”nin walbow
digtoonow”
Faisal Mussa abuxamsa@hotmail.com
I I D H
E H
|
|
Gabaygan layiraahdo ”nin walbow digtoonow” waxaan u tiriyey nin isku magcaabay shiikh Maxamad oo boga
internetka Soomaalida ku faafiyey qoraalo uu ku beeninayo axaadiista. Marka waxaan dadka uga digayaa inay iska ilaaliyaan debinka ninkaasi dhigayo isgana waxaan kula talinayaa inuu xaqa u hogaansamo. Waa kan gabygii
Deelkiisa gabay waayadaan waanigaan deyine
Hadaan oday dagaal noola iman maba danayeene
Balaan didiyo maantoo kaloo diirad leeyahaye
Odagii doolaalayoo waxbadan dunida soo meeray
Oo wuxu damleeyaba u dhacay diinta inu maago
Dawbuu u leeyahay khalqigu inay ladoodaane
Dariiqii rasuulkiyo hadaad diidey hadalkiisa
Oo aadan dooneyn waxyiga eebe nagu daahay
Dacwadaadu maxamadow iima sii duxine
Hayeeshee dad badan baa jiroo diinta garnayne
Oon sahal u daalacana karin waxa ad dooneyso
kuwaasaan digniin siinayaa yaadan dabargoyne
Dadow maqal dabuubtana lasoco ama dan hawyeelan
Dulucdiyo iyo ujeedada ninkani ma’aha diindoone
Deelqaaf iyo wuxuu damacsan yahay xaqa inuu duugo
Ninkii diin leh lama dagi karoo kaa damiir adage
Dajaalanna horaa loo arkoo waan digtoonahaye
Doqontiyo waxuu doonayaa ducuful iimaanka
War intuu aayadaha daalacduu qayb dafirayaaye
Hadii aanad doonayn inaad dawga ka habowdo
Ruuxwalbow digtoonow Richard daahsan baa yimiye
Hadii oday duqooboo ciradu duudka wada saaqday
Uu qaar dafiro aayadaha xaqana dii daayo
Durdurada xageebey ku tegi ubadkan duulaaya ?
Markii aan daraasadaa cilmiga fiirshey dacalkooda
Oon aan duruus badan kadeyey camalka dawgaaga
Nin ibliis dureewal uyahoo duufsadaad tahaye
Kol hadaad da’daas gaartayoo deelna garnaynin
Oo xaqiina soo daahiroo diirka ka cadaaday
Darooriga waxa kaaga roon diinta inad raacdo
Dariiqaad ku joogtaan adeer kaaga digayaaye
Cisyaankaad daldalaysaan walee lagu deynenye
Jaxiimada intaan lagugu dubin dib uga soo joogso
Naar buu durduurtaa ninkii diinta caasiya’e
War si aan ilaah kuu dirin dalowga naaraaba
Aan kula dardaarmee hadeer daacada u jeenso
(daayinow alahayow soomaali daba qabo)
Faisal Mussa abuxamsa@hotmail.com
Oct 12, 2002
Bogga Gabayadii
Hore....
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|