SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB
 BAAQ KA SOO BAXAY XAFIISKA SARE EE URUR KA DHALIN YARADA OGADENYA EE NORTH AMERICA

KU : DHamaan aqoonyahanka iyo wax garadka somaliyeed North America, Australia, Europe, U.K,iyo wadamada, carabaha

OG : DHamaan wakiilada iyo xubnaha ururka dhalinyarada Ogadeniya ee North America ,Europe, Australia,UK,carabta

KU : DHamaan dhalinyarada iyo wax garadka reer Ogadenia North America,Australia,Europe,U.K ,iyo wadamada carabta

KU : DHamaan culima u’diinka somaliyeed dibada iyo daakhil

KU : DHamaan haweenka iyo Hooyooyinka somaliyeed ee Australia North America,New zealand,Europe and U.K ,iyo wadamada arabta

Ujeedo: Baaq kasoo baxay Ururka dhalinyarada Ogadeniya

Waxaa xanuun iyo murugo tiiraanyo leh ah cidhib xumada ay ku sugantahay ummadda Somaliyeed dhamaan,gaar ahaana reer Ogadenya taasi oo ah cawaaqib xumadii laga dhaxley qeybsigii lakala qeybiyeye ummadaan islaamka ah ee isku isirka, isku afka ,isku dhaqanka ah, qeybintaasi oo ay ugu talagaleen in umaddan somaliyeed waligeed kala qeybsanaato, si masiixiyadu u ahaatu quwada kaliya ee gacanta sare leh ee kajirta geeska afrika, dhamaana ummadaan somaliyeed ee muslimka ahi u ahaato mid adoon u ah oo ku jira gacanta masiixiyada.

Mu'aamaradihii iyo qorshe yaashii ugu dambeyey ee masiixiyada abasinia iyo walaalaheeda xaga caqiidada ay qaban qaabinayaan waa in lasii kala qeybiyo somalida xorta ah ,iyada oo ay ka faa'iideysana-yaan dagaalada sokeeye,midnimo iyo wadaniyad la'aanta hareysey ummadda somaliyeed

I  I  D  H  E  H

Hadaba mudo dheer laga soo bilaabo ummada reer ogadeniya waxaa ay ku jirtey halgan qadhaadh , sidii ay uga hoos bixi laheyd heeryada iyo duleysiga gumeysiga madow ee masiixiga abasiniya , waxaase jira dabino iyo mu’aamarado loo dhigo shacabiweynaha somalida reer ogadeniya si loo kala dhantaalo awoodooda iyo isku duubnidooda kaas oo hagaasiyey midnimada iyo habsami u socodka halgan mideysan.

Waxaa kale oo jira kooxo wata dano gaar ah oo ahmiyadoodu tahay mid dhaqaale ,mid qabiil iyo mid magac doonimo si hawlahoodu ugu fulaana sameeya had iyo jeer jahawareer iyo dagenaan la aan xaga fikirka siyaasadeed ama bulsho oo khalkhal galiya ummada reer ogadeniya dibada iyo gudahaba

Sidoo kale waxaa jira kooxo kale oo iyana u adeega daba dhilifna u ah gumeysiga oo fuliya hawlaha iyo awaamiirta gumeysiga, sida isku dirka shacabka , jaajuusnimada ,dilalka qarsoodiga ah,afduubka , dhaca , iwm.

Labadan koxood ee aanu soo sheegnay waxaa ay heshiis ku yihiin curyaaminta iyo baa bi’inta ummada reer ogadeniya ,kooxda hore waxaa ay joogaan wadamada dibadaha sida North- America, Australia , Europe ,UK, iyaga oo had iyo jeer lacago ku uruursada magaca jaaliyada ogadenya iyo magaca jabhada, O.N.L.F lacagahaas oo aan marnaba waligeed gaadhin halkii loo sheegay dadkii lacagaha laga aruuriyey ee aheyd jabhada ONLF iyo dad ku dhibaateysan ogadeniya, lacagahaas waxaa ay galaan jeebka koox xaqdaro ku adeegata oo ku fushata dano gaar ah , waana koox aan muunad iyo sharaf midnaba u heynin ummadda ogadeniya ee heeryada gumeysiga ku jirta.

