SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 Shirka jaaliyadda Reer Ogaadenya ee Atlanta Georgia

  Hassan Gedi (Hassan Dibitaati)
Waxaa markey taariikhdu ahayd oct.19 2002 shir isgu yimid jaaliyada reer ogaadenya ee dagan magaalada Atlanta Georgia ee dalka Mareykanka shirkaas oo ahaa shir ay soo abaabuleen dhaliyaradaa reer Ogaadeenya ee ku nool gobolkan ahaana mid aad iyo aad loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay dhamaanba dadweynaha reer ogaadeenya ee ku nool agaa gobolkan oo isgu jirey Rag , dumar . dhaliyaro iyo caruur yar yar oo halkaas ku soo bandhigtay qiiradda iyo qiimeynta ay u hayaan dhulka awaawyaashood sababtoo ah intood badneyd waxay ahaayeen kuwo ku dhashey mareykanka ama iyagoo yar yimid hase yeeshe waxaa ay soo bandhigeen sida aaney marnaba u ilaaweyn walaalahooda reer Ogaadeeniya.

shirkaas oo ahaa mid aad loo soo agaasimey waxaa warbixin ku saabsan xaalladda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale (socio -economic formation)ee guud ahaan geeska afrika gaar ahaana dhulka ogaadenya ka soo jeediyay wakiilka Jabhada wadaniga xoreynta ogaadeenya(jwxo) ee goboladda Georgia &Tennesse naftii hure Hassan Gedi(Hassan Dibitaati) oo si qoto dheer uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed & tan dhaqaale ee geeska afrika& marxalada uu shacabka dulman ee reer Ogaadeenyo ku sugan yahey wakiilka oo hadalkiisii sii wata wax u tibaaxey in Halganka reer Ogaadenya uu soo marey marxalado taariikheed oo kala duwan ,maantese uu gaadhey meel aan laga soo celin karin ilaa uu xoeriyad taam ah gaadho mooyaane asagoo ka had lahayay dhinca warbaahinta ee halganka Jabhada Ogaadeenya JWXO hogaamineyso ,

I  I  D  H  E  H

wuxuu wakiilku ku nuux nuuxsadey in halganku ka madax banaanadey faragalintii iyo cabudhintii siyaasadeeda ee Hay'addaha warbaahinta shisheeyuhu ku ha yeen tan iyo intii dhidibada loo aasey Radio Xoriyo & ogaden Online oo noqdey isha qudha ee suurto galisay inay Rayi caamka aduubnka u soo bandhigaan xaqiiqada & xogta runta ah ee shacbiga somaaliyeed ee ku dulman dhulkoodi hooyo ee Ogaadeenya.

wakiilka oo ka haddla yay dhinaca siyaasada arimaha dibada ee jwxo wuxuu Jaaliyadda reer Atlanta u sheegay in gumeysiga madow ee ethiopia ay ku fashilantay siyaasadii aheyd in ay Ra'yi caalamka ka dhaadhiciso in dadyowga ay gumeysato ee u halgamaya xoriyadooda oo shacabka somaaliyeed ee reer ogaadeenya ka mid yahey in halgankoodu yahay mid ay Argagixiso wado gabagabada warbixinta oo dhinaca walba ka taabaneysay halganka ay jwxo Ugu jirto xoreynta shacabka dulman ee reer ogaadenya waxaa wakiilku dadweynihii shirka ka soo qeyb galey uu u ogolaadey in wixii su,aalo ama araa ah ee ay hayaan ay si qoraal ah soo Jeedin karaan. halkaana wuxuu wakiilku si hufan ugu jawaabey su aalihii la soo bandhigay dhamaantood.
"HIDDO INTERNATIONAL FOODS"

Ma u baahantahay Cunto macaan iyo nadaafad, hamoogaan makhaayadda caank ah ee kutaal Atlanta Georgia, waa "HIDDO INTERNATIONAL FOODS"

waxaa isna goobtaas warbixin ku saabsan abaabulka iyo taageeradda dhaqaale ee Jaaliyadda Reer Atlanta la garab taagan tahey walaalahooda dulman ee ku hoos nool gacanta gumeysiga madow ee Ethiopia ka soo Jeediyay Madaxa Unuga jwxo ee Atlanta Naftii hure Maxamuud Axmed UMi oo sheegay in halgank lafdhabartiisu ay tahey dhaqaalaha loogana baahan yahay Jaaliyadda in ay laban laabaan kaalmadda ay u fidinayan walaalahooda dhiigoodii& naftoodi u hurey xoreynta dhulka hooyo.

sidaan hore u sheegay shirkaan oo ahaa mid aan loo kala hadhin waxaa iyana warbixin qiimo badan oo dadka qaarkiis kaga ilmeysiisay ka soo jeedisay Nimco Kaamil oo ah Madax Ururka haweenka Ogaadenya(OWA)ee Atlanta taas oo sheegtay in haweenka reer atlanta aysan marnaba la bakheylaynin taageerada lagu xoreynaayo dhulka Ogaadeenyaa.

waxaa isna si sharaf mudan warbixin gaaban oo ku saabsan abaabulka shirkan iyo kaalinta ay dhaliyaradda reer Atlanta ay uga jiraan ka soo jeedi yay wiil ka layidhaahdo maxamed Deeq Xuseen hirmooge oo sheegay in sida taariikhdu qoreyso halgan kasta waxaa wadaa ay dhaliyraddda tahey Maxmed oo ah naftiii hure halganka ku soo dhawacmay ayaa wuxuu xusuusiyay dhalin yarada reer atlanata iyo guud ahaan kuwa dibadaha ku nool in ay san marnaba ilaawin walaalahooda halganka hubeysan kula jira gumeysiga madow ee Tigreeku hogaaminayo maxamed wuxuu balan qaadey asaga oo ku hadlahaya magaca ururka dhalinta ee Ogaden Youth Association (OYA) in ay buuxin doonaan kaalintooda halganka.

fiiro gaar ah waxaa shirkaas casho iyo cabitaan lala yaabey u sameeay makhaayada caanka ku noqotay cunto macaani iyo nadaafada ee "HIDDO INTERNATIONAL FOODS"

Ogadenia ha Xorowdo - Guul& gobonimo!!!!

Minimo &Isku tashi,

Hassan dibitaati

dhanaan@hotmail.com 

 

Oct 23, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD