SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA

SHIRKA EL-DORET OO FASHIL KU DHOW

Ahmed Omar Joonge

Makarere Mass Com & Journalism

Kampala, Uganda

I  I  D  H  E  H


Shirkadda Xawaaladda Degdega ah ee Amal Express ...GUJI...

Shirweynaha dib u heshiisiinta Soomaalida oo lagu wado inuu berito ka furmo magaallada Eldoret ee dalka Kenya ayaa u muuqda mid fashilmaya. Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo indheergaradyo soomaaliyeed oo odorasay shirka bal wax ka qabsoomi kara ayaa durbadiiba waxay tibaaxeen in shirka uusan soo kordhin doonin wax sidaas u weyn, waxayna arrintoodaas ku saleeyeen hanaanka iyo qabanqaabada shirka oo aan wanaagsanayn. Waxaa shirka soo qaban qaabiyay dowladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD. Dowladaas oo ay ka mid yihiin Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo kuwo kale, iyagoo isla markiina isku khilaafay sidii shirka looga soo qaybgeli lahaa iyo ajendaha loogaga hadli lahaa shirka.

Sida la og yahay dowladahaas waxay ku soo mareen socod dheer qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Waxayna iyaga dhexdooda ku heshiin waayeen qaabkii shirka looga soo qaybgeli lahaa. Arrintu si kasta ha ahaatee, waddan waliba wuxuu hoosta ku wataa koox ka mid ah kooxaha ka jira dalka Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa la soo gaaray xilligii uu qabsami lahaa shirka. Balse, waxaa nasiib darro noqotay in waraaqaha casumaadda ee shirka lagu iibinayay maalmihii ugu danbeeyay Suuqa weyn ee Bakaaraha magaallada Muqdisho.

Cabbasho ka timid wasiir ku xigeenka dowladda Kenya Mr. Maxammed Cabdi Afeey waxa uu sheegay in la foojireeyay, loona iibgeeyay waraaqaha casumaadda ee shirka magaallada Muqdisho. Wasiirkan oo ahaa wakiilkii ay dowladda Kenya u xilsaartay qabanqaabada shirka Eldoret ayaa si ba’an uga digay inaysan shirka ka soo qayb gelin dhammaan dadka ayan khuseen. Mr. Afeey wuxuu sheegay in shirka loogu talo galay inay ka soo qayb galaan ilaa 300 egray, balse ilaa iyo hadda waxaa lagu wareersan yahay cidda ay noqon lahaayeen iyo sida loo qaybsan lahaa.

Waxaa la sheegay in loogu talogalay dad loogu yeeray aqoonyahanno soomaaliyeed, kuwaasoo la sheegay inay u badnaadaan haween soomaaliyeed oo aqoon leh. Iyadoo ay taasi jirto, haddana warar ka soo baxaya ilo xog-ogaal ah oo shirka u dhuun-duleela in arrinta shirka oo dhammi ay ka danbeeyaan dowladda Mareekanka oo la og yahay dowrka ay shirka ka cayaarayso.

Asalamu aleykum Yaa Muslimiin!

In maalmo badan laga soomo bisha SHACBAAN. 

Caa'isha (a.k.n) mar ay ka sheekaynaysay soonkii Rasuulka SCW ayey waxay tiri: "Ma aanan arkin Rasuulku SCW bil uu ka soon badnaa bisha Shacbaan."

Sidaa daraadeed walaalayaal waxaa nafteyda iyo tiinaba ugu dardaarmayaa inaa bishaan ka faa'ideysano, oo aan soonka badino inteyna bishaan dhamaan, waayo xikmado badan ayaa ku jira soomida bisha Shacbaan waxaa ka mid ah: In ay kuu diyaar gareyneyso bisha Ramadaan. Yacni adigoo soonka la qabsaday ay bishii Ramadaan soo galeyso, saas daraadeed aan ka faa'ideysano fursadaan qaaliga ah! Wabilaahi Towfiiq. W/C/W/W.-

Osmanbilad  osmanbilad@hotmail.com 

Columbus, OH, USA: "Waxaan Kuu Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo Aakhiro!"

Waxay arrimahaasi oo dhan ku xaqiiqoobi kara in hanaanka shirka lagu wado oo dadkii oo dhan ay biya diidsan yihiin. Kooxaha Muqdisho ka jira oo iyaga daneeya wixii maslaxaddooda ku jirto ayaa intay kulmeen go’aamiyeen inaynan shirka ka soo qayb gelin, iyagoo tilmaamay inaysan shirka ka soo qayb geli doonin. Sidaa darted, ilaa iyo hadda ma muuqato ajandaha iyo barnaamijka weyn ee uu shirkan xanbaarsan yahay.

Muxuu shirkan kaga duwan yahay shirkii lagu soo dhisay Dowladda Afghanistan. Dadka arrinta shirka u dhuun duleela waxay ku tilmaameen arrinkaas mid aad u hooseeya, isla markaasna aan soomaali la isugu keen karin qaabkaas.

Dowlad la’aan laga soo billaabo dowladdii Siyaad Barre

Laga soo billaabo sannadkii 1991-kii waxaa la isugu yimid shirar gaaraya ilaa in ka badan 15 shir, kuwaasoo aan bulshada soomaalida u soo kordhin wax dan u ah danyarta soomaaliyeed ee ku nool dalka uu burburiyay dagaallada sokeeye. Su’aasha la is weydiinaya ayaa haddaba waxay tahay, maxaa xal u ah dadka haddey sidaas dhacday??. Ugu danbeyntii, annigoo jawaab ka bixinaya su’aashaas ayaan oran lahaa in si dhab loogu noqdo diinta Eebbe (sw), iyo iyadoo laga waantoobo dhammaan waxyaabaha la xiriira qabyaaladda iyo naceybka aan salka ku lahayn diinteena, dhaqankeena iyo jirirtaanka soomaalinimo.

Ahmed Omar Joonge

Makarere Mass Com & Journalism

Kampala, Uganda

XUSUUS: Afkaarta qoraalka waxaa leh Axmed Cumar Joonge oo ah joornaaliiste wax ka barta jaamacadda Makarere ee Kampala, waxana uu qoraalkan soo gaarsiiyey xubin sare ee bahda SomaliTalk ee Yurub iyo bariga Afrika oo hadda booqasho kujooga Afrikada Bari 

Oct 14, 2002

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD