SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

ELDORET, MIDNIMADA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND

I  I  D  H  E  H

 Su’aal muhiim ah oo u baahan in loo lafa guro hab cilmiyaysan oo ka fog caadifada ayaa waxa ay tahay in la is waydiiyo sida ay noqonayso midnimada Soomaalidu shirka Eldorot ka dib. Maqaalkan waa saadaalin aan ku saadaalin doono wajiyada laga yaabo in ay qaadato midnimada Soomaalidu shirkan ka dib. Waxa kale oo aan ku eegi doonaa raadadka uu shirkani ku yeelan karo go’itaanka Somaliland.

FASHILKA SOOMAALIWAYN

In Soomaalida Geeska Afrika dagtaa ay ku midoowdo calan iyo dawlad kaliya hoostood waxa ay ahayd himilada dhamaanba dadkii Soomaaliyeed ee la soo diriray gumaysigii ka jiray dhulalka ay Soomaalidu degto. Himladan qaybteedii hore waxa ay xaqiiqoowday 1960 markii labadii qaybood ee ugu horeeyay ee ka xoroobay mustacmarku ay ku midoobeen dawlad iyo calan kaliya. Siyaasada dawladan cusub iyo dhamaanba shacbiga ku nool labadaa qaybood waxa ay ahayd in ay xoreeyaan lana midoobaan sadexda qaybood ee maqan. Dagaalo badan ayay Soomaalidu u galeen, dhiig badana waa ay u daadiyeen xaqiijinta rajadan. Laakiin fashilkii ugu horeeyay ee ka hor yimid midaynta Soomaaliwayn waxa uu ahaa in lagu guulaysan waayay in Jabuti lagu soo biiriyo labadii qaybood ee xornimada ka hor qaatay . Sidoo kale, burburkii uu taliski Siyaad Bare u gaystay guud ahaanba wadanka Soomaaliya gaar ahaana gobolada waqooyi iyo dagaaladii sokeeye ee mudada toboneeyada sanno ka socday qaybo ka mida Soomaaliya waxa ay iyana keeneen in dareenka Soomaalinimadu uu ku yaraado amaba uu ka baaba’o qalbiyada in badan oo Soomaalida ah.Waa aragtidayda markaas, in Gooni isu istaagii Jabuuti iyo burburka ka dhacay Soomaaliya ay sababeen in midaynta Soomaalida ku dhaqan Geeska Afrika ay noqoto riyo ay xaqiijinteedu adkaatay. Waxa kale oo ay daciifiyeen isku hayntii labadii qaybood ee ku midoobay Soomaaliya.

SAAMAYNTA NATIIJADA SHIRKA ELDORET

Raadadka uu ku yeelanayo shirkani midnimada Soomaalida waxa ay ku xidhantahay natiijada ka soo baxda shirka iyo sida natiijooyinkaas loo hirgaliyo. Natiijooyinka ka soo bixi kara shirkani waa sadex arimood midkood:

1) In uu najaxo shirku lana hirgaliyo go’aamadiisa

In uu shirku najaxo lana hirgaliyo go’aamada ka soo baxa, taasi waxa ay sababi kartaa in la helo dawlad dhexe. Dawladaa dhexese waxa ay mudooyinka dhaw ahaan doontaa dawlad daciifa oo ay ku kulmaan dowlad goboleedyo xoog lihi. Waqtiyada soo socodana dawladani waxa ay ahaan doontaa calaamad (Symbol) magac uun ah oo kulmisa inta ku heshiisay shirkan, xooga dhabta ah se waxa lahaan doona kooxaha ka taliya gobolada. Dowlad goboleedyadana hadafkooda koowaad ma ahaan doono in ay xoojiyaan kayaan Soomaaliyeed ee waxa ay isku dayi doonaan in ay iyagu noqdaan quwado xoog leh oo sidooda isu taaga. Sidoo kale waxa jirta baqdin ay qabaan wadamada jiiraanka ah qaarkood, kuwaas oo dhalashada dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh u arka in ay khatar ku tahay amnigooda. Dawladahaas oo qaarkood ay yihiin kuwa hor boodaya shirkan, ma filayo in ay ogolaan doonaan in dawlad Soomaaliyeed oo xoog lihi ay ka hana qaado Geeska Afrika.

2) In uu Najaxo Laakiin laakiin la hirgalinwaayo natiijadiisa

Waxa dhici karta in shirkan wax la isku waafaqo laakiin go’aamadiisa la hirgalin kari wayo sidii kuwii ka horeeyay. Hadii ay dhacdo tani waxa ay keeni in waaqica maanta jiraa uu sidiisa ahaado amaba uu ka sii wiiqmo. Waxa dhici karta in Koox kastaba meesha ay ka taliso ay nidaam yar ka dhisato. Koox kastana waxaa suurtowda in ay ka soo hoos baxaan kooxo yar yar oo sii qaybiya awoodeeda. Taasina waxa ay adkayn doontaa isku haynta Gobol kaliya.

3) In uu Fashilmo.

Hadii uu shirkani ku dhamaado fashil waxa dhici arimaha aan ku sheegay nuqdada labaad, taas waxa raaci bay ila tahay in waqtiga dhaw ay meelaha qaarkood ka dhacaan dagaalo ay koox waliba doonayso in ay isku balaadhiso. Natiijaduna waxa ay noqonaysaa in rajada laga qabo in la dhiso dawlad Soomaaliyeed ay noqoto habynkii xalay ee tagay oo kale.!

Raadka uu ku yeelanayo Somalilnad

Sida uu akhriste kasta oo la socda shirkan Eldoret uu ogyahay Somaliland nidaam ahaan ugama soo qayb galin shirkan. Waxaa jirta in casuumadii la siiyay ayna aqbalin. Arintan dadka qaar waxa ay u arkeen in ay tahay in la rabo in marka hore la heshiisiiyo, dawladna laga soo dhiso koonfurta Soomaaiya, ka dibna lala xaajoodo Somaliland. Dadka qaarna waxa ay ku fasireen in arintani ay tahay ictiraaf aan dhamaystirnayn oo la siiyay Somaliland. Waxa ay se ila tahay shirkani hadii ay natiijo ka soo baxdo iyo hadii kaleba raadayn ayuu ku yeelan doonaa Somaliland iyo kala go’a soomaaliya.

Hadii natiijada shirku ay noqoto labada nuqdo (2,3) ee aan kor ku xusay oo ah in shirku fashilmo amaba waxa ka soo baxaa ay socon waayaan, sidaas oo kaleeto hadii fashilka shirka ay lamaanayso in doorsahooyinka ka dhacay Somaliland ay hirgalaan, waxa ay tani soo dadajinaysaa ayaad odhan karata kala go’a iyo ictiraafka Somaliland.

Su’aashu waxa ay tahay hadii uu shirku najaxo oo la dabaqo go’aamadiisa, raad intee le’eg ayay ku yeelan kartaa qadiayda Somaliland. Waxa aan is leeyahay hadii ay taasi dhacdo oo la helo dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh oo ka hanaqaada dhamaanba koonfurta Soomaliya in ay culays saari doonto nidaamka Somaliland. Waxa ay keeni kartaa in nidaamka Somaliland uu la xaajoodo nidaamkan cusub La xaajoodkaa waxa ka soo bixi doonaa waxa uu ku xidhanaan doonaa arimo badan oo qaarkood yihiin arimo siyaasada Somaliland ku lug leh, qaarkood yihiin taariikh, qaarkoodna yihiin cadaadiska ka iman doona quwadaha daneeye arimaha Soomaaliya. Wada xaajoodkaaas aragtidayda waxa uu ahaan doonaa mid jiitama isla markaana waqti dheer qaata, lamana saadaalin karo sida uu ku dhamaan doono. Laakiin Waa ay dhici kartaa argtidyda in natiijada wada xaajoodkaa ka soo baxysaa ay noqoto kala go’a iyo ictiraafka Somaliland. Hadii ay sidaasi dhacdana waxa ay noqonaysaa gabagabdii hamigii ahaa in la helo dawlad ay ku midoobaan shuucbta soomaaliyeed ee deggan Geeska Afrika.

 

Waa aad mahdsantihiin.

Siciid Cali Axmed

Ottawa, Kanada

Saidahmed67@aol.com 

QORAALADII HORE EE SICIID

Nov 5, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD