SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRICA
WAKIILKA ONLF EE K/AFRIKA OO LA KULMAY JAALIYADDA SOMALIYEED EE DEGGAN EASTERN CAPE

Wakiilka jabhadda xoreynta waddaniga Ogadeniya (ONLF) u jooga waddanka Koonfur Afrika halgame Daahir maxamed Cali (Baasto) oo ay weheliyaan guddoomiyaha jaaliyadda Somaliyeed ee K/Afrika Mudane Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni) iyo odayaal ka tirsan jaaliyadda Somaliyeed ee magaalada Johannesburg ayaa markii ay taariikhdu ahayd 4tii bishan October ee aynu ku jirro 2002 waxay booqasho ku tageen gobolka Eastern Cape. Socdaalkaas oo ay ujeedadiisu ahayd in jaaliyadda somaliyeed ee halkaasi daggan looga warramo halganka gumeysi diidka ah ee ay walaalohooda somaliyeed ee Ogadeniya kula jiraan cadowga Itoobiya.

Wafdigu markii uu gaadhay magaalada Port Elizabeth oo ah magaalo madaxda gobolka, isla markaasna ay jaaliyadda gobolku u badantahay si aad u wanaagsan ayaa loogusoo dhoweeyey, waxaana halkaasi ka dhacay shir ay kasoo qayb galeen inta badan Somalidii magaaladaas iyo hareereheeda dagganaa. Halkaas waxaa hadal furitaan ah kasoo jeediyey guddoomiyaha jaaliyadda Somaliyeed ee K/Afrika Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaanni) oo si aad ah jaaliyadda ugaga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen, kaddibna wuxuu ka warramay ujeeddada kulankan qiimaha leh, ugu danbeyntiina wuxuu somalida guud ahaan ku guubaabiyey isku duubnaan iyo wax wada qabsi, isagoo intaas raaciyey oo uu guddoomiyuhu jaaliyadda usoo jeediyey in ay meel ugasoo wada jeedsadaan jiritaanka sharaftooda, ayna taageeraan walaalohooda reer Ogadeniya ee dagaalka xaqa ah kula jira gumeysiga naxariis laawaha ah ee dalkooda iyo dadkoodaba haysta.

I  I  D  H  E  H

Intaas kaddib, waxa isna shirka hadal kasoo jeediyey madaxa jaaliyadda Somaliyed ee gobolka Eastern Cape Sheekh Axmed Maxamed oo soo dhoweyn kaddib wafdiga uga war bixiyey guud ahaan xaaladda jaaliyadda Somaliyeed ee gobolkan, Sh.Axmed wuxuu intaas raaciyey oo uu jaaliyadda ku guubaabiyey in ay baraarugaan oo gartaan waajibaadka saaran ee looga baahanyahay in ay gutaan, wuxuu sheekhu ugu danbeyn ka codsaday dadkii kasoo qayb galay shirka in ay taageeraan halganka xaqa ah ee ay ku jirto jabhadda Xoreynta waddaniga Ogadeniya, lagana wada hadlo oo kaliya waxa loo qaban karo.

Waxaa isna kulanka hadal dheer kasoo jeediyey Xasan Shafad oo ka mida ah jaaliyadda Somaliyeed ee daggan waddanka Zambia, wuxuuna yidhi; waxaa waajib diini ah ku ah qof kasta oo Somali ah in uu taageero u fidiyo inta uu awoodo walaalohooda reer Ogadeniya si ay ugu guuleystaan dadaalka ay ugu jiraan xornimadooda. Isagoo xasan ka hadlayey sida uu xaqa u yahay halganka ay ONLF kula jirto gumeysiga xabashida ayaa wuxuu tusaale usoo qaatay oo uu yidhi (wax ilaahey uu laba ruux usoo diray waxaa jira xornimo, taas oo ahayd ayuu yidhi Nabi Muuse iyo walaalkii Haaruun kaddib markii loosoo diray in ay reer bani Israa’iil ka xoreeyaan Fircoon)haddaba sow ma habboona ayuu yidhi xasan in la taageero ONLF mar haddii ay maanta ONLF dadaal ugu jirto in ay ka xoreeyaan dad walaaleheen ah cadow aan u naxariisaneynin oo ka hor taagan cibaadadii ilaahey, isla markaasna ku khasbay in ay wada noolaan waayaan waalid iyo carruurtii uu dhalay.

Intaas kaddib, waxaa shirka warbixin dheer ka jeediyey wakiilka Jabahadda Xoreynta Waddaniga Ogadeniya (ONLF) ee K/Afrika Daahir Maxamed Cali (Baasto), wuxuu Daahir ugu horreyntii uga mahad celiyey dadka shirka kasoo qayb galay dareenka wanaagsan ee ay muujinayaan iyo taageerada ay la garab taaganyihiin halganka Ogadeniya ee ay hogaamineyso ONLF. Daahir-baasto wuxuu shirka uga warramay waxyaalhii ugu danbeeyey ee murugada lahaa ee ka dhacay Ogadeniya sida: Dilka, dhaca, ganaaxa xad-dhaafka ah, gabagabeynta xoolaha, jidh-dilka aan da’na ku koobneyn iyo kufsiga dumarka, dhaqankaas oo dhammaan ah wixii lagu aqoon jirey dowlad naxariis daran, isla markaasna burbureysa. Wuxuu kaloo D/Baasto sidoo kale ka warbixyey guulaha ilaa hadda uu halganku gaadhay, intaana wuxuu ku daray in ay jabhaddu waddo nidaamyo badan oo saldhig u ah aragti fog oo guul dhalin karta, wuxuuna ugu danbeyn ka qayb galayaasha shirka ka codsaday laba arrimood oo muhiim ah:

1.Midnimo; oo uu yidhi waxay dhabar jab ku tahay cadowga, waxayna laf dhabar u tahay guusha. Haddii aan laysu geynin cududda, maalka iyo caqliga way adagtahay ayuu yidhi daahir inay soo degdegto libinta la doonayo in la helo.

2-Dareenka; wuxuu noo leylyayaa ruuxda oo uu ku xambaarayo in ay nacfi yeelato, kana gudubto waxyaalo badan oo aan midho dhal lahayn.

Daahir Maxamed Cali (Baasto) wuxuu hadalkiisii kusoo gabagabeeyey haddii aan mabaadiideenna ku dhagganaanno, dulqaadna u yeelanno culeysyada naga hor imaanaya waxaa hubaal ah in aan cid kasta oo dulmi wadda ka guuleysaneyno.

Ka qayb galayaashii shirku waxay dhammaan muujiyeen dareenkooda ku aaddan in ay si buuxda hiil iyo hooba ula garab taaganyihiin walaalohooda xaq u dirirka ah ee reer Ogaadenya, waxayna wafdiga ku ammaaneen barnaamijka ay ula yimaaddeen oo ay ku tilmaameen in uu yahay barnaamij loo keeno kii ugu habboonaa uguna mudnaa, waxayna ka qayb galayaashu ka codsadeen daahir-baasto in uu lasoo socodsiiyo maalinba meesha uu halganku marayo.

Gabagabadii waxaa shirka lagasoo jeediyey su’aalo la xidhiidhey dhinaca sharciga waddankan K/Afrika ay jaaliyaddu ku joogto, waxaana ka jawaabay guddoomiyaha jaaliyadda iyo odayaashii kale ee wafdiga ka mid ahaa. Shirkaas oo socday muddo saddex saacadood ah wuxuu ku dhammaaday jawi aad u habboon oo is af garasho iyo is fahan ah.

Kala xiriir: Caqiil qamuuda@webmail.co.za 

Daabacaad: Oct 12, 2002

 

SHIR LAGU TAAGEERAYO ONLF OO KA DHACAY KOONFUR AFRIKA Oct 9

XAFLAD LAGU XUSAYEY 18 GUURADII AASAASKII ONLF OO KA DHACDAY JOHANNESBUR.K/AFRIKA Oct 22

DAD SOMALIYED OO LAGU LAAYEY DALKA SOUTH AFRICA  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:
 Virus Halis ah- akhri halkan 
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  



Lewiston-USA. Duqa magaalada ayaa ku yiri soomaalida ha yareeyaan soo quluqulkooda; waa la idin dhibsaday. 

Muslimiinta Kenya oo loogu baaqay in ay Midoobaan

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  


  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD