SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
ISHA: eastandard

11 qof ayaa dhintay kaddib markii hotel ay Israailiyiin dalxiis u joogay magaalada mombasa  bomb lagu qarxiyay iyo Diyaarad ay leedahay Israel oo Gantaal lagu tuuray ayadoo ka duuleysey Mombasa.

Gaari lagu qarxiyey Hotel ay leeyihiin Israel oo kuyaal Mombasa [eastandard

Diyaarad ay leedahay israel oo uu gafay gantaal lagaga tuuray Mombasa [CBS]

Mombasa-kenya | Nov 28, 2002
middle-east-online

Netanyahu: Missile attack 'dangerous escalation of terror'
CNN The apparent firing of missiles on an Israeli passenger plane Thursday marked a "dangerous escalation of terror," Israeli Foreign Minister Benjamin Netanyahu said.
Suicide Bomb Kills Israelis, Kenyans; Qaeda Blamed ABC News
Explosion goes off in lobby in Mombassa hotel Jerusalem Post
San Francisco Chronicle - Middle East Online - Indian Express - News24 - and 347 related » [Source: Google]


Waxaa saakay hotel kamid ah hotelda magaalada mombasa lagu qarxiyay bomb , hotelkaa oo lagu magacaabaa mombasa hotel ,qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay 11 ruux iyadoo ay ku dhaawameen ku dhowaad 50 ruux.

Sida ay ku warantay jariidada Standard ee kasoo baxda Kenya, saddex qof ayaa saakay 8:00 subaxnimo gaari noociisu yahay Pajero ku dhiftay hotelka [Mombasa Paradise Hotel] sidaasna uu gaarigii ku qarxay, Hoteelkaas waxaa leh Israa'iiliyiin [Sawirada dadka ka badbaadey Qaraxa] ama .[Eeg warbixintii East A. Standard].

Sida uu weriyey CBC (TV-ga Canada), 11ka qof ee dhintay waxay isugu jiraan lix Keenyaati ah, saddex kuwii qaraxa geystey ah iyo laba Israel ah. waxana dhaawaca uu Tv-gu sheegay inay gaarayaan ilaa 80 qof [CBC News

Qaraxani ayaa ku soo beegmay xili ay dalxiisayaal badani oo israa’iiliyiin ahi ay joogaan mombasa ,qaraxani ayaan la ogeyn ilaa iyo hada cida ka dambeeysa ayadoo lala yaabanyahay in lalabeegsado dalxiisayaa isra’iiliyiinta oo kaliya ayadoo ay joogaan dalxiisyaal kale ,arintani ayaa cabsi weyn ku abuurtay dalxiisayaashii joogay mombasa.

Qaraxa hoteelkaasi wuxuu dhacay daqiiqado kabacdi markii laba gantaal lala beegsaday diyaarad ay leedahay Israel oo kaduushay garoonka mombasa, diyaaradaas oo kusiijeeday Israel waxaa saaraa 261 qof, gantaaladaasina waa ay gafeen diyaaradii. Diyaaradaas waxaa lah shirkada Al Kia, waxayna sii watatey socdaalkeedii, waxaynka si nabadqab ah ku tagtay dalka Israel.

Sida ay ku warantahay jariidada jerusalem post oo kasoo baxda dalka Israel, afhayeen u hadlayey booliska Kenya oo lagu magcaabo Kingori Muanga ayaa sheegay in laba gantaal lagu tuuray diyaarada, waxaa sida afhayeenku sheegay gantaalka laga soo tuuray gaari cad oo ah nooca loo yaqaan four-wheel  oo taagnaa meel garoonka u jirta laba Kiiloomiter, gaarigaas oo sida uu afhayeenku sheegay ay kujireen saddex qof waa uu fakaday. [eeg jerusalem post]

Ilaa hadda lama oga cida ka dambeeysa weerarkaasi. Laakiin sida ay werisey jariidada DailyNation ee kasoo baxda Kenya waxa saraakiil Kenyaan ah ay arintaas u aanaynayaan al Qaeda. [Warbixintii Daily Nation]

Sida ay werisey warbaahinta Austarlia [ABC AUSTRALIA], waxaa booliska Kenya xireen laba qof oo lagu tumayo qaraxaas. waxaa warkaasi sheegay, kuxigeenka booliska ee gobolka xeebta kenya oo lagu magcaabo Omar Shuria waxa uu sheegay in la xiray laba qof oo hadda su'aalo la weydiinayo. [Eeg abc.net.au]. Waxa kale oo warbaahinta Australia intaas ku dareen in la adkeeyey ammaanka meelaha xayawaanka duurjoogta ah ee loo dalxiistago ee ku yaal kenya. Warar ugu dambeeyey ee warkaan ka eeg halkan ama  ama halkan. 

Waxaa qoraalkaan ka qaybqaatay
Shuaib hassan haji 
shumhagi@yahoo.com
 

Mombasa -kenya

Sawirada dadka ka badbaadey Qaraxa: Eastandard 

Nov 28, 2002com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD