SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  

Madaxweyne Moi oo goobta qaraxa ka khudbeynaya
 
3 Soomaali ah ayaa kamid dadka loo heysto qaraxyadii Mombasa

Nov 29, 2002 

Sida eey ku soo waramayaan warbaahinta caalamku, 12qof oo Ajaanib ah oo isugu jira 6 paskistaaniyiin ah, haweeney mareykan ah iyo seygeeda oo Spanish ah iyo 3 soomaali ah ayaa ilaa imminka loo heystaa qaraxyadii ka dhacay Mombasa ee lala beegsaday danaha Israel maalintii shalay aheyd.

Dowladda Kenya ayaase qiratay in dadkan badankood la xidhxidhay ka hor intaaney qaraxyadu shalay ka dhicin magaalada xeebta ah ee Momabasa, markaas oo kooxdan la heysto eey si sharci darro ah u doonayeen ineey ugu soo xaluushaan waddanka Kenya, iyagoo dhanka Badda kasoo galaya.

Washinghton ayaa durbaba faraha ku fiiqeysa waxa eey ugu yeedho " kooxaha argagixisada" ee xiriirka la leh Al-Qacida, sarkaal shalay u hadlay Aqalka cadna wuxuu si toos ah u sheegay " in La tuhunsan yahay in ururka Mayalka adag ee Al-Itixaad ee soomaaliga ahi uu arrinkan ku dheehan yahay" ha yeeshee buu yiri" waa tallaabo dheeri in waqtigan xaadirka ah lagu dhawaaqo cidii ka danbeysay qaraxyadaas"

Sida lawada ogsoon yahayna maamulka madaxweyne Bush ee dhanka midig jira ayaa Al-Itixaad ku biiriyey waxa loo yaqaan " Liiska ururada Argagixisada" wexeeyna ku andocoonayaan in saraakiil sar sare oo Al-Itixaad ahi eey xiriir qarsoon oo misana xoog leh la lahaayeen Al-Qacida, wexeeyna intaas ku darayaan in 3 sarkaal oo ah kuwa ugu madaxa roon ururka Al-itixaad eey imminka dhuumaaleyso ku jiraan. 

Khubaro & Jawaasiis Israa'iiliyiin ah oo goobta qaraxa baaraya


hadii eey romoowdo in Al-Qacida eey arrinkan ku lug leedahay ayeey ku adkaan doontaa in jawaasiista Israa'iiliyiinta ah (Mosad) ee kusii qulqulaya Mombasa eey wax tafaasiil ah soo helaan qaabka qaraxan loo agaasimay sida uu sheegayo wariyaha Al-jazeera TV, laakiin wuxuu intaas raacinayaa in dhamaan baarayaashan oo isugu jira Kenyati, Israa'iiliyiin & Mareykan-ba eey doonayaan ineey bal mar uun qaraxan la xiriiriyaan Carab iyo Muslimiin.

isla shalay ayeey aheyd markii eey dayuurad shibil ah oo sidday 261 musaafir oo Israa'iiliyiin u badan eey ka badbaaday gantaal lala beegsaday, wexeeyna dhacdooyinkani maskaxda soo xusuusinayaan kuwii 1998 lala beegsaday safaaradaha mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Isku soo duuboo, qaraxyada lala beegsanayo maslaxadaha Reer galbeedka, gaar ahaan kuwa mareykanka iyo Israa'ill ayaa ah kuwa ku soo badanaya caalamka, wixii ka danbeeyey kuwii Sept 11, markaas oo maamulka Bush eey go'aansadeen ineey la dagaalamaan waxa eey Argagixisada Caalamiga ah ugu yeeraan, kuwaas oo inta badan aan Juquraafi ahaan meel loogu soo hagaago laheyn, Culimo muslimiin ah ayaana canbeereeyey weerarada magaca islaamka lagula beegsanayo dadka shibilka ah ee aan waxba galabsan oo inta badanna hore u sii gallaafta muslimiin kale.

 

Diinta Islaamka... yeey u baahan tahay.. ? yeeyse ka dhantahay ...?-  [Faaladii Ceynte]

Waxaa isku soo duba riday

C/raxman Ceynte

St.paul. MN

ceyntejournalist@attbi.com 

I  I  D  H  E  H

Nov 29, 2002

Hotel lagu Qarxiyey Mombasa iyo Diyaarad Gantaal lagaga Gamey Mombasa
Hotelka iyo diyaaradaba waxaa leh Israel, diyaaradu wey ka badbaadey gantaalkaas, hotelka waxaa ku dhintay 11qof kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex.. GUJI...

Maxaa Keenay In Fanka Carabtu
u Xuubsiibto Dagaal Siyaasadeed?  Faaladii Ikraam Cali-Kaar

DOOD.FURAN | CHAT

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11 

Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11 

ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD