SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA
Bulgaariya iyo Roomaniya oo macaawino deg-deg ah gaarsiinaya shacabka Soomaaliyeed

Booqasho hawleed rasmi ah (special envoy) oo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ahna u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG, uu ku tegay Dalalka Baalkanka , gaar ahaan Bulgaariya iyo Roomaaniya.(8dii bisha 8aad  illaa 6dii bisha 9aad)

Taariikhdu markey ahayd 8dii bisha 8aadayaa Danjiraha Soomalaiya u fadhiya dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Maxamed (Ilkadahab) ugu kacay booqasho rasmi ah dalaka Bulgaariya iyo Roomaniya.

Abdulkassim Salad Hassan
C/Qaasim S. Xasan

Madaxweynaha DKG
Georgi Parvanov Madaxweynaha Bulgari
a
Muammar Gaddafi
Madaxweynaha Liibiya


Isaga oo danjire Maxamed ahaa (Special Envoy) oo ka siday labo warqadood madaxweynaha DKMG Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan lana socday Air Malta ayuu ka bilaabay booqashadiisii Dalka Bulgariya, halkaasoo uu ka degay Caasimada Soofiya 7dii Subaxnimo, Labo saac kadibna waxaa uu madaxweynaha dalka bulgaariya u soo diray diyaarad khaas ah looguna duuliyey magaalada Varna oo ah meel kulaylaha lagu nasto kuna taal badda maddow, uuna markaas madaxweynaha Bulgaariya Mudane Georgi Parvanov ku nasanyey, taasoo muujinaysa mudnaanta iyo ahmiyada uu siinayo dawlada iyo dalka Soomaalyeedba, uuna yahay madaxweyne Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan madaxweynihii dawlad Africaan oo hambalyo iyo bogaadinba u dira kii ugu horeeyey ka dib markii loo doortey Mudane Parvanov Madaxweynanimada Dalkaas isagoo hore u ahaa gu'doomiyaha xisbiga hantiwadaaga ah, waxayna arintaasi noqotey miduu aad u qadariyo aanuna ilaawi Karin, Madaxweynihii labaadna wuxuu ahaa Hogaamiyaha Dalka Liibiya Mudane Mucamar Alqadaafi.

Ka dib markii Danjiruhu uu u gudbiyey Madaxweynaha dalka Bulgaariya warqad uu uga siday Madaxweynaha dawlada ku meelgaarka ah Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan. Wuxuu isla markiiba madaxweynaha Bulgaariya amar ku bixiyey in si degdega soomaaliya macaawino loogu diro tasoo la filayo inay ka koobanaan doonto:- Raashin, Dawo, qalab dhismo, qalab beered iyo dharka ciidamada, iyo weliba in loo diro khubaro Soomaliya soo derista baahidana soona qiimaysa, si loogala qaybqaato Soomalida dib u dhiska dalkooda. Macaawinada ugu horeysaana waxay tegaysaa Soomaaliya bilowga bisha 10aad,Oktoobar. Waxaa iyana  laysku afgartey aadna loogu rajo weynyahay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo celiyo iskaashigii dhinacyada:- Waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, arimaha bulshada, xirfadlayaal xagga caafimaadka ka kaalmeeya iyana loo diro Soomaaliya..Iwm, laysna dhaafsado wufuud.

I  I  D  H  E  H

Sida la ogsoon yahay waxay Bulgaariya qabatey bisha Sept, 2002 meertada gu'doomiyanimada Golaha Amaanka (Security Council), wuxuuna danjiruhu ka codsadey dawlada Dalka Bulgaariya inay Soomaaliya ka caawiso meelmarinta dalabka Soomaaliya ee ah in Goluhu soo saaro qaraar hubka looga dhigayo Maleeshiyaadka hubaysan, taana waa lagu guuleystey, waxaana soomaaliya loo diri doonaa Danjiraha Bulgaariya ee qaramada midoobey Mudane Tavrov iyo Wefti uu hogaaminayo bishan Oct., 2002.

Dhinaca kale Madaxweyne Mudane Parvanov wuxuu ballan qaaday inay arinta Soomaaliya iska kaashan doonaan kana wada hadli doonaan madaxweynaha Dalka Raahiya Mudane Putin.

Sidoo kale waxa lays la sooqaadey in shirkaddii Geomin ee ka shaqayn jirtey mashruucii Majeyahan iyo Dhalan ee baarista macdanta dib loo soo celiyo, lagana dhiso halkaas wershed samaysa crystals-ka(qaruuradaha),iyo in dekadaha, garoomada diyaaradaha, iyo isgaarsiinba ay wax ka qabato; gaar ahaan garoomada iyo dekedaha waaweyn ee dalka sida kuwa Muqdishu, Kismaayo Berbera, Boosaaso..Iwm.

Dhica Dalka Roomaaniya 

Ion Iliescu, President of Romania
Ion Iliescu

Madaxweynaha Romania

Danjiraha Soomaaliya wuxuu la kulmay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo tijaaradda dibadda, Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada; waxaana soo dhoweeyey Wasiiradda dawladda ee madaxtooyada ugu qaaabilsan arimaha dibadda Dr. Simona ayadoo ka gu’doontey warqaddii madaxweynaha una sheegtey in uu Madaxweynihii Mudane Ion Iliesco si deg-deg ah ugu ambabaxay gobolada bari oo webi kusoo butaacay dad badanna ku dhinteen,  waxayna u muujisey uqaybsanaha arimaha dawladaha Balkanka Dr. Maxamed Xuseen in soomaaliya tahay wadan ay aad xiriir fiican u lahaayeen, iyagoo kusoo bandhigey kulankaas wixii heshiisyo soo dhex maray labada dawladood laga soo bilaabo waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cismaan illaa waqtii Siyaad Barre.

Waxayaalihii laysla soo qaadey waxaa ugu muhiimsanaa in Roomaaniya aad u danaynayso dalka Soomaaliya, taasoo Rugta ganacsiga (Chamber of Commerce) ee dawlada Roomaaniya Balan qaadey inay Magaalada Kostanza oo ah magaalo ku taal badda madow ahna suuq xor ah (free Zone) kasiin doonto meelo iyo xafiisyo ay Soomaalidu kusoo bandhigaan khayraadka wadankooda ugana dhoofinkaraan Yurubta kale iyadoo aan wax cashuur ah laga qaadin, waxay kaloo balan qaadey in Dawlada Roominiya diyaar u tahay inay ka qayb qataan baarida iyo soo saarida Shidaalka, Gaaska, Macdanta iyo inay gacan ka geysato mashaariicda lafdhabarka u ah dhaqaalaha sida; dib udhiska wershadaha, dekedaha, garoomada iyo jidadak oo ah kaabayaasha dhaqaalaha, ayna mashaariic maal gashi ah ku sameeyaan sharikaadkoodu..Iwm.

Dawlada Dalka Bulgaariya iyo Dawlada Roomaaniyaba waxay Martiqaad u fidiyeen Madaxweynaha DKMG Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan marka ay u munaasib noqoto, iyadoo la filayo inay dhakhso u booqan doonaan wufuud Soomaali ahi Bulgaariya iyo Roomaaniya muddada u dhexaysa bisha 10aad ilaa bisha 12aad 2002 iyagoo u sii gogol xaaraya booqashada Madaxweynaha Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan iyo arimaha dawladeena iyo labadan dawladood iska kaashan karaan, ayna u sii diyaariyaan tixraacyada iyo qoraalada loo baahan yahay.


Ismaacil C. Geelle

Madaxweynaha Jabuuti

Taasoo muujinaysa sida ay uu sii kordhayso marwalbaba aqoonsiga iyo guulaha ay gaartey DKMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaheeda Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan, Danjiraha Soomaliyeed Dr. Maxamed Xuseen Ilkadahab Meelkastoo uu tegay ama lagu soo dhoweyey wuxuu aad iyo aad ugu mahad celinayey shacabka, dawlada dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Mudame Ismaaciil Cumar Geele oo dhabarka u dhigtey dhamaan Dhibihii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta oo lagu soo dhisay DKMG.

Safaaradda Somaaliyeed ee Liibya.

Press Release… ILKADAHAB@HOTMAIL.COM  

 ISHA: Mohamud Jama Warsame mjwarsame@hotmail.com 

FAAFIN: SOMALITALK.COM | OCT 2, 2002

Qoraalkii Hore ee Safaarada Som-Liibiya

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa leh safaarada Soomaalida ee Liibiya 

WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
The Nigerian Scam Defined [Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag hormaris ah,  taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay caalamka... Click] 
Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 
Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin
»Maxamuud Wardheere oo waraystay carruur Soomaaliyeed oo dhigata dugsiyada Minnesota, kuwaas oo sheegay in...
»Jabuuti oo ahayd usbuucii tegay shaacirada ugu waynayd cawaysinka Jay Leno USA...

»Xukuumadda Bush oo bedeshay istiraajiyada... GUJI...
Wiil Dhallinyaro ah oo  Gubtey
oo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta.. GUJI..

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD