*Qurbo Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo*
Qore Omar Burale,
E_mail Bukari114@hotmail.com
Nov 26, 2002
Maqaal kan waxaan igu kalifay in aan qoro, gaar siiyana dareyn keyga bal
waxaan tabar iyo tusale aan kadhihi karo Ayaan Hirsi, oo u muuqato inay
ujanjeerto dhinaca dhal-dhalaalka dunida, iyo waliba reer galbeedka beentooda
runa u maleysay! wax yaalaha indhaheedu arkeen! balse xaqiiqdii kafoq runta
midaas. Ayaan, waxan jeclahay in aan u soojeediyo tix yare oo Geeraar ah
taasoo aan marna ku waaninayo marna wax ugu sheegayo marna, ku xasuusinayo ruuxa ay tahey, ileen waa bini aadam oo wey qaldamikartaa,sida naloo sheegay,
mana aha in laga waaliyo, laakiinse xasuusin ayay naga mudan tahey hadii ay
garan weyso, ama ayqaadan weydo xasuusintaas markaas wajikale oo xal nafteeda
u ah ayaa loo helidoonaa, oo macquul ma'aha in diinta islamka intaas oo
caalamka dushiisa ku nool iney Ayaan Hirsi Xal looga waayo. Hadaba waxaan
leeyahay hacaburin naftaada ee arag nonolasha dhabta ah iyo waliba wanaageeda,
adigoo qaali ahna ha'iska dhigin duli , dunida & aakhiro toona wax ba ku
laheyn .
Waa su'aale waa maxay quruxda qofka islamka ah? Qofka islaamka ah quruxdiisa
waa diintiisa oo uu dhowro una dhinto, qurux malihid hadii aadan diin laheyn.
Diinta islamku waa mid casri ah, xilikasta iyo wakhti kasta intaba. Hadaba
diinteenu waxey kahadashaa wax jiray wax joogo iyo wax soo socda intaba.
Waxaa nasiib daro ah 'in aad hogaanka u dhiibato nin aan intaba wax ka' ogeyn'
Hadaba Ina Hirsi waa maxay casriga ay raadineyso?
*Geeraarkii Lamagac Baxay Qurux Dila*
Ikraam
Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay.. GUJI..
22/11
Ayan
Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey
diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI
12/11 [C/raxman Ceynte]
Rev.
Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo
iyo naxariis kor kiisa ha ahaato). GUJI
0ct/7 [wardheere]
Dheelmidii Nebiga Sallallahu
Calayhi Wasalam GUJI
»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan
oo soo dhow GUJI
»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey
oo MN Booqday! GUJI
»» Ninkii Beeniyey Dajaal oo
Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI
|
*Yarta quruxda badaney horta maxaa ku qaatoo qiimigaadi kugudiray.
Qaadirkii ku uumaana qowl xaqa ayuu ku faray qumanow rasuulkii {SCW}
Qaado uu kuleeyahey, qawaaniinta noloshiyo qaneecaadka geeridda,
Ee yarta quruxda badaney horta maxaa ku qaatooo u qafilatay dhegihii.
*Ma'ogtahey qiyaastii imisaa qorniga dheer qardiisu see tahey qunyare
Miyuu yimaadaa mise qaa qab iyo kadis wadka kuu qorsheysani eeyarta
quruxda badaneey horta maxaa ku qaatoo qalbigaada xasuustiray,
*Qiimaha aad leedahay quruxdaada xulashada indha qabadka daymadda
Qumanaanta jiirkiyo qiimahaada diineed, midab aan laquureyn,qasdigoodu,
Ma'aheyn qaawanaan abaal keedd iyo qawaacid xumo diincay! Ee
Horta yarta quruxda badaney qorta maxaa ku qaadoo, qimigaada
Kugu diray
*Wadku waa qisaas xaqa noloshuu qurgooyaa qiyaamuhu markuu dhaco qofwalbaa
Waxuu falay qaybtiisa ay tahay, aan qadafna laga gelin uumiyuhu qarqarayaan
qalbigiisu
Jecel yahay jannadii qaboobayd balse diinku dheelaay adi qadafka kuu yaal aad
u qalanto
naartii qaddar eebe mooyee, ee yartaa qiimiga badaney qoftaa yaadan noqonoo
jahanabo
ku quudane qabri iyo geeri kahorow iga qaado waanadan oo noloshaada dabaqabo
qurbe
laguma waaree, qurbi laguma ilbaxo, reer galbedu weydambeeyaan.
*Halkaas ayaan ku soo koobnay geeraarkii Qurbo laguma waaro, hadii loo
baahdana waan siiwadeynaa hadii,
Ama mihiim noonoqdo.
Qore Omar Burale,
E_mail Bukari114@hotmail.com
Nov 26, 2002
Afeef: Argatida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga
ku saxiixan.
Ikraam
Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..
GUJI..
22/11
Ayan
Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey
diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI
12/11 [C/raxman Ceynte]
Aabe
Soomaaliyeed oo Loo Xiray Geeridii
Gabadhiisii oo Jirtey 6-toddobaad: Magaalada St. paul ee gobolka
Minnesota aaya lagu xiray Siciid Muuse Guuleed GUJI
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|