Hadii aanu nahay ururka dhalinyarada Ogadeniya ma’ogalin una dulqaadan meyno in cidi meel uga dhacdo sharafta iyo karaamada shacabka reer ogadeniya iyaga oo ku adeeganaya magaca jaaliyada Ogadeniya ee dibadaha iyo magaca jabhada O.N.L.F.

waxaase jira codsiyo farabadan oo naga soo gaadhey dadka reer ogadenya ee dibadaha kunool iyo jaaliyadaha Somaliyeed intuba waxaa ay naga dalbadeen in aanu ku sameyno dabagal iyo baadhis qota dheer oo ku saabsan halka ay ku dambeyso lacagaha laga aruursado iyo cida ka aruurisa,taas oo is qab-qabsigeeda iyo buuqeedu mudo soo jiitamayey

Hadaba ururka dhalinyarad ogadeniya ee North America baadhis dheer oo uu sameeyey waxaa uu helay cadeymo iyo ducomentiyo dhab ah oo qeexaya halka ay gasho ama ku dambeyso lacagaha laga aruuriyo Ummadda somaliyeed iyo reer ogadenya intaba, waxaa dhacay shir balaadhan oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha ururka oo ka kala yimin Europe,North Amerika kaasi oo looga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay lacagaha sida aan munaasibka aheyn looga aruuriyo dadka sharafta leh ee Somaliyeed iyo reer ogadeniya

Shirkaas oo dhacay maalintii isniintii 20/10/02 Washington waxaa ka soo baxay baaq xambaarsan qodobada hoos ku qoran kaas oo digniin lagu siinayo shacabka somaliyeed ee lacagta aan munaasibka aheyn ku bixiya ama ay kaga uruursadaan dad ku qadhaabta ama ku maxaabsada magaca jaaliya Ogadeniya iyo magaca jabhada O.N.L.F qodobada baaquna waa sidan.

1. Waxaan ku baaqeynaa in la xoojiyo midnimada iyo isku duubnida ummadda reer Ogadeniya lana meel mariyaa habsami u socodka halganka .

2. Uruka dhalinyarada Ogadeniya wuxuu shacbi weynaha Somaliyeed iyo reer ogadeniya ba ugu baaqayaa in ay ka digtoonaadaan koox da garabka bidix ee wadata danaha shaqsiga ah iyo mida qabiil ee aan ka turjumeynin shacbiga sharafta leh ee reer Ogadeniya.

3. Ururka dhalinyarada Ogadenya wuxuu si dhab ah u cadeynayaa in lacago laga aruuriyey ummadda somaliyeed iyo reer ogadeniya ee qurbaha ku dhaqani si gumeysiga looga xoreeyo, sanadihii u dhaxeeyey 1994-2002 in lagu fuliyey dano shaqsi ah iyo mid qabiil ah sida , ganacsi,guryo lagu dhistey,lagu gadey doomo kaluumeysi,dagaal sokeeye iwm.

4. Ururka dhalinyarada ogadeniya waxaa uu shacbiga somaliyeed ee sharafta leh ugu baaqayaa in ay taageerada lacageed ee sida aan munaasibka aheyn looga qaado ay joojiyaan kana fiirsadaan lacag ay siiyaan tuug doonaya in uu helo lacag si dhibyar ku soo gasha.

5. waxaanu waxgaradka iyo indheer-garadka Somaliyeed iyo reer Ogadeniyaba ugu baaqeynaa in shaqsiyaadka lacagaha ka aruursada aaney aheyn xubno ama wakiil, O.N.L.F. iyo jaaliyad Ogaden midna

5. waxaa ururka dhalinyarada ogadeniya ugu baaqayaa oogana digayaa kooxda garabka bidix ee ku adeegata magaca jaaliyada Ogadeniya iyo jabhada O.N.L.F in ay joojiyaan lacagaha ay sida xaqdarada ah uga uruursadaan jaaliyadaha somaliyeed iyo is ticmaalka magaca jaaliyada ogadeniya ee dibadaha, joo jiyaana dhaqanka foolxumada leh ee ay caadeysteen.

6. waxaa uruka dhalinyarada ogadenya u sheegayaa jaaliyadaha dibada ee somaliyeed in kooxdani u abaabulan tahay sidii guruub shirkad ah,wadamadii ay ku guuleysteen in ay lacago ka aruursadaan waxaa ka mid ahaa, America ,Australia,U.K, Holland, Sweden, Denmark,Norrway,Germany,New Zealand.

7. waxaan ummadda Somaliyeed ugu baaqeynaa in ay ka foojig-nadaan kooxa aan wadaniga aheyn ee caadeystey in ay lacagaha joogtada ah ka uruursadaan Somalida qurbaha iyaga oo lacagahaasi ku fushada dano gaar ah ee iyagu leeyihiin.

8. Gaba gabadii waxaan idiin dardaar-meynaa qabsashada xadhiga rabi iyo in alaah subxanuhu watacaalaa laga cabsado oo laga waan toobo wixii xaqdaro ah.

Wixii faah faahin ah fadlan kala xidhiidh xubnaha u xilsaaran: ogadeniya@yahoo.com 

Mr: Dr Ahmed Digaale balbaleti
Mr: Gaboose Hasan cali (ooyood)
Mr: Daahir Catiro (daahir yere)
Mr: Axmed ducaale (Awaare)
Mr: Maxamuud sayid
Mr: C/Qani Shaakir Xaambe

Oct 22, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD