SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
WIIL YAR OO QALLIIN DEGDEG AH U BAAHAN

 Xiidmihiisii dibada ayuu yaal

wiil yar

Bahda SomaliTalk ee Australia waxay dadweyanaha Soomaaliyeed iyo caalamka kaleba u soo bandhigayaan wiilka yar oo gargaarka aadamino u baahan.

Cumar Maxamed Muse waa wiil 3 sano jir ah, kuna dhashay dhulka la magac baxay Puntland. Cumar wuxuu dhashay isaga oo aan lahayn meesha laga saxaroodo. Ilaahay amarkiisna meesha saxaradu ka soo baxdo maaney furayn. Sidaas darteed, ayaana dhakhtar gaar ah (private) ku samayey qaliin, nasiib darose meeshi loo furay si dhakhso ah ayey isugu dhegtey. Haatana waxaa saxaradu ka timaadaa xiidmihiisa oo loo soo saaray dibada. Sida sawirka ka muuqatan, xiidmihiisu dibada ayuu yaal, halkaas ayuuna saxarada ka dhigaa.

Wiilkaas Somaliyeed wuxuu u baahan yahay qaliin deg deg ah. Waxaana lagu talo jiraa in lagu qalo magaalada Melbourne, ee dalka Australia. Somalida degan Melbourne oo loo gudbiyey sawirkiisa dhawrkii asbuuc ee la soo dhaafay ayaa u qalqaalisay in halkaas la keeno. Waxaana ay ku guuleysteen in ay u helaan dhakhtar arimaha noocan oo kale ah ku takhasusay oo Cumar qalidoona sida ugu dhakhsaha badan, kadib marka la keeno.

Iyada oo taasi jirto ayaase loo bahan yahay dhaqaale arimaha Cumar lagu fuliyo. Waxaa loo baahan yahay lacag dhan US$10,000,00 oo kharjkiisa (qaliinka, safarkiisa, daaweyntiisa, iwm.) oo dhan daboolikarta. Baahidaas dhaqaalena waa mid aanay daboolikarin, Jaaliyada Somaliyeed ee Melbourne degan keligood. Sidaas darteed, waxaa laga codsanayaa dhamaan dadka Somaliyeed, meel kasta ha joogeene, in ay ka qayb qaataan caawimida Cumar Maxamed Muse. Waxaana jaaliyadaasi codsanayesaa in lagala qayb qaato badbaadinta wiilkaas yar, fadliga bishan Ramadaan darteed.

Sababta oo ah Cumar Maxamed Muse caafimaadkiisu aad iyo aad ayuu marba marka ka danbaysa uga soo liidanayaa. Hadii aan dhowaan arinkiisa wax laga qabana, noloshiisu halis ayey ku jirtaa. Sida aad argtaana, xiidmihiisii dibada ayuu yaal, jirooyin dheerad ahna in uu qaado waa suurta gal. Arinkaasina keeno dhaawac uu qabo oo hurguma, kadibna keena jiro aad u xun oo deg deg naftiisa khar gelinkarta

Ilaa hadeer, dad ka mid ah jaaliyada Somalida ee degan Melbourne ayaa isu xilsaaray arinkan, dhaqaale wixii awoododa ahna ururiye. Waxaana arinkan hormood ka ah Sheekh Ciise Cabdo iyo Ciise Maxamud Dhollowaa oo asbuucaan wiilka arimihiisa dhakhaatiirta u geynayey.

Cidii jecel in ay sadaqo la baxdo, fadlan haku soo direen cinwaanka hoos ku qoran sida ugu dhakhsaha badan;

Commonwealth Bank;
(BSB): 06 3102
Account: 10153965

Ciidii kale ee jecel in ay isticmaasho xawaaladaha (Dahabshiil, Dalsan, Amal, iwm.) Somaliyeed waa ay samaynkaraan. Han ku soo qoreen, magac Sheekh Ciise Cabdo.

Waxaan kujiraa bishii barakaysnayd ee sadaqadda ee fadlan ka qayb qaado gargaarka wiilkaas yar ee tabaalaysan.

Wixii tafaasiil ah oo dheerada ah, fadlan kala xiriira emailka ah;   Ciise Maxamud  Dhollowaa. Tel: 61 415 172 025  (Australia) ama Email: imfarah@students.latrobe.edu.au  

Hoos waxaa ku qoran Qoraalkii dhakhaatiirta Boosaaso ku arkay wiilka yar

MEDICAL REPORT

Ciise Maxamud "Ciise Dhollowaa"
Phone; 0415 172 025 (in Australia)
61 415 172 025 (outside of Australia)
 imfarah@students.latrobe.edu.au

Waxaa isku soo dubaridey 
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)
Minneapolis, Minnesota, USA

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Nov 19, 2002 | sixid: Nov 20, 2002


BOGGA GARGAARKA  CARRUURTA  EE DOLLOWAA

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD