Aragtida uu Xoghayaha guud ee
SNF/SRRC, Abdi Dahir Hassen (Abdiyare-garabroor) ka qabo dagaalada ka socda
Gobolka Gedo, iyo sida uu u arko in uu xalku yahay.
Dagaalka ka socda Gobolka Gedo maxaa
dhaliyay, xalkuse maxuu yahay?
ABDI DAHIR HASSEN,
oo ku magac dheer (Cabdiyare-garabroor),
ahna Xoghayaha guud ee SNF/SRRC oo
hadda ku sugan Eldoret, Kenya - ayaa waxuu rabaa in uu halkaan kusoo
bandhigo qoraal uu kaga hadlayo 3 qodob:
1) Dulmar gaaban oo uu ku
sameynaayo guud ahaan dagaalkii sokeeye ee dalkeena ka bilowday sanadkii
1991-kii iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.
2) Waxyaabaha kalifay in Mareexaan uu hubka isu
qaato oo u kala jabo labada garab ee kala ah: SNF uu hogaaminaayo Col.
Cabdirisaaq Isaaq Biixi, iyo SNF/SRRC uu hogaaminaayo Mudane Maxamuud Sayid
Aden.
3) Iyo, ugu danbeyntii sida uu u arko in xal
waara iyo cadaalad loo siman yahay oo reer SADE dhexdiisa ah loo gaari karo.
Choose kaah for confidence, convenience
& competitive, rapid, reliable & responsive
|
Qoraalkii Cabdiyare-garabroor waa kan:
Asalaamu caleykum
Ugu horeyntii, waxaan halkaan ka
salaamayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba, salaam kaddib
aniga oo ku hadlaya magaca ururka aan Xoghayaha ka ahay ee SNF/SRRC ayaa waxaan
door biday in aan halkaan kusoo bandhigo 3 qodob oo kala ah:
1) Dulmar gaaban oo aan ku sameynaayo guud ahaan
dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1991-kii.
2) Sababaha dhalilay colaada maanta ka taagan Mareexaanka
dhexdiisa, gaar ahaan Gobolka Gedo.
3) Iyo ugu danbeyn sida aan u aragno in colaadaas iyo
isfahan la’aantaas Mareexaanka dhexdiisa ah aan uga gudbi karno.
HORDHAC
Bilowgii, sanadkii 1991-kii waxaa somalia ka
billowday dagaallo sokeeye, dagaalladaas oo soo maray marxalado badan,ayadoo ay
maalinba maalinta ka danbeysay kooxihii ama qabaa’iladii horay u mideysnaa ay
sii kala daadanayeen, kuwaas oo markii danbe u gudbay heer qabiil-qabiil,
koox-koox ama jilib-jilib isku dad iyo degaan ah in ay dagaal iskaga
horyimaadaan kaddib markay ayagu dantu is badday. Dagaalladaas foosha xun ee ay
dadkaas wada dhashay isaga horimaanayeen, gobollada dalka Soomaaliya isku si uma
saameyn, waxaana la oran karaa waxaa ka badbaaday Gobolada Waqooyi iyo
Waqooyi-Bari, marka laga reebo iska horimaadyo yar-yar oo goboladaas ka dhacay,
kuwaasoo aanan marnaba la bar-bar dhigi Karin tan ka dhacday Gobolada Koofureed
sida: Muqdisho iyo Gobolka Gedo.
Dagaalka 12 jirsaday ee soomaaliya waxaan ku
tilmaami karnaa dagaalkii Koofurta Soomaaliya ee Qarniga 21-aad, ilaa maantana
waxaa si gooni ah farta loogu fiiqi karaa Gobolada ay dagaalada ka dhammaan
waayeen: Banaadir, Shabeelooyinka, Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan.
Gobolladaas marka la isku wada daro waxaan ku magacaabi karnaa GOBOLADII DADKII
SHACABKA AHAA EE LA XUKUMI JIRAY xiiliyadii dowladihii soo maray dalka Somalia
oo dhan. Halka Gobollada Waqooyi, Waqoyi-bari iyo Mudugna aan oran karno waxay
ahaan jireen GOBOLADII WAX XUKUMI JIRAY ama dadkii dalkaan xukumi jiray ay ka
soo jeedeen.
Dagaallada dabada dheeraaday ee ka socda Gobollada Koofureed ee
dalka Soomaaliya waxaa saameyn weyn ku leh dad ka soo jeeda Gobolada xukunka
Soomaaliyed hayn jiray, kuwaasoo doonaya in uusan shacabka gacantooda ka bixin
kaddib markay ayaga deegaankooda xallisteen. Tusaale wanaagsan waxaa arrintaas u
noqon kara, haddii aan firinno hogaamiyayaasha iyo ciidammada gobolladaas u
dhashay ee maanta jooga Koonfurta Soomaaliya. Aan is weydiinee, ma jiraan ciidamo
iyo madax ka socda Gobolada Koofureed oo hadda ku sugan Gobollada Waqooyi, W/bari,
Mudug ama Galgaduud? Jawaabtu waa maya. Halkaas waxaad ka garan kartaa in
Soomaalida Koofureed aanay u madax banaaneyn in ay aayahooda u tashadaan.
Dhanka
kale, waxaa in la xuso mudan in aan wada ogaanno raadka iyo cawaaqib xumada uu
bulshada Soomaaliyeed ku reebi karo dagaalada iyo maamul la'aanta ilaa iyo
mudadaas 12ka sano ahayd dalka ka jirta. Waxaa la hilmaamay nooc kasta oo sharci
iyo kala danbeyn ahaa. Waxaa la qaddariyaa dadka danbiyada caadaystay cabsi laga
qabo awgeed. Waxaa sammeysmay caymis Qabiil, waxaana lugu kala xaq baxaa in aad
geysato danbi kii luguu gaystay la eg ama ka weynba. Haddii aad aragto shaqsiyad
jecel in wax laga qabto dhibaatooyinkii dhacay, waxaa mar walba ka awood badan
xintanka qabiil ee ku xisaabtamaya xumaan horay loogu geystay reer hebel,ama
kuwii ay horay u geysteen.
Haddaba arrimahaas kor ku xusan oo dhan markay is
biirsadeen waxay umadda Soomaaliyeed u jideysay in xummaanta la is faro
wanaagana laga fogaado. waxaa soo baxay jiil ku caqliyeystay dowlad la'aanta iyo
dagaalada sokeeye kuwaas oo aaminsan in waddada kaliya ee qaad iyo qado joogto ah
lagu heli karo uu yahay QORIGA, kuwaas oo aan wax shaqo ah ku lahayn berrito iyo
mustaqbal danbe toona. Waxaa deynka lagu kala qaataa qori ma leeyahay? Qeyr
laawana ma yahay?. Qaan wuu iska bixin karaa, qarash ma waaye ayaana loo yaqaan
dadka noocaas oo kale ah. Waxay aaminsan yihiin in ay yihiin kuwa ugu mudan
halganka ummadda lugu badbaadinaayo,oo midkii ku dhaawacma isbaaro uu jidka
dhigtay wuxuu ku xissaab-tamaayaa xuquuq ma dhamaato ah oo uu dadkiisa iyo
dalkiisaba ku yeeshay. Akhristow, waa la yaabe maxaa dadka qaab u fekerkooda
heerkaan gaarsiiyay? Waxaa gaarsiiyay colaadda iyo sharci darada baahday ee
maalinba maalinta ka danbeysa sii gaamureysay ee dalkooda ku habsatay. Xalka
dhibaatada heerkaas gaarsiisan, waa mid u taala qof kasta oo Soomaaliyeed ee
waxgarad ah ee waa in aad taas maanka galisaan.
Ugu danbeyntii, waxaan halkaas uga baxayaa HORDHACII ku saabsanaa heerka uu
maraayo xaalka guud ee gobollada koofureed ee soomaaliaya.
XAALADDA GOBOLKA GEDO
Sida aan horayba usoo sheegay, dagaalka dabada dheeraaday ee gobolka gedo wuxuu
dhibka la wadaagaa Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Waxaase cad in ay jiraan
dagaalo dheeri ah oo ku soo noq noqday Gobolka Gedo, sababtana qof walba si gaar
ah ayuu u fasiri karaa. Aniga aragtideyda waxaan u arkaa in dagaalka maanta ka
socda Gobolka Gedo sababtiisa ay tahay labadan qodob ee hoos ku qoran:
1) Loolanka awoodda gacan ku haynta
gobolka
2) Iyo, Siyaasadda mustaqbalka Soomaaliya
aragtiyada kala duwan ee laga qabo.
Labadaas qodob ayaa asal u ah dagaalka Gobolka ka dhammaan waayay,ayadoo cid
kasta ay mabda'eeda saaxiib kula tahay qaar ka mid ah qaybaha siyaassadda
Soomaaliya iyo waddamada deriska ah. Ayada oo ay taasi jirto, ayaa waxaan ilaa
iyo hadda weli dhicin in si cad la isugu yimaado oo laga wada hadlo qaabka
xuquuqda loo wadaagi karo iyo halka ay siyaasad ahaan danta umadda ku jirto.
Waxaa xaqiiqa ah in aanay meesha ka marnayn fara galinta dad kasoo jeeda
Goboladii xukunka hayn jiray oo qaar dadkooda ka mid ah ay dhalasho la wadaagaan
dadka reer Gedo,taas oo keentay in ay fududaato fara galinta dheeraadka ah ee
lagu hayo Gobolka.
Mar kale, waxaa marqaati cad u ah arrintaan aan kor ku
sheegay in madaxdii iyo hogaamiye-yaashii Mareexaan ee Gobolada Koofureed ay
ahaayeen kuwo ka soo jeeda Galgaduud. Waxaa kale oo aan soo qaadan karnaa
madaxda kooxda Carta ee Mareexaan oo iyaguna badankooda ka soo jeeda Mareexaanka
Galgaduudeed. Arkhriste, bal eeg dhibaatada ka dhalan karta hogaaminta madax
deegaan aysan u dhalan waxa laga garan karaa raadka ay ku reebtay Gobolka Gedo.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (rujaal laba qalbi ma yeelan karo). Marka aan
sidaas wax u fahano, waxaan oran karnaa eed kuma laha in ay ragaas (waa madaxda
reer Galgaduudeede) danaha gobolka G/Gaduud ka hormariyaan kan Gobolka Gedo,
balse waxaa meesha ka maqan hogaaminta madaxda Mareexaanka Koofureed, kuwaasoo
ayagu si toos ah uu xil uga saaran yahay ka fekerka danaha shucuubta ku dhaqan
Gobolka Gedo iyo sidoo kale Mareexaanka Koofureed oo dhan.
Warsaxaafadeedkii
Madax Dhaqameedyada Beelaha Marexaan ee G/Gedo GUJI....
[Agoosto 13, 2002]
Ninkii Diley Ugaas
Maxamed Ugaas Faarax Ugaas Cabdulle oo CaabuqWaaq Laguqisaasay
GUJI...
[July 12, 2002]
Gedo iyo Geedi Socodka nabada GUJI....
[ Aden April 27, 2002]
War-murtiyeedkii Mareexaanka
Gedo GUJI....
[Aden, April 7, 2002]
|
Tan kale, marka aan ka hadlayno loolanka awood qaybsiga,
waxaan tusaale u soo qaadan karnaa sida loogu kala gedisan yahay hanka awood
qaybsiga Gobolka. Maamulkii ka dhisnaa gobolka waqtigii uu mideeysnaa hogaankii
ururka SNF ee ay hogaaminayeen Cumar Xaaji iyo Dr. Cali Nuur Mukhtaar (alaha u
naxariistee), degmooyinka Luuq, Doolow iyo B/Xaawo ma jirin Qabiil laga qaaday
xilkii ay waqtigaa deegaanadaas ku lahaayeen oo qabiil kale lugu badalay,
waxaase jirtay qof masuul ah oo lugu badalay mid ay isku jifo ahaayeen.
Dhanka
kale, bal aan eegno wixii ka dhacay degmooyinka Garbaharey iyo Buurdhuubo.
Dadka Degmooyinkaas ugu badan oo ah Reer Faarax Ugaas iyo Reer Yuusuf waxay kala
lahaayeen labada xil ee ugu sareeya Degmooyinkaas. Reer Faarax waxay lahaayeen
Guddoomiyaha Garbahareey iyo Guddomiye ku xigeenka Buurdhuubo, halka Reer
Yuusufna ay lahaayeen Guddoomiyaha B/Dhuubo iyo G/xigeenka Garbaharey,waxaana
taas lagu bedalay in laga wada dhigo labada Guddoomiye iyo ku- xigeenada
labadaas degmo Reer Faarax kaliya. Taas waxay fasiraad ka bixinaysaa in
dadkaasi kuraastoodii la duudsiiyay in deegaankooda looga adkaaday mar haddii
xubnihii maamul ee ay deegaankaas ku lahaayeen xoog loogala wareegay, meeshaana
waxaan ka garan karnaa kala duwanaashaha dareenka uu dadku kala aaminsan yahay.
Waxaa xuquuq duudsigaas oo kale lagu sameeyay Degmada Baardheere oo markii la
dilay Guddoomiyihii hore ee degmada Dr. Xassen Ugaas lagu bedelay nin kale oo
reer Faarax ah. Aragtida ka danbeeysa weerarada lugu soo qaado mar kasta
degmooyinka Luuq iyo B/Xaawana kama foga in laga hirgaliyo fikir kaas aan kor ku
soo sheegay la mid ah.
Waxaa xusid mudan in hanweyninka iyo waxwalba isku
koobka ay jifadaasi caadeysatay aanay aheyn mid maanta bilowday ee waxaan oran
karnaa waa qalad ama wado ay jidaysay dowladdii kacaanka oo xukunkeedi sabab u
ahaa kala fogaanshaha iyo colaadda soo kala dhex gashay ummadda somaliyeed guud
ahaan, caddaalad darrada dhacdayna somalida kale ayaan la qabnay,waxaana Gobolka
ku soo ururay intii ugu badnayd madaxdii Mareexaan ee deegaannadii ay xukumi
jireen laga soo eryay,doonayana in ay wada xukumaan Gobolka ay ku soo qaxeen ee
Gedo. Waxaa iyana in la xuso mudan, dhaqan xummida ka dhalatay dagaalka dabada
dheeraaday ee aan horay u soo sheegay iyo dhiiri galinta dhaqaale darida uu
Gobolka caanka ku yahay oo sababtay in dhallinyaro badan oo shaqo la'aan ah ay
qoryaha qaataan nolol raadin darteed. Sababahaan aan kor ku soo sheegay ayaa ah
kuwa ugu muhimsan ee uu la istaagi waayay dagaalka Gobolka Gedo.
DERISYADA GOBOLKA IYO DAREENKA JIRA
Gobolka gedo wuxuu ku yaallaa geeska Koofur Galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna
xudduud la wadaagaa dalalka Geeska Africa ee Kenya iyo Ethiopia. Dadka Gobolka
Gedo degan waxaa kale oo ay deris wadaag yihiin qowmiyadaha kala ah:
- a) Daarood
- b) Digil & Mirifle, iyo
- c) Dirta Koofureed.
Dadka Gobolka ku nol waxay u badan yihiin dad reer guuraa ah,waxayna dano
ganacsi iyo daaqba la wadaagaan waddamada deriska ah iyo gobolada kale ee ku
dhow deegaankooda,sidaas awgeed ayaa dagaalka gobolka saameyn weyn ugu yeelan
karaa darisyada iyo dhowridda danaha guud ee ka dhaxeeya shacabka gobolka iyo
SNF/SRRC. Hogaanka SNF/SRRC, waxay isku aragti yihiin madaxda kale ee deriskooda
oo ku wajahan sidii danahooda dhaqan, bulsho iyo siyaasadba isku meel looga soo
wada jeesan lahaa. Halka garabka kale ee SNF uu jideeyay aaminsan yahayna in
colaad ay dhex marto derisyada gobolka, isla markaana siyaasad ahaan ku xiran
dad gobolka Gedo uusan ka dhaxeynin derisnimo,dhaqan iyo dano siyasadeed oo gaar
ah midna. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dadka reer guuraaga ah ee reer Gedo
ee ay mudddadaan danbe la soo deristay abaar iyo colaad, waxay badankoodu u
qaxeen ilaa iyo imankana ku nool yihiin deegaanada gobolada aan deriska nahay
sida: Bay, Bakool iyo gudaha waddamada Kenya iyo Ethiopia. Ilaah baa bad-baadiyaye,
waxay dadkaas reer guuraaga ah ku badbaadeen isku duubnaanta iyo dareenka
darisnimo wadaagga ah ee nagala dhaxeeya dadka aan deriska nahay sida gobollada
noo dhow iyo waddamada aan xadduudda leenahay.
WAA MAXAY XALKA?
Xalka rasmiga ah ee gobolka Gedo wuxuu ku xiran yahay xal guud oo loo helo dalka
Soomaaliya,waxaana ilaah ka rajaynayaa in xal kama danbeys ah Soomaalidu ay ku
gaarto shirka eldoret,kenya.
Xalka gaarka ah ee Gobolka Gedo wuxuu u yaalaa dadka Gobolkaas u dhashay in ay
ka wada fakaraan meel kasta oo ay joogaanba, gaar ahaan wuxuu xil ugu saaran
yahay hoggamiyayasha dhaqanka, siyaasadda iyo aqoonyahanada u dhashay Gobolka,
kuwaas oo meel uga soo wada jeesta xallinta qilaafaadka Gobolka, iskana ilaawo
xal u raadinta qaybo yar oo ka mid ah dadka iyo deegaanka Gedo, isla markaana u
midooba xal guud oo waara sidii lugu heli lahaa Gobolka Gedo, ayadoo muhimadda
la siinaayo midnimada Marreexaan. Qof kasta oo qaba feker kan ka badalan ama
dalka ka war qaba oo bixin kara xog dheeraad ah,waan soo dhaweeynayaa in uu
aragtidiisa ka hadlo, asagoo taabanaya Group, Qabiil, ama shaqsiyaad uu is
leeyahay qaladkooda bulshada waa lagu qancin karaa, waana in uu la yimaadaa
caddeymo buuxa oo lagu qanci karo. Sidaasi markii la yeelo oo si cad oo aan
leex-leexad laheyn loo doodo, waxaan qabaa in ay sixitaanka qaladaadka jira qayb
ka qaadan karto, waxaana sidaas u leeyahay cudur marka la garto ayaa daawadiisa
la helaa.
Qof kasta oo doonaaya in uu kasoo jawaabo ama uu aragti ka dhiibto qoraalkaan,
jawaabtiisa hakusoo aadiyo email address-ka hoos ku qoran.
Abdi Dahir Hassen (Abdiyare-garabroor)
Xoghayaha Guud ee SNF/SRRC
snfsrrc@yahoo.com
December 25,
2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
Aragtidii
Soomaalida ee 2001 ay ka qabeen Xabashida.....
com
|