SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 

Somali Salvation League (SSL)

Date: October 22, 2002 | Faafin Oct 26, 2002

Ku: Beesha Caalamka

Ujeedo: Bandhig Cabasho Liddi ku ah Garnaqid Dulan

 

I  I  D  H  E  H

Annagoo ka mid ah Mawaadiniinta Deegaanka Kismaayo, oo ku hadlaya magaca qabiilka Harti Koonfureed, kuna metelayna Xisbigga SSL, ahna qabiilka loo aaneynayo deegaankaas, waxaan ra’yi caamka u soo bandhigaynaa cabasho aan uga soo horjeedno garnaqidda dulanka qaawan ah oo uu ku kacay Guddiga farsamada IGAD ee maamulaya Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliya, ka socda Eldoret (Kenya).

Dunida waxay taariikh ahaan iyo Juqraafi ahaanba u ogtahay in deegaanka Degmadda Kismaayo oo isla mar ahaan ah magaalo madaxdda Gobolka Jubbada Hoose uu yahay mid taladiisa uu leeyahay qabiilka Harti hase yeeshee xoog looga qabsaday taariikhdu markay ahayd 11 June 1999, ayna qabsadeen labada qabiil ee kala ah Habargidir iyo Mareexaan oo uga soo duuley deegaanada kala ah Caabudwaaq iyo Dhuusomareeb oo kawada tirsan gobolka Galgaduud iyo deegaanka Gobolka Gedo, ka dibna kula magac baxay Isbaahaysiga Dooxadda Jubba.

Hadaba waxaa nasiib daro ah cadaalad daro horaanteed ah in gudiga farsamada IGAD ee u xil-saaran qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Elderot, uu shirkaas ku marti qaaday isbaahaysiga Isku magacaabay Dooxadda Jubba, caalamkuna wuxuu ka war qabaa in Isbaahaysigaasi ka kooban yahay qabaa’il isu bahaystay inay beesha Harti xoog uga deegaan wareejiyaan dhulkii uu ku noolaa kana talinayey qarniyaal badan oo tegey.

Waxaa kale oo aan ku eedaynaynaa gudiga Farsamada Elderot, inuusan tix gelin qoraalkayagii …. September 2002, isla mar ahaana naga hor istaagay inaan ka qayb galo Shirka, taas oo aan u aragno fal danbiyeed lagu wax yeelaynayo xuquuqdayadda Aadaminimo.

Beesha Caalamka waxaan u sheegaynaa in xaaladda deegaanka Kismaayo ay la mid tahay Kuwait 1990, Isbaahaysiga Dooxadda Jubbana uu la mid yahay xoogii Iraq ee xaqdarada ku qabsaday sanadkii 1990kii, Gudigga Farsamadda Shirka Elderot-na wuxuu la mid yahay dowladihii aan ka dhiidhiyin xadgudubkii Dowlada Iraq ay kula kacday Kuwait.

Sidaas daraadeed waxaan waydiisanaynaa beesha Caalamka ee danaynaysa xal u helida arimaha Soomaliya qodobadan soo socda: -

1. In si buuxda naloogu ogolaado ka qaybgalka Shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee ka socda Elderot iyadoo aysan jirin cid kale oo nooga wakiil ah arinta deegaanka Kismaayo

2. In kooxda isku magacawday Dooxadda Jubba lagu qasbo inay ka baxdo deegaanka Kismaayo ee ay xooga ku qabsatay 11 June 1999, si Ummadda deegaankaas looga badbaadiyo xasuuqa joogtada ah ee ay ku hayso kooxdaasi, isla mar ahantaana wax looga qabto loogana hor tago xaalufinta Ba’an ee ay ku hayso deegaanka bad iyo beriba

Ugu danbayn: si Ummadda Soomaliyeed looga badbaadiyo halaagga 12 sano jirsaday, waxaan xal u aragnaa oo qudha in beesha caalamku ay u taliso Soomaliya, ma tashan kartee, waayo Ummadeeda waxay la mid tahay rakaab diyaarad saaran oo u qafaalan koox Argagixiso ah oo aan isku ujeedo ahayn, isla mar ahaana aan wax laga waydiin Karin xalkeeda kooxdaas ay u qafaalantahay Ummada Soomaaliyeed.

Wabilaahi Towfiiq
Gudoomiyaha Xisbigga Somali Solvation Leage (SSL)
Mr. Ismail Xaaji Warsame (Ex-MP 1964 – 1969 Kismayo Somalia )

ssalvation_leage@hotmail.com

Oct 26, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh SSL, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD