Isutagga jaaliyadaha Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose ee
Europe iyo Waqooyiga Amerika
Xafiiska warbaahinta iyo xiriirka bulshada
Copenhagen - Danmark
Taariikh: 12.okt.2002
I I D H
E H
|
|
Ujeedo: BAAQ
Ku: Ururka dawliga ee IGAD
Ku: Qabanqaabiyayaasha shirka nabadaynta somaliyeed
Og: Dhammaan warbaahinta Somaaliyeed iyo tan caalamiga
Shir deg deg ah oo ay maalinkii shalay ahayd khadka taleefanka ku yeesheen wax
garadka iyo odayaasha ururada bulshada ee jaaliyadaha jubbada dhexe iyo jubbada
hoose, ee ku nool wadamada Danmark, Norway, Finland, Great Britain, Holland,
Canada iyo USA ayaa soo saaray baaq hoos ku qoran .
Annaga oo tixraacayna baaqii ay soo saareen salaadiinta iyo ugaasyada beelaha
gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose ee ka soo baxay magaalada Afmadow -
Waxaanu si buuxda u taageersanahay mawqifka ay ka istaageen shirka nabadaynta ee
lagu wado in uu ka dhaco dadlka Kenya, oo ah qaadacaad iyo in aanan laga qayb
galin .
1.Waxaanu u aragnaa in mawqifkaas uu ka tarjumayo aragtida midaysan ee dadaka
nabadda jecel ee goboladaas u dhashay.
2. Waxaanu u aragnaa in nabadda Somaliya aanan marnaba loo mari karin in
xaqdarradda xal laga raadiyo, ama in la iska indha tiro sababta dhabta ah ee ay
Somaliya u degi laŽdahay oo ah dad deegaan aanay lahayn doonaya in ay xoog ku
haystaan, oo uu u xalaaloobo.
3.Waxaa nasiib darro ah in qabanqaabiyayaasha shirkan, iyaga oo ka dharagsan
xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose, in ay
shirka ku martiqaadeen isbahysiga Galgaduud, oo si xaaraan ah ku haaysta meela
ka mid ah jubooyinka, maalin walbana shacabka ku gumaada .
4. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan waxgaradka, odayaasha iyo ururada bulshada
gobolada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose in ay qaadacaan shirkaas la doonayo in
xaaraanta lagu xalaaleeyo.
Waxaa baaqan si wadajir ah u soo saaray:
1.Xubeer Cabdikariim Boodhle
2. Axmed Qaybdiid
3.Faarax Bootaan Warfaa
4.Xussen Baynax Barre
5.Xassan Xaaji Barre
6.Cali Maxamed Hirmooge
7.Abdirazak Xaji Cali
8.Ibrahim Cabdalla
9.Khaliif Sheekh Yuusuf
10.Xassan Sheekh Cali
11.Rashiid Jimcale Khayr
12.Cabdi Maxamed Kaahin
13.Abdirazak Aymad Mohamed
14.Ahmed Haji Maxamed
15.Maxamed Maxaad Bashiir
16.Cadiqaadir Waamo
17.Maxamed Xassan Xaji
Wasalaamu Calykum Warahmatullah
Abdirazak Ali
Jubbalad86@hotmail.com
Daabacaad: Oct 14,
2002
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|