SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 Salaadda iyo Caafimaadka


Daraasad eey sameeyeen culimo Mareykan ah ayeey ku sheegeen in salaadda muslimiintu tukato shanta goor maalintii eey tahay mid wax badan ka tareysa cudurada dhabar xanuunka, cududo xanuunka & dhamaan lafa xanuunka oo dhan maadaama dhowr mar maalintii qofku oo rukuuc & sujuud samaynayo.

 
Muslimiin ku tukanaya New York

Turjumadii C/raxman Ceynte

St.paul, MN

Ceyntejournalist@attbi.com

Nov 22, 2002

 

Culimadu wexeey isku raaceen in rukuucida, sujuudida iyo istaagga uu qofku sameynayo eey caawinayaan in xubnaha iyo cududada qofku jilcaan oo eeysan adkaan, adkaashada oo ah sababta eey bukaan badani maanta ula ildaran yihiin roomatiizimo, baaritaankan ayaa gaar ahaan tilmaamay in dhabar xanuunku yahay cudurka ugu daran ee salaad lagu daaweyn karo.

I  I  D  H  E  H

Daraasaddan oo eey sameeyeen xarunta baaritaanka daraasaadka islaamiga ah ee mareykanka, fadhigoodana Washington yahay ayaa sidoo kale sheegeysa in kalsoonida nafsadeed ee salaad tukashada laga helo eey iyana kaalin wax ku ool leh ka ciyaareyso kordhinta unugyada difaaca jirka, markaas oo uu caafimaadkuna soo degdegaa.

Daraasaddu wexeey daboolka ka qaaday in tirada ka soo kabsatay cudurada noocan ah eey aad ugu badan tahay dadka shantooda salaadood si joogto ah u tukada, ka sokoow dhaqdhaqaaqa jirka ee uu qofku sameynayo, haddana waxaa jira kalsooni & deggenaasho nafsadeed oo ku soo degta qofka mark uu salaada ku dadaalo, taas oo keeneysa in unugyada difaaca jirku sii bataan, taas oo misana keeneysa inuu jirku awoodo inuu cuduradana iska difaaco.

ugu danbeyntii wexeey cilmibaaristani ogaatay in salaadu daawo dabiici ah u tahay dadka waayeelnimadu dhul-dhigatay, dadkaas oo jirkoodu u baahan yahay dhaqdhaqaaq ka ilaaliya inuu jirku isgoosto.

Salaadda: http://somalitalk.com/salaat 

----------------------------------------------------------------------

Fariin midab takoor & Neceyb ku dheehan yahay oo lagu dhajiyey dukaan soomaaliyeed oo St. Cloud, Minnesota ku yaal.

Abdirashid Jama oo ah milkiilaha dukaan/hilib xalaal bishan November 3-deedii laga furay Magaalada St.Cloud ee gobolkan Minnesota ayaa warbaahinta u sheegay inuusan ka walwalsaneyn rinji lagu buufiyey irida gadaale ee dukaankiisa billowgii toddobaadkan, dukaankan cusub ayaa sidoo kale ah Masjid & xarunta soomaalida ee magaalada St.Cloud.

Abdinasir Nur Abdinasir Nur, shown shortly after his Maka Mini-Market and Halal Meats reopened last year after the federal raid, says he can no longer stock perishable goods because business has fallen off. He is still hoping for government reimbursement for seized merchandise. Seattle, WA --- More

Rinjigan lagu qoray darbigiisa ayaa waxaa ku qoran ereyo looga soo horjeedo deggenaanshaha eey soomaalidu daggan yihiin magaaladaas, booliiska ayaa Mr C/rashid u sheegay ineey baaritaan ku hayaan arrintaas.

Lerroy Hill Jr. oo degenaa agagaarka St.Cloud 14 sano ee la soo dhaafay, isla markaana xubin firfircoon ka ah ururka xuquuqda Madowga u dooda ee NAACP ayaa warbaahinta ku yiri " soomaalida markaad weydiiso; maxaad Minnesota ku doorateen ? wexeey ku leeyihiin; waa meel wanaagsan, laakiin iima muuqato in la soo dhaweynayo iyagana"

Mr Hills ayaa sheegay in soomaalida hadda sii cagacagayneysa 2,500 ee St.Cloud ku nool, siina badanaya aan wax aan wanaag aheyn lagu arag wali.

Mr Hills wuxuu sii raaciyey " midab kala soocnimadan reer St.Cloud oo dhan maqabaane, koox yar ayaa sawir xun naga bixinaya" .

Koox Midabtakoor ah oo Raadsanaya Somalida
Lewiston, Maine - urur midab & yuhuudneceb ah ayaa doonaya hadda inuu abbaaro soomaalida ku dhaqan Lewiston GUJI

Waxaa soo turjumay

C/raxman Ceynte

St.paul, MN

Ceyntejournalist@attbi.com 

 

 KAYDKA WARARKA CEYNTE 

 

ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD