhaadhe iyo barwaaqo soo laba laqay waayo waa 58 jir aan ilig ku yeerin
oo leh 7 caruura oo yar yar, dawladihii horana u shaqan jiray malaha welina
waxuu u jaakidhayaa inuu beeshiisa hogaamiyo oo uu ka baxo jaad suququrkaan,
waayo waxuu noo sheegay hadii uu lacag haysan lahaa inuu heli lahaa maleyshiyo
badan oo uu sidaas ku heli lahaa jago ka fiican kuwii hore ee uu hayn jiray.
waana ninka noogu badan ee aan ka gadno kista aan suu helno maalintii.oo
Cabdiyoow miyaydaan ka cabsanin inaad meesha ku dhimataan ileyn waa meel qaad
lagu gadayo oo mooryaanta, jirida ama Daydaygu maalin walba ay dadka ku
laayaan'e.
Adeer galab dhaweydna laba canug oo wax yar naga waaweyn ayaa iyagoo hawshooda
wata waxaa dilay raasaas ay fureen niman tuuga ah oo dhacayay naag jaadka gadi
jirta oo la oran jiray Faadumo markay weydiisteen inay siiso qaad baada ayaay u
diiday, hoh iyo hoheeeey !!!! bal may iska siiso qaadkiina way qaateen iyadii
labada canug iyo dhawr qofoo kale waxaa disha rasaastii ay dadkii ku fureen.
Mid kale oo Gureey la dhaho isagana isagoo gawracan ayaa laga helay kabadh
qaadka lagu gado oo uu ku gam'ay isagoo sugayay in marka qaadku dhamaado habeen
barka uu helo garaabo badan, lama oga wax gooracay.
Adeer lax dhukani abaar moog ayaa la yiriye taana waan u jeednaa dhibkeeda. hade
gurigeenina waa cidna uma maqna ceelna uma qodna ee yaan isku halaynaa, intuu
madaxa ruxay oo qamuunyaystay ayuu yiri Hadii aabahay noolaan laahaayaa walee
sidii ilmahaa deriska nala ah ayuu dharka Iida noo soo gadi lahaa, iskoolkana
bas ayaa nalaku geyn lahaa. laakiin adeer macno ma leh ha u bixin waan ka
dabaalan doonaa, inta uu iiga dhacayay sheekadaas walaahay indhahayga waxaa ka
daadanayay ilin aan la xadidi karin, waayo sida ay uga taal canugaas aan
ciirsiga lahayn iyo sida uu rabo inuu uga baxo dhibaatada iyo sida ay xaqiiqadu
tahay. waxa aan weli quluubtayda ka go'in sida Todobba Jirkaas iyo Todobaatan
jirkii soomaaliyeed ee loogu maahmaahi jirey Todoba jir iyo tacaliin iyo
Todobaatan jir iyo talo. Sida maanta loogu bedelay 7 jir iyo dib jir iyo
Todobaatan jir iyo Tafaraaruq doon
waxaa la yiri haddii geelii waaweynaa dhababaceeyo(ordo) maxaad moodaa kii
Aaranka ahaa
Ha la yaabin hadaad aragtiid maanta ubadkenii oo aayo beelay waayo waxay raaceen
maata raadkii ay inoo jeexeen kuwii la rabay inay ina rabeeyaan waayo waxaa la
yiri Awrka Danbe Awrka hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay,
Waxaan jeclaan lahaa inaan qoraalkayga ku soo geba gebeeyo bahda reer TALO XUME
waxay u baahan yihiin caqli kala haga ama sama fare si nin walba miidaankiisa u
qaato, waayo waxaa la yiri MARKA CEELALYADU HESHIISO AYAY XOOLUHU CABAAN laakiin
hadii la waayo caqli saliima oo ku salaysan naf qaybsi iyo ii cun iyo adigu ii
cun weligeed xoolahaas ceelka ku daatay ee weliba ku dhex qurmay way ku jirayaan
inta ka hartay micistii oonka lagu horayna way ku sii dhamaanayaan milicda lagu
horay.
waxaase la yiri AYAAN LUUDA IYO ALLE AYAY LEEDAHAY ee bal aan eegna madasha ku
xigta tii hore ee reer Talo xume ku heshiin waayeen, hase yeeshee waxaa la yiri
nin war sugayaa waxaa la yiri....... kama marmo'e, mar kale ayay dhegaha maatadu
u hanqal taagayaan waxa ka soo yeeri doona gogol uu ku dhawaaqay odey deris ah
oo la yaabay caqli xumada reer Talo xume.
Guuxa dad weynuhu waxuu leeyahay tolow maxay noqon ma sidii hore oo kale ayaa
lagu kala dareeri mise waa kama dan beystii.
Xigmad ayaase waxay leedahay wadaniga dhabta ahi waa kan samaha jecel, sinaanta
ku dhaqma saqiir iyo kabiir qadariya, tanaasula, xaqiisa qaata xaqanaaskana ka
dheeraada ee tolow kaas ma laga heli doonaa Reer Talo xume.
waxaan ku soo qaadan doonaa qormooyinkayga danbe halka uu ku danbeeyo isku
daygan u dan beeya ee la filayo in laysugu keeni doono kuwii Cabdi yare aaye iyo
aabe tiray oo uu maanta jeclaan lahaa haday naftiisa badbaadiyaan inay weliba
xukumaan isaga.
Fadlan aan helo taladiina iyo tusaalihiina akhristayaal
Hassan Hersi darwiish USA
hassandarwiish@hotmail.com