SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 WARKII OCTOBER 17 EE SHIRKA ELDORET

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 17, 2002

 

I  I  D  H  E  H

 

Weftiga dawlad goboleedka Puntland ee uu hogaaminayey madaxweynaha dawlad goboleedda puntland Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaan maanta soo xaadirin hoolkii uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socday, wasiirka maaliyadda dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole isla markaana ah guddoomiyaha guddiga weftiga Puntland ugu qaabilsan xiriirka ururada caalamiga ah iyo wada shaqaynta gudiga farsamada Igad oo aan wax ka weeydiiyey sababta ay shirka uga maqnaayeen ayaa ii sheegay inay uga maqnaayeen khaladaad tiro badan oo qorshaha shirka iyo ka qayb galayaasha ku saabasan, wuxuuna ii xaqiijiyey inaysan kadinka madasha shirka foodda soo gelin doonin tan iyo inata arimahaas wax laga qabanayo oo la xaliyayo.

Weftiga Puntland oo kelihi saaka kama maqnayn shirii saaka ee waxaa iyana aan golaha wada hadalka cag soo dhigin Weftiyadii ka kala socday SSRC, Waxaa kaloo aan ka soo qayb gelin shirkii saaka hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere, Dhinaca kale Muuse Suudi iyo Shaati Guduud oo labaduba xalay iyo saaka Eldoret soo caga dhigay ayaan iyana ka soo qayb gelin wada hadalkii maanta.;

Arinta dhalisay khilaafkan sida qof kasta oo u dhuun daloolaa shirku fahmi karo ayaa ah dad aad iyo aad uga tiro badan dadkii loogu talo galay inay shirka ka soo qayb galaan oo si aan ku talo gal ahayn u yimid madasha shirka, iyagoo weliba isu diiwaan geliyey ergo ahaan, waxaa kaloo jirta inay dadkan sida sharci darada ah isu diiwaan geliyey ay u badan yihiin taageerayaasha dawladda Carta.

Maanta waxaa shirka furay shir guddoonka shirka oo ah ergayga Kenya u qaabilsan arimaha dibu heshiisiinta ee soomaaliya Mr. Wangala oo ku dheeraaday in wakhtiga imaatinka shirka la dhawro, mar la weeydiiyey sabata ay Somaliland uga soo qayb geli weydey ayuu Wangala sheegay inay ku casuumeen shirka balse ay weli sugayaan inay ka soo qayb galaan, wuxuu ergaygu ka hadlay inay Midawga Afrika iyo urur goboleedka Igad'ba ay weli ilaalinayaa xeerkii ay dawa'ilkoodu isla ogolaadeen goor hore oo tibaaxaya in ay xuduuduhu ahaadaan sidii uu guumaysugu kaga tegey. Soomaaliyana loo aqoonsan yahay inay soomaaliya tahay, wauxuu yidhi: "haddii ay doonayaan inay soomaaliya ka goostaan waxaa fiican inay halkan yimaadaan oo ka sheegtaan",

Shirka dad gaadhaya ilaa 20 qof ayaa ka hadashay, dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen baahida loo qabo in ay soomaaliya yeelato dawlad fulisa adeega ummad weynta soomaaliyeed u ay dagaalada sokeeye iyo aanooyinka qabiil saxariiriyeen.

Mr Wangala wuxuu sheegay inuu ilaa caawa la kulmi doono madaxda siyaasadda soomaalida ee Eldoret ku sugan kalana tashanayo sidii loo maarayn lahaa sicir bararka ku dhacay tirada ergooyinka oo uu sheegay inay sii caga cagaynayso ilaa 600 oo ergay oo laban laab ka dhigaysa tiradii loogu talo galay inay shirka ka qayb galaan. 

Weli waxaa la sugayaa wufuud shirka lagu marti qaaday oo aan ilaa iyo hadda iman madasha shirka...Xamar waxaa ilaa galabta laga filayaa inay ka soo galaan Cismaan caato iyo Cumar Finish, Dhinaca Puntland'na waxaa ilaa galabta laga filayaa inay ka soo galaan labada isim ee kala ah Islaan Maxamed iyo Garaad Saleebaan. Waxaa shirka qaybtiisii hore lagu kala tegey saacaddu markay ahayd 12:30, waxaana hoolka shirka ay ergooyinku dib ugu soo noqon doonaan saacaddu markay tahay 3:30 galabnimo.

Warbixintii Loogu Akhriska Badnaa: SHIRKA ELDORET
Ibraahim Mohamedeeq faalo dheer oo uu kasoo diray shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ayuu ku sheegay in. GUJI 

Ibraahim, Maxamedeeq 

 imdeeq@hotmail.com

Eldoret

Oct 17, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD