SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
Warbixin ku saabsan soomaalida Norfolk, Nebraska. 

Shirkad Maraykan ah oo u haysata in dhammaan Soomaalidu ay dhasheen Janaayo Kowdeeda 01/01

C/raxman Ceynte 

Norfolk- Nebraska.

Kaydka Wararka C/raxman Ceynte 

I  I  D  H  E  H

Gobolka Nebraska wuxuu ku yaal bartamaha waddanka Mareykanka, wuxuuna caan ku yahay xarunta INS-ta ama waaxda socdaalka & dhalasha bixingta mareykanka oo xafiiskeeda dhexe uu ku yaal Lincoln, Nebraska

ha yeeshee aniga safarkeygu wuxuu ku aadanaa magaalo yar oo la yiraahdo Norfolk, Nebraska oo ku taal woqooyi bari NE.magaaladan oo dadka dagani oo dhan yihiin ku dhawaad 24,000 affar iyo labaatan kun ayeey soomaalidu affar boqol 400 ku dhow yihiin, somalidan ayaa badankood ku soo yaacay magaaladan wixii ka danbeeyey horaantii sanadkan, maxaa yeelay mar aan soo booqday magaaldan sanad iyo bar ka hor 15 qof oo soomali ah ayaa joogtay.

si kastaba ha ahaatee soomaalida joogta Norfolk wexeey intooda badani yihiin dad dhalinyaro ah oo ka soo socdaalay goboladda kale ee waddankan oo eey Minnesota ugu horeeyso, waxaa halkan loo yimaadaa shirkad sameysa hilibka oo aad u weyn oo dhamaan soomaalida halkan daggani ka wada shaqeeyaan.

qofku marka uu soo galo magaaladan wuxuu ku degaa saaxiibadiis, subaxda xigtana waxaa la geeyaa xarunta (IBP) ama (Iowa Beef Packaging) oo ah shirkad asalkeedu ka yimid gobolka Iowa, shirkadani wax shuruud ah kuma xirto soomaalida iyo dadka kale ee aan luqadda English-ka aqoon, subaxa ku xigtaba shaqo ayuu qofku ku bilaabaa ku dhawaad 9$ saacadii.

waxyaabo badan oo iga yaabiyey baan ku soo arkay Norfolk, waxaa kamid ah: qaabka eey u wada daggan yihiin wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed ee gobolkan o aad moodo woxoogaa ineey goboladda kale ee aan anigu arkay ka duwan yihiin, maxaa yeelay caadi ahaan wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed islama dagaan, laakiin taas kama jirto Norfolk, oo waxaanba dhihi karaa wiilashu gabdho guriga u nadiifiya, cuntana u kariya ayeeyba u xisheen, halka gabdhuhu u xisheen wiilal gawaari wata oo shaqada ku sii tuura, maadaama badankood eeysan gawaari wadan amaba laheyn.

wali masaajid lagama furin magaaladan, wax qabanqaabadeeda ku jirana soo ma aanan arag, dadka jooga magaaldan ee soomaalida ah wexeey u badan yihiin qaar waddanka aad ugu cusub. wali wax xafiis jaaliyadeed ah oo laga furaayi ma jiraan, ha yeeshee waxaa jira dhalinyaro arrintaas ka shaqeynaya.

Arrinta iigu qosolka badneyd wexeey aheyd marka la ii sheegay in shirkadda (IBP) ee soomaalidu ka shaqeeyaan eey bilaabeen ineey u maleeyaan in qofkasta oo soomaali ahi uu dhashay Janaayo kowdeeda 01/01 maxaa yeelay qofkasta oo foomka shaqada buuxiyaaba wuxuu da'ada dhalashadiisa ku qoraa 01/01 maxaa yeelay sida lawada ogsoon yahay soomaalida intooda badan da'a dhalasho oo rasmi ah ma wataan, shirkadda (IBP) ayaa maalinta eey ku aadan tahay dhalashada shaqaalohooda fasax siiya, isla markaana Janaayo kowdeeda waa feesto mareykanka oo dhan ka jirta, haddaba shirkadu wexeey is heybinaysaa tolow dhowrkan boqol ee soomaalida ah ee janaayo kowdeeda wada dhashay ma laba feesto ayaad isugu dari doontaan, mise hal ayaad ka dhigi doontaan labadan feesto eey isa soo doontay ??

koleey waa su'aal da'aweynoo eeysan (IBP) wali ka jawaabin sida uu ii sheegay xubin maamulka shirkadda, isla markaana ah turjumaanka soomaalida Mr Siciid Nur jimcale oo sido kale ii cadeeyey ineey shirkadu dhib ku yara qabto salaad soo tukashada soomaalida oo aalaaba isku beddesha inuu qofku biririf dhowr daqiiqo ah iska qaato, taas oo buu yiri" laga yaabo ineeyba shirkadu go'aan ku gaarto ineey diido in waqtiga shaqadu socoto la soo tukado" .

dhanka waxbarashada, jaamacadiba horta kuma taal magaaladan, ha yeeshee Colllege-yada ku yaalna hal ama labo soomaali ah ayaa tagta.

Guud ahaan Norfolk waa magaalo aad u deggan, marka laga reebo dhac bangi oo bishii ina dhaaftay loo geeystay bangi, laguna dilay 5 qof oo shaqaale iyo macaamiil-ba isug jira.

Nolol ahaan gobolku aad ayuu uga jaban yahay Minnesota, gaar ahaan kirada guryaha ayaa farqi weyni u dhexeeyaa.

Arrinta sheegidda mudani wexeey tahay in magaalada Norfolk ee gobolka Nebraska markii ugu horeeysay la soo degay 17 July 1866-dii, markaas oo 44 qoys oo German ahi ka soo carareen gobolka Wisconsin, iyagoo markii eey marayeen Janbiga wabiga Elkon River Valley oo ah halka eey magaaladani ku taal eey la dhaceen bilicda aagaas, halkaasna ku go'aan sadeen ineey ku degaan, una bixiyeen (Norh Fork) ha yeeshee isbed-bedel dheer kadib loo bixiyey (Noffolk).

C/raxman Ceynte

Nofolk, Nebraska

Ceyntejournalist@attbi.com 

 Kaydka Wararka C/raxman Ceynte 

Nov 5, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD