SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
LONDON - CANADA
 21kii Octoober Qarankii Soomaaliyeed uu tabey shicibkuna waa u darsadey.

Yusuf Osman
kenadid@sprint.ca
October 21, 2001

 

I  I  D  H  E  H

siyad Sida dadka Soomaaliyeed ogyihiin maanta waxay ku beegantahay 21kii Octoober oo aheyd markii Ciidamada Soomaaliyeed oo uu hormood u ahaa Marxum Gen. Mohamed Siyaad Barre ay dhalliyeen Kacaankii aan dhiigu ku daadan ee 1969.

 Waxaa xaqiiqo ah in Soomaali ka dhaxashey Maamuus iyo Magac xumo, dhibaato wajiyo badan leh, Xurmo daro, Geeri badan, Barakac, Boob iyo dhac, Kufsi Daryeel la,aan, Qaxootinimo, Baryo iyo Dawarsi kaddib markii ay noqotey Dowlad la'aan. Marka laga reebo in yar oo abaal dhacay mooyee shicibka Soomaaliyeed waa xusuusanyahay wax qabadkii badnaa ee Dowladdii Kacaanku u qabatey Dadka iyo dalka, waxaana lagu tilmaamey waxyaabihii dhacey 12kii sano ee aan Dowlad la'aanta aheyn Cajaa'ibaadka ugu waaweyn dhanka xumaanta ee Adduunka ka dhacay intii uu dhisnaa. Dadka Soomaaliyeedna waxyaabaha ay taariikhdii Kacaanka 21kii Octoober ee uu hormoodka ka ahaa Marxuumkii magaca iyo maamuska lahaa ee General Mohamed Siyaad Barre ( Siyaad Barre) ku xusuusandoonaan ebed marka laga reebo in yar oo ujeedo leh waddanina aan aheyn oo aysan dhibeyn xumaanta aan kor ku sheegney iyo qaar kale oo badan, waxaa ka mid ah:-

1- Qorista Afka Soomaaliga oo maanta laga isticmaalo 5ta Soomaaliya.(Israc)

2-Dajintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer.

3-Horumarinta iyo Wacyigalinta Bulsha weynta soomaaliyeed.

4-DHiirigelintii ka bixida ma shaqeystenimada.

5-Xoreyntii Soomaligalbeed. oo aaheyd gool weyn.

6-Ka mid noqoshadii Jaamicadda Carrabta.

7- Ka qeybgalkii Ciidamada Soomaaliyeed Xoriyo gaarsiinta dalalka Africa.

8-Ololihii Iskaa wax u qabso ee dalka lagu dhisay.( Alow yaa noo soo celiya)

9-Horrumarinta Arrimaha Bulshada.

10 Abuursitii Jaamicadaha.

11-Dhismaha Dugsiyo (School) farabadan

12- Baahinta Waxbarshada

13-La dagaalka Jahliga.

14- DHowrista Bee'ada (Envioronment)

15-La dagaalanka Akhris-qorid la'aanta.

siyadDowladdii Soomaali ugu danbeysey ee Kacaankii 21kii October intii xusuusan way garanayaan haddaaqii dadweynaha Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay raaliga uga ahaayeen Hoggaamiyahooda waxaana ka mid ahaa hadaaqaas (HORTA QABO SIYAADOO BAL CID KALE KU SOO DARA). Haddii aad eegtid intii uu meesha ka baxay Marxuumku waxaa sheegtey Madaxweynenimo dad badan oo inta aan ka xusuusto ka mid ahaayeen:- Cali Mahdi Mohamed, Mohamed Faarax Caydiid, Cabdiraxmaan Tuur, Mohamed Ibrahim Cigaal, Cabdullahi Yusuf Ahmed, Daahir Riyaale Kaahin, Cabdulqadir Salad Xasan iyo Jamac Cali Jamac.

Haddaba Qaar ka mid ah Jaaiyada Soomaaliyeed ee London ONTARIO, CANADA waxay maanta xuseen 21kii Octoober iyadoo dadka soomaaliyeed xusuusanyihiin waqtiyadii wacnaa ee 21kii Octoober. Dadkii ka hadley Xafladaas waxaa ka mid ahaa Cabdi Baydhabo (SHarib) iyo Mohamed Rashiid Shiikh Xuseen (Tarey)

Waxaa isku soo dubaridey: 

Yusuf Cusman 
kenadid@sprint.ca
 

Qoraaladii hore ee Yusuf Cusman

Oct 21, 2002

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. London Ontario News Archive

. ELDORET: Taxanaha Wararka 

 . Habeen madow ayuu la wareegay, habeen madowna waa lagala wareegay - GUJI 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD