Cabdow & Cabdalla Waa Codeeyeen,Caddowna Waa Codeeyay
Waa Caydiina Waana Caydeena
Wq.
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com
Nov 30, 2002
Gogasha Eldorat loogu dhigay Soomaaliweyn is diidan oo ku dhex dhuntay dana is
diidan iyo qabiil lagu habar kacsado oo aan loo maqnayn deegaankiisi dhabta
ahaana la dayacay, boobka iyo sheegashada gacan ku haynta deegaano aan is xigin,
taxaalufyo aan wada shaqayn Karin siyaasad ahaan iyo qabiil ahaan,shaqsiyaad
shirka ku fadhiyo magaca deegaano aynan ka soo jeedin oo weliba ku abtirsado
beelaha lagu tiriyo in ay Soomaali weyn ugu waaweyn yihiin.
Maalin walbo oo hor leh gogasha Eldorat u taal Soomaaliweyn waxaa soo if baxo
in shirkan arrimo badan kaga duwan yahay shirarki Soomaaliweyn horay loogu qaban
jiray ,shirkan wuxuu iftiimiyay dhibaatada runta ah ee Soomaali haysto in ay
tahay in ay is hor fadhiyaan hogaamiyayaal dadkooda iyo deegaankooda ka socda
iyo hogaamiyayaal aan dadkooda iyo deegaankooda ka socan iyo kuwa u dhexeeyo
labadan kooxood oo ku jahwareeray inta u dhexeyso caloolo hoos ka guuxayo
danahoodana aan kor u sheegi Karin diif xumana ka muuqato iyo kuwa seefta ku
dhufanaayo ujeedooyinkooda hadafkooduna cad yahay meel loo raacana leh,waxaana
shirkan intaa u dheer fara gelin shisheeya oo aan meel ka soo wada jeedin
danahoodana is diidan yihiin.
Shirka Eldorat Soomaaliweyn uga Socda haddii Cabduqaasim kale ee qabiilka dhuuxa
ka galay la keeni lahaa, haddii Xamid karasaay daciif ah ee nagu dhexjiro mudda
dheerna u hanqaltaagayay qabashada hogaanka Soomaaliyeed noola tilmaami doono
iyo haddii ay guusha raacdo hogaamiya Soomaaliyeed ee aan siyaasadiisa
isbedbedal lagu aqoon kana soo jeedo bashtuu xoogweyn dad ahaan iyo deegaan
ahaan , fara kama qodna xal u helida dhibka Soomaali weyn u yaal sidaana uma
sahlana waana in aan isweydiinaa waayo cidda hortaagan hashiis balaaran ee
dhexmaro Soomaaliweyn keenana dowlad caadil ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba
u horseedo soo celitaanki kaladanbaynta iyo sharciga oo lagu dhaqmo.
Hogaamiyayaasha fadhiya gogasha Eldorat badankooda diyaar uma aha in la helo
dowlad caadil ah ee la xisaabtanto cid kasto oo Soomaaliweyn iyo dalkaba denbi
ka gashay waxaayna la soo shir tageen iyagga oo ku xisaabtamayo laba arrimood
mid,waa tan horee in ay shirka kala tagaan guul iyaga raacdo jid walba oo ay u
maraan dadka Soomaaliyeedna la harto kuna reebto dhibaata aan dhamaan iyo tan
labaad oo ah in ay shirka fashiliyaan marnana aynan aqbalin in ay halkaa ka soo
baxdo dowlad aynan awood ku lahayn cadaalana ku dhaqdo waddanka Soomaaliyeed .
Waxaa iyadana aan shaki ku jirin in shirkan u cakiran yahay Maamulka Igad oo
daciif ah qorsha cadna aan la imaan gogasha Eldorat iyo in aan la aqoon yaa la
heshiisiinayaa oo iyada colaad ka dhexeysaa gogashana loo dhigay.waxaad
maqlaysaa waxaa lagu dhawaaqay Hawiya ergadooda ha soo qeybsadaan,Daroodna
sidaas oo kale ,Raxanweyn oo dagaalkooda iyo colaadoodana qoyan tahay sidaas oo
kale.waa su'aal is weydiin mudan ,Soomali maxaay u timid Eldorat haddii ay sidaa
u sahlantahay Ergo qeybsigooda qola walbo oo aan kor ku soo xusay ,miyaynan
Muqdisho goor hore nabad ka dilaacdeen, Puntland iyo Baydhabana barwaaqo iyo
xasilooni lagu negaadeen, Kismaaya iyo koofurta dalkana gumeysiga ka hoos baxeen
Soomalaay dhibaatada Soomaali ka hortaagan in ay helaan Dowlad loo dhan yahay
ma'ahan qabiil oo kaliya ee waxaa la isku haystaa deegaan iyo yaa deggan yaasa
deegaanka maamulayo ma qolada xooga ku haysto una dhaqmayso sidi isticmaar misa
qolada loo yaqaan deegaankaa taariikh ahaan,waxaa iyadana nabad waddanka
Soomaaliya ka dilaacdo hortaagan hogaamiyayaal ku maalaystay guusha ay ka
gaareen maareynta iyo gacan ku haynta dhibaatada Somaliya ka jirta, reeraha ay
ka soo jeedaana u sheega in ay u maqan yihiin danta qabiilkooda adduun weynahana
u sheega in ay ayagga yihiin hogaamiyaasha dhabta ah ee u taagan danaha ummadda
Soomaaliyeed waddankana ka hor taagan in maamulkiisa mar kale gacanta ugu dhaco
dowlad diktatoori ah.
Ma jecli in aan ummadda Soomaaliyeed rajada ka xumeeyo laakin waxaa xaqiiqo ah
lana dhaafi Karin in Shirkan guushiisa ku xiran tahay laba qodob oo tan hore
tahay ka dhawaajinta xal u helida deeganada la kala haysto inta aan laga wada
hadalin awood qeybsi iyo Soomaaliya yaa madaxweyne ka noqonaayo iyada oo la
adeegsanayo khubara caalamiya oo iyaga ku takhasusay baaritaanka dhulalka la
isku haysto loona dirayo goobaha ay ka jirto colaada si ay uga war doonaan
maleeshiyaadka lagu eedaynayo in ay deegaan haystaan iyo dadka deggan dhulka la
haysto ma is leeyihiin.khubaradaan waa in ay yihiin dhexdhexaad waraysina la
yeeshaan labada dhinac si ay uga gun gaaraan halka xaqiiqada salka ku hayso
.arrin walba ee la isku khilaafo waxaay u baahan tahay sabar iyo in dadaal
dheeraada oo la siiyo si xal waara looga gaaro arrimaha la isku mari la'ayahay
sidaa darteed Soomaali weyn waxaan kula talin lahaa gaar ahaan ergooyinka joogo
Eldorat in ay qaataan xikmada ah Daaliya ayaa dila iyo in laga dheeraado in lagu
degdego Cali waa codeeyay iyo Caasha waa codeysay oo si sahal ah u abuuri karto
in Gogashaas uu ka soo baxo madaxweyne ay wax walbo uga muhimsan yihiin
qabashada jagadaas marnana aynan u muuqan in aan gogashan loo imaan yaa
Soomaaliweyn hogaaminayo oo keliya balsa loo yimid yaa Soomali ku hogaamin karo
nabad iyo kala danbayn lagu soo dabaalo Dalka Soomaaliyeed iyo ummadda oo la
baro laguna wacyi geliyo in laga fogaado arrin walbo oo abuuri karto ku
noqoshada amni darro raagto iyo colaad danbe .tan labaad oo ay guusha shirkan ku
xirantahay waa in xalka Soomaliya loo maraa nidaamki looga guul gaaray Dalka
laybeeria oo ahaa in dadweynaha dalkaas ay iyaga si toos ah u soo doorteen
madaxweynaha dalka taasoo haddii ay Soomaali raacdo fursad weyn siinayso
shacabka Soomaaliyeed intiisa badan oo aan gogasha Eldorat ku lahayn cid masasho
codkooda, arrimtan waa in ay ka horayso beesha caalamka oo u dhaqaaqdo in ay
tira koob ku sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo diiwan gelin asaaskeeda yahay
ruux walbo halka uu magaciisa ku qoro maahine in uunan mustabalka dhow iyo midka
fog uunan magaciisa kaga codbixin karin meel ka duwan halka uu magaciisa ka
diiwan geliyay.
Hogaamiyayaahsa shirka fadhiya waxaan u rajeynayaa in ay gartaan dhibaato walbo
in ay leedahay dhamaad iyo in ay ka gudbaan danaynta danta shaqsiga ah oo keliya
ugana gudbaan sidi ay uga shaqayn lahaayeen xal u helida dhibaatada Soomaali
weyn dul taalo mudda ka badan laba iyo toban sano.
Waxaan iyagana maamulka Igad iyo beesha caalamka ee isu xilsaartay heshiisiinta
Soomaaliweyn u rajeynaynaa in ay guul wacan oo wax ku ool ah ka gaaraan
dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed waxaana ka codsnaynaa in
ay culays xoogan saaraan ruuxi isku dayo in uu carqaladeeyo habsami u socodka
shirka iyo guul ka gaaridiisa, waxaa kale oo aan ka codsanaynaa in aanan
madaxweynaha soomaliyeed loo dooran qaabki loo doortay gogashi shirki
Soomaaliweyn loogu qabtay degmada Carta ee dalka Jabuuti ,waana in doorashada
madaxweynaha Soomaaliya ee mustaqbalka loo maraa in ay si toos ah u soo doortaan
Shacabka Soomaaliyeed keddib marki ummadda Soomaaliyeed lagu sameeyo tirakoob,
haddii aysa dhacdo in la huriwaayo in shirkan si ku meel gaar ah loo doorto
hogaamiya Soomaaliyeed waa in murashaxa doonaya noqoshada hogaamiya Soomaaliyeed
shardi looga dhigaa in uu xubin ka yahay afarta boqol oo ay ka kooban tahay
ergada fadhida gogasha Eldorat lagana dheeraado in musharaxa ka yimaado meel ka
baxsan xariga ku wareegsan gogasha iyo xubnaha ku dhex jiro ee u fadhiya ka mira
dhalinta shirka dib uheshiisiinta Soomaaliyeed ee ay gogashiisa tahay degmada
Eldorat ee dalka Kenya.
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Moallem@lycos.com
KAYDKA QORAALADII ABDALLA MOALLIN
Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraga ku saxiixan
Nov 30, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
com
|