SOMALITALK.COM  | 

 Home        | Webs | Email | TellFriends | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

Socdaalka Cumar Yare (Wiilka Xiidmuhu Bannaanka Yaallaan) Looga Soo Qaadayo Soomaaliya oo Lagu Geynayo Australia

Halkan Ka daabaco QOraalkan (print) - doc  

Warar soo SomaliTalk kasoo gaarey Australia ayaa shaaca ka qaaday in Cumar Maxamed Muse oo ah saddexjirka Soomaaliyeed ee xiidmuhu dibada yaalaan laga soo qaadi doono magaalada Boosaaso oo loo keeni doono dalka Australia si loogu daweeyo.

Wiilka yar waxaa lagu qali doonaa (insha Allah) cisbitaal ku yaal dalka Australia, laakiin dhammaan kharashka ku baxaya waxaa laga rabaa Soomaalida. Kharashka ku baxaya wuxuu isugu jiraa:

  • Kharashka qalliinka dhakhtarka
  • Kharashka Socdaalka iyo celintiisaba
  • Kharshka inta dawentu ugu socoto Australia
  • khalashka la xiriira nolo maalmedkiisa inta uu joogo Australia maadaam aan waalidkiis la socon.

Waxaa shardi ah in dhammaan kharashkaas ay Soomaalidu bixiyaan inta aan la gaarin Janaayo 24keeda oo ah maalinta laga rabo lacataas. Sida ay gudiga Soomaalida ee isu xilsaaray gacan qabadka wiilkaas yar ay SomaliTalk soo gaarsiiyeen waxaa hadda kharashkaas ka dhiman $12,000.

Hadaba waxaan markale shacabka Soomaaliyeed halkan ugu soo bandhigeynaa ciida barakaysan awgeed in ay sadaqad hor Allah ah ula baxaan sidii ay kharashkaas  bixntiisa uga qayb qaadan lahaayeen. Waxaa wixii kharash ah lagu diri karaa xawaaladaha Soomaalida, waxaana lagu hagaajinayaa:

Magac: Sheekh Ciise Cabdo, Melbourne Australia

Faaf-faahin dheeraad ah waxaa lala xiriiri karaa Ciise Maxamud  Dhollowaa. Tel: 61 415 172 025  (Australia) ama Email: imfarah@students.latrobe.edu.au  

Socdaalka Wiilka Yar: Boosaaso ilaa Australia

Wiilka yar waxaa Soomaaliya ka soo kaxaynaya Ciise Dhollowaa, safarkooduna wuxuu noqon doonaa sidan:

  • December 9, 2002 Ayaa Ciise ka ambabaxayaa Australia si uu soo kaxeeyo Wiilka yar
  • December 10, iyo 11 waxa uu Ciise ku hakanayaa Dubai si uu u dhamaystiro Visada dal-ku-galka Australia ee wiilka yar, taas oo uu ka raadinaya Safaarada Australia ee kutaal Dubai.
  • Dedember 12 ayuu Ciise tegayaa Boosaaso
  • December 16 ayaa Ciise iyo Cumar Maxamed Muse (wiilka yar) kasoo ambabaxayaan Boosaaso
  • December 16 ayaa Ciise iyo Cumar Yare kusoo aaadan yihiin Dubai
  • December 18 ayey ku aadan yihiin Australia
  • December 19 ayaa Cumar yare cisbitaalka la geynayaa, halkaas oo lagu samayn doono baaritaan qaadanaya labo ilaa saddex maalmood
  • December 24 ayaa Cumar yare la qalayaa
  • Janaayo 24, 2003 ayaa Jaaliyada Soomaalida laga rabaa inay bixiyaan kharashka cibitaalka

Hadaba fadlan ka qayb qaado sidii wiilkaas yar looga bixinlahaa kharashka lagu daweynayo.

Dhambaal ay soo tebiyeen jaaliyada Soomaalida Australia waxay ugau mahadnaqeen Sheekh Ciise Cabdo oo gacan weyn ka geystey sidii wiilkan yar uu u heli lahaa dhakhatra daweeya, waxa kale oo jaaliyadu u mahadnaqeen Bootaan oo ah isku xiraha Soomaalida Dubai iyo Australia.

Bahda SomaliTalk waxay u mahadcelinayan Ciise Dhollowaa oo waqti qaali ah ku bixiyey sidii uu u soo qaadi lahaa ubadka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan kuwaas oo laga keenayo Soomaaliya lana geynayo Australia. Sidoo kale waxaan mahad ballaanarn u tebineynaa Dalka Australia oo Soomaalida u muujiyey saaxiibtinimo dheeri ah mudada ay Soomaalidu u baahantahay gargaarka, waxaan si gaar ah uga mahadcelineynaa sida ay Visayaasha dal-ku-galka ugu sahleen ubadka yaryar ee Soomaaliyeed.

Waxa kale oo aan u mahad celinynaa inta gacanta ka geysatey gargaarka ubadkaas yaryar.

Ugu dambayn waxaan markale xusuusineynaa dhammaan shacbka Soomaaliyeed in Cumar yare uu ka sugayo gacan qabad iyo taageero si uu u helo daweynta uu u baahanyahay. Fadlan wixii mucaawino ah ku hagaajiya xawaaladaha Soomaaliyeed, kuna hagaajiya: Sheekh Ciise Cabdo, Melbourne Australia, Faaf-faahin dheeraad waxaa lala xiriiri karaa Ciise Maxamud  Dhollowaa. Tel: 61 415 172 025  (Australia) ama Email: imfarah@students.latrobe.edu.au .

Halkan ka eeg qoraalkii Dhakhtarkii wiilka yar horay u arkay

Fadlan Halkan Ka daabaco Qoraalkan (print) oo u qaybi Soomaalida  

Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali
SomaliTalk Editor-in-chief
Canada/USA

 Eid 1423

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD