SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

DEKEDDA MAGAALADA BOOSAASO OO LAGA WADO HAWLO DIB U HABAYN AH

waxaa shalay subaxnimadii ka bilowday dekeda magaalada Boosaso hawlo dib u habeeyn ah oo lagu nadiifinaayo dekeda Boosaaso kasoo la gelinaayo xafaarad ka saarta wasakhda dhoobada iyo haraadiga gadiid ku bas beelay halkaasi iyadoo ay ugu danbeysey maraakiib waayeyn oo ku degey gudaha dekeda iyo qusurkii ama dhererkii dekeda oo aasmay ka dib markii ay ku soo hoobteen dhagxaan iyo dhoobo tasoo keentay in maraakiibta iyo doonyaha waaweeyni soo gali waayeen.

mashruucaan ayaa waxaa maalgelinaaya hay'ada UNDP, waxaana fulinaayaa qandaraaslayaal shisheeye ah oo ay hay'adda siisay.

I  I  D  H  E  H

mashruucaan oo ah mid balaaran waxaa ka mida mashruuc dab damis ah iyo mid lagu shidaayo munaaradaha dekedaha iyo marsooyinka degmooyinka gobolka bari, waxana qandaraaslayaashu kala yihiin Ingiriis oo wada mashruuca wasakh ka saarista dekeda iyo koox aqoon u leh dab damiska oo dhalashadoodu tahay keenya, koox Hindi ah oo shidaya munaaradaha ifiya doonyaha iyo marakiibta ku soo dheelmanya dekedaha iyo marsooyinka.

mashruucaan dib u habaynta dekeda Boosaso oo ah mid mudo dheer la sugaayey ayaa waxaa haatan furitaankiisa albaabda u furay wasiirka Kaluumaysiga iyo Gaadiidka bada Ing C/risaaq Cali Siciid (shaahdoon)

mar aan saaka subaxnimdii Booqasho ku tegay halka ay ka socoto hawsha nadiifinta ayaa waxa ka hawl galaayey in ka badan lixdameeyo soomaali ah oo shaqaale ah kuwaasoo daabulaayey qalabka xafaaarada oo ah biro aad u culus, waxaana dekedda hor teeda ku xoonsanaa kooxo xamaaliyiin ah oo rabay in la qoro hawshaasi.

mashruuca dab damiska ayaa waxaa u oolaa dooni ah nooca aadka u dheerya oo taalay aqalka uu degan yahay Wasiirku, waxaa doonidaasi saaran mishino loogu tala galay in ay bada dhaamiyaan oo damiyaan wax kasta oo dab ah oo halkaasi ka qarxa.

WQ.Weriye C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekhaduun)

sheekhaduun@hotmail.com 

Tell 00 252 523 4244 | Fax 00 252 523 4501

Bosaso, Puntland State Of Somalia

Nov 13, 2002


WARARKA KALE EE NOVEMBER -GUJI


OCTOBER | SEPTEMBER  AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD