BEYDHABO OO GACANTA U GASHAY MUCAARADKA IYO ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBBA.
DIGNIIN:
»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka
Dhammaan ka akhri halkan |
"Breaking News" | Oct 3, 2002
Warar aan ka helay suxufiyiin joogta Muqdisho ayaa ii xaqiijiyey
in saakay oo Khamiis ah salaaddii subax markii laga soo baxay ay Baydhabo
qabsadeen Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade oo ay taageerayaan Isbahaysiga
Dooxada Juba.
Shaargaduud wuxuu warku sheegayaa inuu magaalada ka baxay dhanka Buurhakaba sida
uu ii sheegay xogogaal jooga Muqdisho oo aan la xiriiray.lnkastoo ay jiraan
warar kale oo sheegaya inaan la ogeyn dhanka uu uga baxay magaalada iyo halaka
uu ku sugan yahayba. Khasaaraha soo gaarey labada dhinac ee is haya iyo
dadweynahaba ayaan cadeyn ilaa iyp hada.
Shirkasta oo dib-u-heshiineed oo kooxaha Soomalida loo qabto ayaa waxaa
badanaaba ka soo hormara dagaalo lagu hoobto oo ay hogaamiyo kooxeedyadu ku
muujiyaan awooda ay leeyihiin.
Guled, Abdulhakim Ahmed
Borlänge, Sweden
guledhakim@yahoo.com
Isha: Xogogaal iyo Suxufiyiin Joogta Muqdisho
<><W><A><R><K><A><><K><A><L><E><>
Baydhabo Oo Gacanta U gashay Sh. Aadan Madoobe Iyo Xaabsade
Dagaal subaxnimada saaka ah dhexmaray ciidamada daacadda u ah Shaati Guduud
iyo kuwii ka soo horjeeday ee Sh. Aadan Madoobe Iyo xaabsade, oo soconayay
qadar saacada ah, sida ay sii daysay idaacad u dhow isbahaysiga dooxada Juubba, ayaa lagu soo
waramayaa in magaalada Baydhabo ay gacanta ugu dhacday dagaal yahaniinta u
dagaalamaya Sh. Aadan Madoobe iyo Xaabsade.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo xaaladda dhabta ah ee halkaa ka jirta,
maadaama ay go'antahay dhamaan isgaarsiintii Baydhabo ay la lahayd gobolada
kale ee dalka.
Isbahaysiga SNA oo maanta xusaya 3-da October
I
I D H E H
|
|
Dad weyne aad u fara badan oo isugu jira dumar, caruur odoyaal iyo dhalin
yaro, oo wata sawirada General Maxamed Faarax Caydiid, iyo boodhadh waaweyn
ayaa maanta lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho.
Idaacadda taageerta Xuseen Maxamed Caydiid, oo ah wiil uu dhalay Allaha ha
naxariistee Janankii geeryooday, ayaa shalay iyo maantaba laga sii daynayay
barnaamijyo quseeya weynaynta 3-da October, oo ay ku tilmaameen inay tahay
maalintii guusha.
Idaacadda Codka Shacabka, ayaa dhamaan ku war galisay taageerayaasha
Isbahaysiga SNA, inay isugu yimaadaan Villa Somalia oo hadda xarun u ah
ururka SNA.
3-da October ayaa ahayd maalin uu dagaal kharaari dhex maray ciidamadii
huwanta ahayd ee UNOSOM ee uu horkacayay Maraykanka iyo waliba dagaal
yahaniintii General Maxamed Faarax Caydiid, oo maalintaas si geesi nimo leh
uga hortagay ciidamdadii sida aadka ah u tababarnaa ee loo yaqaanay
Rangers-ka, Delta Force Iyo waliba kuwii Mariniska. dagaalkan ayaa wuxuu
soconayay 16 saac oo xiriir ah, iyadoo halkaana ay ku naf waayeen in ka
badan boqolaal Soomaaliyeed kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca Marayka waxaa maalintaa laga soo riday 4 diyaaradood oo ah kuwa loo
yaqaan Black Hawk, waxaana laga gubay ugu yaraan 4 Bebe iyo baabuur kale oo
aad u fara badan oo ay ciidamadoodu isticmaalayeen, waxaa isla goobtaas
looga dilay ciidamadii Maraykanak ilaa 28 askari, inkastoo uu maraykanku
qirtay ilaa iyo 18 asakari oo kaliya.
Dagaalyahaniintii Soomaalida oo maalintaas si aad ah u dagaalamay ayaa
gacanta ku dhigay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaaradihii dhulka la soo
dhigay, duuliyahaas oo lagu magcaabo Michel Durant, ahaana Kornayl ka soo
qayb galay dagaalkii gacanka inkastoo la sii daayay isagoo bed qaba.
Dhaawaca soo gaaray ciidamda Maraykanaka, ayuu ku sheegay Admiral Johnaton
Howe, in ay gaarayeen 96 asakari.
Admiral Howe oo markaa madax ka ahaa ciidamadii UNOSOM ee ka hawl galayay
gudaha Somalia, dhalashadiisuna ahayd Maraykan, ayay ugu danbayntii lagu
dhaliilay sidii wax u dhaceen, waxaa is casilay sarkaal Maraykan ah, oo isna
madax ka ahaa cutubyo ka mida ciidamda Maraykanka oo ku sugnaa magaalada
Muqdisho.
Dagaalkan ayaa keenay in ugu danbaytii ay golaha ammaanka ee qaramada
midoobay ay ka laabtaan go'aankoodii ahaa in la soo qabto Jeneraal Caydiid,
ka dib markii taageerayaasha ururka SNA ay gaashaanka u daruureen ayna hor
istaageen qabashadii Jeneral Maxamed Faarax Caydiid.
Hawlgalkii UNOSOM, ayaa ugu dambaytii ku dhamaaday guul daro waxayna gabi
ahaanba UNOSOM faaruqiyeen dalka Somalia sanadkii 1995-kii, Intii ay ciidamAda UNOSOM joogeen dalka Somaaliya, ayaa waxaa soo baxaya tacadiyo dhan
ka ah dadka Soomaaliyeed oo ay geysteen ciidamadii UNOSOM, sida fara
xumayno, Jirdil iyo boob hantiyeed oo ay kula kaceen dadkii Soomaaliyeed ee
ay u soo gurmadeen.
Mogadishu Weekly Reporter A. D.
weekly@somalitalk.com
Muqdisho, Soomaaliya
Guddi Kasocda IGAD oo Tegaya Yemen
waxaa la filayaa in maalinta sabtida ah
in ey sanca yimaadaan gudi
farsamo oo ka socdo urur goboleedka IGAD
sida.. GUJI Oct
3