SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 Warbixin ku saabsan soomaalida Louisville, KY & Cincinati OHIO

 aa1.jpg (63194 bytes)Louisville.

Louisville, KY- Goor galab gaab ayaan ka soo dagay gagida dayuuradaha ee caalamiga ah ee magaalada Louisville, gobolka Kentucky, markiiba waxaa iiga muuqatay Airport-ka in gobolka dhaqdhaqaaqiisa dhaqaale uu aad isaga daciif yahay.

dayuurado ganacsi oo fara badan meeysan oolin Airport-ka sida lagu yaqaan Airport-yada waddankan, waxaana ii muuqday dhowr diyaaradood ee Milatari ah oo qura.

Sida soomalidu meel walba u dagtayba ayeey Louisville-na u soo dageen dhowrkii sano ee in dhaafay, waxaana lagu qiyaasaa ilaa 300 oo soomaali ah ineey ku dhaqan yihiin gobolkan, walow cadad sax ah aan leheyn haddana qiyaasta jaaliyaddu isku qiyaasayaan ayaa intaas le'eg.

soomaalidu wexeey u badan yihiin qoysas ka soo hijrooday Kenya, Egypt, Pakistan iyo meelo kale oo fara badan, wexeeyna kawada muuqdaan dhamaan dhinacyada kala duwan ee nolosha sida waxbarashada, shaqooyinka.

I  I  D  H  E  H

gabar soomaaliyeed oo dhigata U of L (University of Louiville) oo aan ii oggolaan inaan magaceeda faafiyo ayaa ii sheegtay ineey jaamacadda ka barato caafimaadka, walow eey sanadkeedii ugu horeysay ku jirto, haddana gabadhani wexeey ka mid tahay shaqsiyaadka magaca iyo maamuuska u soo hooyey soomaalida gobolka oo wexeey ku guuleysatay tobaneeyo billadood oo loogu abaal mariyey dadaalkeedii dheeraadka ahaa oo eey muujisay intii eey dugsiga sare ku jirtay, haddana deeq waxbarasho ayeey ku dhigataa jaamacada U of L.

Gabadhan (Honor Student)-ga ah waxaa sidoo kale deeqo waxbarasho u fidiyey dhowr jaamacadood oo ku yaal daafaha mareykanka oo eey ka mid tahay jaamacadda Minnesota (U of M)-ta, laakiin wexeey door bidday ineey isaga nagaato magaaladeeda, sida eey ii sheegtayna waa gabadha kaliya ee soomaaliyeed ee jaamacadda magaaladan dhigata.

nin dhalinyaro ah oo taksiile ah oo aan lakulmay ayaa ii sheegay ineey sidoo kale jiraan dhowr dhalinyaro ah oo eey xirfadaas kuwada shaqeystaan oo jooga isla magaaladan Louisville, maadaama eey tahay magaalada ugu weyn gobolka.

Markii aad magaalada dhex jibaaxeyso waxaa kuu muuqanaya in magaaladu eeysan shidneyn, waxaadna arkeysaa in dadyowga gobolkani u hayaamayaan magaalooyinka waaweyn ee dariska la'ah, sida: Cincinati oo OHIO ku taal oo aan iyana shalay soo booqday, sidoo kale dadku wexeey aadaan Columbus, OH, Nashville, TN iyo meelo kaleba.

Gobolkan Kentucky wuxuu caan ku yahay feer yahanka caanka ah ee muslimkana ah Muhammad Ali oo ah gobolka uu ku dhashay kuna soo barbaaray, sidaas awgeed ayaa waxaa bartamaha magaalada Louisville ku yaal waddo aad u weyn oo ku magacaaban feeryahanka Muhammad Ali, waxaana isla magaaladan ku yaal dugsi sare oo isla magiciisa wata.

Cincinati

aa2.jpg (31788 bytes)Sidoo kale waxaan nasiib u yeeshay inaan soo booqdo magaalada Cincinati ee gobolka OHIO oo runtii ah magaalo qadiim ah, isla markaana ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda badan mareykanka oo dhan.

Cincinati sida sawrikaba ka muuqata waxaa dhex mara wabiga ohio river, bilicda magaaladana qeyb libaax leh ayuu ka qaatay.

sida laga wada warqabana magaalada waxaa inbadan isku hayey Police-ka & jaaliyadda madowga ah ee daggan magaalada, si aan bal arrintaas wax uga ogaado ayaan waxaan wareystay nin madow ah oo magiciisa iigu sheegay Dweight, ninkan oo ka shaqeynayey baar qurux badan oo ku yaal janbiga wabiga ayaan su'aalay bal halka eey mareyso dhacdooyinka jaaliyadiisa & police-ka wuxuuna ku jawaabay " ... sheekadani inbadan beey socotay, oo 30 sano ku dhow mana filayo ineey dhamaan doonto, Police magaaldani waa midab takooryaal...".

Cincinati qof soomaali ah kulama aanan kulmin, ha yeeshee waxaa la ii sheegay ineey jiraan dhowr qoys oo soomaali ah oo deggan magaaladan, sida lawada ogyahayna soomalidu wexeey aad u joogaan magaalada Columbus ee Ohio.

C/raxman Ceynte

Louisville, KY

ceyntejournalist@attbi.com 

 

Oct 20, 2002

Soomaalida Columbus Ohio - Warbixin hore 

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD