SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MAQAAL

C/QAASIM FOODKII YAAD SIISAY?

Su’aashaan waxay ku habbooneyd in aan u dhigo sidatan: DKMG foodkii yey siisay? Waxaase cid walba ka dheregsantahay in Afrika dawladkasta uu xukumo ninkaliya, sidaa daraadeed ayaan buugga taariikhda waxaan rabaa in aan ugu qorno C/qaasim Salaad Xasan arrin xasaasi ah oo waqtiga dhow iyo kan fog ee ummadda Soomaaliyeed saameyn weyn ku yeelan doonta - Waa foodka ay dawladda Itoobiya ku dooneyso in ay uga mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha Midowga Afrika.

Taariikhdu ma illaabi doonto, shacabka Soomaaliyeedna ma cafin doono haddii C/qaasim uu foodkaas siiyo Gumeystaha Itoobiya. Marna ummaleyn mayo in C/qaasim hilmaansanyahay arrintaan, balse waxaan ka baqdin qabaa in cudurka xukun jaceylka iyo dhaldhalaalka dhow ee aan la garaneyn inta lagu waarayo ay hilmaansiiyaan cadaawadda iyo tabcada Itoobiya noo maleegeyso iyo niyadda xun ee xasadku iyo ihaanadu ku jirto ee Mele Zanawi nagula dhaqmayo, haddii aan nahay qaranka Soomaaliyeed.

Cabdiyow ma jirto xikmad ama xaalad ka dhigi karta lagamamaarmaan in codkaas aad Zanaawi siiso asbaabaha soo socda awgood:

1. Ninkaan iyo dawladdaan ballan iyo axdi midna ma leh, waana mid ay qireyso taarikhda dhow iyo tan fog labaduba.

2. Wax Itoobiya noola hartay oo ay nagu sameyn laheyd ma jirto. Way isku keen dirtay, way naqeybisay, way na ihaaneysatay, wayna noo talisaa haddeer si toos ah ama si dadban.

3. Lama aamini karo, waxkasta oo ballan ah oo ay kuu ballan qaaddo waxay kaaga baxaysaa maalinta aad foodka siiso maalinta ku xigta. Kolkaas iyana waxay rabtay way heshay adiguna meeshaad joogtay meel ka hooseysa ayaad tageysaa, waayo cadawgaagii ayaad awood dheeraad ah isu siisay!!

4. Haddii Itoobiya waydo xubinnimada joogtada ah waa arrin dan weyn ugu jirto Soomaaliya, waayo waan ognahay in Itoobiya mar walba ay caqabad ku tahay jiritaanka qaran Soomaaliyeed.

5. Waayitaanka Itoobiya ay weydo xubinnimada joogtada ah iyo Xarunta Midowga Afrika waxay wiiqeysaa culeyskii Itoobiya ku laheyd Afrika guud ahaan iyo Geeska Afrika gaar ahaan. Waana mid Itoobiya dhaxalsiin karta in ay ka dhacaan Cinqilaabyo iyo dagaal sokeeye - taas oo keeni karta in sharteeda iyadu isla aaddo, annaguna ka nabad galnno.

Haddaba waxaan C/qaasim, Xasan Abshir iyo xukuumaddiisa ku adkeynayaa in ay go’aan geesinimo leh ka qaataan arrintaan, Mele Zanawina u sheegaan in arrintaan Barlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed u taallo. Waxaan Baarlamaanka KMG ah iyo horjoogihiisa C/lle Deerow xusuusinayaa in shaqadoodu aysan aheyn in ay wax walba oo C/qaasim iyo Xasan Abshir rabaan ay u dhammeeyaan, waana in ay ku adkeystaan in arrimaha Masiiriga ah ee jiritaanka Qaranimo waxyeeleyn kara ay mowqif cad ka istaagaan. Haddii laga dul boodo waa in ay la socod siiyaan Shacabka ay magaciisa sitaan isna beriyeelaan. Arimaha noocaan oo kale ah waa in Baarlamaanku ansixiyaa mana aha in Madaxweyne iyo wasiirkiisa 1aad qalinka isaga duugaan.

Waxaan xusuusinayaa siyaasi kasta iyo qabqable kasta oo maanta qalad ka gala ummaddaan dhibaateysan in uusan ka fakan doonin qalinka taariikhda iyo miisaanka caddaaladda labadaba. Waxaad noolaataa waa maalmo, waxaad katagtaase waa ma guuraan, nin walbow magacaaga u nax, masuuliyadda aad heysana ha ku saxan ee iska shaqshaq inta aadan liqin cadkeeda.

Waxaan qoraalkeygii kusoo gunaanadayaa saddex maahmaahood oo aan anigu allifay intii aan qoraalkaan qorayey, lagase yaabo in kuwo lamicno ah suugaanta laga heli karo:

Nin weyn wax looma sheego, waxbaase la xusuusiyaa.

Siyaasadi waa tii danta guud ku jirto

Nin hooyadaa dilay haruub caanaa looma geeyo.

Waa mahadsantihiin dhammaan soomaaliweyn meelkasta aad joogtaan. C/qaasim iyo DKMG waxaan ka codsaneynaa in arrinta aan kor uga hadlay ay si deg deg ah go’aankay ka qaateen shacab weynaha Soomaaliyeed ula socodsiiyaan waayo waa arrin aad muhiim u ah saameyn weyna ku yeelan doonta jiritaankeeda.

Cumar Cabdinuur Nuux

omarabdinur@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: SOMALITALK.COM | AGOOSTO 12, 2002

MAQAALKA XIGA - GUJI  

 

Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
Bogga Maqaalada: www.somalitalk.com/maqaal
. GUURKA.&.GURIGA MUSLIMKA 
. DHIBAATOOYONKA QURABAHA |
. IS-XISAABI INTAAN LAGU XISAABIN
. GEERAAR ALLAH AMMAAN AH
. AHMIYADDA SALAADDA...
. QORAALADII WARDHEERE
. QORAALADII IBRAAHIM SAALAX..

NOLOSHII SAXAABIGA ABUU DAR AL QHIFAARI
Casharkii 23aad ee Saxaabadii Rasuulka (scw)
DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW
Casharkii 33aad ee Siiradii Rasuulka (scw) 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD