SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 Warbixin: Kalfadhigii Ururka Jaaliyadda Waamo ee Yurub iyo Woqooyiga Ameerika

 

I  I  D  H  E  H

 Waxaa soo gabagaboobay shir lagu qabtay magaalada minneapolis ahaana kalfadhigii afraad ee Ururka Jaaliyada Waamo ee Yurub iyo waqooyiga ameerica kaasoo la qabto sanadkastaa bisha septembar bilowgeeda kaasoo badanaa xubnaha jaaliyadda ay kaga doodaan xaalada guud ee degaanka waamo iyo sidii wax looga qaban lahaa horumarinta degaankaas waxaana badanaa warbixino laga dhagaystaa guddigii sanadkaa maamulka hayey iyo wax qabadkoodii waxaana la soo doortaa guddi cusub oo wada howsha sanadka soo food leh shirkaan waxaa ka soo qaybgalay sanadaan 2002 xubno ka kala socday kontonka state ee maraykanka iyo xubno ka socday wadanka canada waxaana si aad ah loogu lafa guray xaalada amniga ,dhaqaalaha , caafimaadka iyo waxbarashada dhinaca amniga waxa ay jaaliyada isla aqoonsatay in xaalada gobolka ka taagan ay tahay mid aanan la aqbali karin taasoo badanaa dad aanan gobolka u dhalan ay si fool xun xad gudub ugu gaysanayaan shacabka ku nool Jubooyinka taasoo sababtay in ay bara kacaan dadkii gobolka daganaa , waxayna cadeeyeen qof kastaa oo soomaaliyeed in gobolkiisii si nadab ah ugu noolaado inta la helayo dowlad dhexe oo sharci ah

Dhinaca waxbarashad : 

Dhinaca waxbarashada waxaa la dhihi karaa jaaliyada guula xad dhaaf ah ayay ka soo hoyisay ka dib markii ay ku guulaysatay in ay dib u furto iskoolka magaalada Afmadow mudo dhowr sano laga joogo ilaa hadana ay gacanta ku hayso mushaarka macalimiinta iyo dayactirka iskuulka ,iskuulkaasoo ka mid ah iskuulada ugu fiican soomaaliaya haatan ayaa waxa ay jaaliyada go aansatay in la dhiso iskuul awooda in uu qaado arday ka badan kuwa haatan dhigta iskuulka magaalada ,kaasoo awooda in uu qaato ardayda dugsiyada sare mashruucaas oo fulu doona 2002-2003 ayaa la rajaynayaa in ay ku kici doonto in kabadan labaatan kun oo doolar

dhinaca caafimaadka : 

jaaliyada oo markii hore gacanta ku haysay isbitaalka magaalada afmadow dawadiisa iyo mishaarsiinta takhaatiirta ayaa hadana sii balan qaaday in ay wado arinkaas iskuna daydo sidii loo balaarin lahaa isbitaalka magaalada afmadow iyo in loo helo magaalada biyo nadiif ah

ka dib waxaa la soo doortay gudiga cusub ee wadi doona shaqada sanada 2002-2003- waana sidaan

1- Mohamed Suladaan Abdi Suldaan Ali Sokor ...Gudoomiye
2-Cabduud Sheikh Mursal  ..............................Xisaabiye
3-Abdinur Ahmed Xuseen(casharo) ..................Xubin
4-Jacfar Hirmooge ........................................Xubin
5- Abdimaalik Sh Mursal .................................Xubin
6-Abdirisaaq Xuseen Cade ..............................Xubin
7-Muxyadiin Nur Qaasin ..................................Xubin
8-Abdi Ismaaciil ............................................Xubin
9-Gaabow Xaji Ali Jid-haye .............................Xubin

 

Warbixintan kala xiriir: C. Shiil email: EOsman6065@aol.com 

Oct 19, 2002 | SomaliTalk

ELDORET: Taxanaha Wararka  

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD