SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
caydiid Fahad Yaasiin iyo Xuseen Caydiid, Eldoret, Kenyta
WARAYSI XUSEEN CAYDIID:

"ALITAXAAD IYO ALISLAAX WAXAY XIRIIR LA LEEYIHIIN ALQACIDA, CALI KHALIIF GALAYDH AYA FAAFIYEY IN AABAHAY XIRIIR LALAHAA USAAMA, ASKARI MAREYKAN AH MA’AHI HADA" Xuseen Caydiid

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | SomaliTalk.com

Waraysi meelo badan taabanaya waxaan kula yeeshay Hotelka "Sirikwa" ee uu ka socdo shirka Soomaalida, Xuseen Maxamed faarax "Caydiid" oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ah madaxda Soomaalida, waxaa ii sahlay kulankan xoghayihiisa Siciid Xuseen Siyaad, waxaana intii aan qaadayey wareysiga iwehliyey saaxiibkey C/Shakuur Cali Mire "Galeri" .

Waraysigan oo taabanayaa arimaha la xiriira shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, sidoo kale ma dhabbaa in argagixiso ay ku sagan tahay Soomaaliya?, oo uu "Caydiid" qabo in argagixiso ay ku sugan tahay Soomaaliya, mar wax laga weydiiyey in abihii uu xiriir la lahaa Usama waxa uu sheegay arintaa inuu faafiyey Dr. Cali Khaliif Galaydh, sidoo kale waxa uu taabanayaa arimaha ay kamid yihiin, xiriirka uu hada la leeyaay Itoobiya.

Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:    Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
    
fahad, caydiid, galeri

Bidix: Fahad Yaasiin, Xuseen Caydiid, C/Shakuur Cali "Galeri"


Somalitalk.com: waxaad nooga warantaa aragtidaada guud ee shirkan?.

Xuseen Caydiid: Marka hore shirkani waa mid ku yimid dhacdadii 11-September, waa mid ay ku heshiiyeen dhamaan dawladaha xubnaha ka ah Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa in Soomaaliya dawlada loo dhiso, waxaa ayana ka mid ah sababaha shirkan dawladahii gobalka ama dariska la’ahaa Soomaaliya oo dhibaato uga timid dawlada la’aanta Soomaaliya, taasoo keentay saamayn dhaqaale,siyaasad iyo mid nabad galyo, oo Somaliya oon dawlad lahayn dawladaha kale kaligood waxba ma qabsan karaan, xataa O.A.U. Ayaa dawlada la’aanta Soomaliya wax badan u qabsoomi waayeen, qodobadaii Lusaaka ayey ka mid ahayd in Soomaaliya dawalad loo sameeyo, iyagoo garawsaday in aysan hawlo badan usoconeyn ilaa inta laga helayo dowalad Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirkan keenay iyadoo dhamaan shirarkii kan ka horeeyey ay fashilmeen laguna guul daraystay, oo kii ugu danbeeyayna lamarin habaabiyey oo dadkii soo halgamay lala garab maray, waana dowlad lagu soo dhisay gacan ku rimis, taasoo keentay in shacabka Soomaliyeed uu diido, dawlad kastana aqoonsigeedu waxaa uu ku xiran yahay awoodeeda gudaha.

Sidoo kale waxaa shirkan sii kaabay shacabkii Soomaliyeed oo maantay diyaar u ah inay dawlada loo dhan yahay dhistaan, shacabkuna wuxuu ogaaday in dawlado yar sida Puntland, Somaliland, Salballaar, aysan waxba qaban karin, sidaas darteed ayaan shirkii sagaalaad ee madaxda dawladaha ku bahoobay IGAD ee lagu qabtay khartuum ka codsanay shirakan, waxaanan u soo jeedinay inaan hal dawalad kaliya gacanta loo galin maamulka shirkan ee ay sadexda dawladood ee aan dariska nahay maamulaan, sidaas ayaana lagu go’aamiyey in shirka lagu dhiso dawlad sugta nabad galyada guddaha iyo nabadda dawaladaha aan dariska nahay, waxana laga rabaa dowladda cusub iney saaxiib la noqoto dawladaha dariska ah, si aysan Soomaaliya u noqon hoy ama meel ay ku hardamaan argagixsada Caalamig ah iyo bulshada Caalamka, gaar ahaan argagixisada xiriirka laleh Alqacida, sida al Itixaadka oo kujira liiska argaixisada, arimahaas ayaa keenay in shirkan la qabto.

Waxaa maantay halkan jooga in kabadan 400 oo ergay ahaana dadkii matalayey shacabka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin iyo bulshadii rayidka ahaydba waa joogaan, waxaa kale oo maantay diyaar u ah xalka Soomaliya Siyaasiyinntii waawaynaa ee cuslaaday sida Cabdulaahi Yuusuf oo Madaxwayne Moi hortiisa ka sheegay inuu asagu bilaabay dhibaatada Soomaliya maantayna uu diyaar u yahay in xal lahelo, waxaan qabaa fikrad ahaan in maanta kaalinta loo baneeyo jiilka yar, maxaayeelay odayaashii hore wey duqoobeen waxaa larabaa dhiig cusub oo dalka maamula,

Somalitalk.com: waxaa jirta in adiga iyo rag kale oo ka tirsan golaha S.R.R.C. la idinku sheegayo inaad Cabdullaahi Yuusuf ku taageeraysaan inuu Madaxwayne noqdo, arintaas maxaa ka jira?.

Xuseen Caydiid: Waxaan qabaa inuusan shirku wali gaarin marxalad qof lataageero, marka hala gaaro xiligeeda ayaan ka hadli karaa, sababtoo ah nooca dawlad-nimo ee larabo waa inaan ogaanna kadib ayaan gaari karaa tafaasiishan..

Somalitalk.com: Haa laakiin Cabdulaahi B.B.C.da. Ayuu ka sheegay inuu musharaxnimo u taagan yahay?.

Xuseen Caydiid: Cabdullaahi oday Soomaaliyeed weeye, oo muwaadin ah, marar badanna rabay inuu is sharraxo sida shirkii Qaahira inkastoo uu markii danbe kabaxay laakiin waxaan idin leeyahay arintaas wali lama gaarin.

Somalitalk.com: adigu shaqsiyan maka faa’iidaysanaysaa fursadan maantay oo ma is sharaxaysaa?.

Xuseen Caydiid: anigu waxaan maantay rabaa in dalkaygii nabad ka dhacdo oo xukun uma ordayo laakiin aan ogaanno sida wax noqdaan marka laagaaro wajiga sadexaad ee shirka iyo waxii kadanbeeya .

Somalitalk.com: waxaan ognahay inaad dawlada Ethopia iska soo horjeedi jirteen hadana waxaan lasoconnaa inaad xiriir fiican leedihiin, marka maxaa isbadalay ma Ethopia ayaa kuu fiicnaatay mise adigaa is badalay?.

Xuseen Caydiid: Horta anigu waxaan ahay nin aamin-san Pan africanisim, meel aan anigu shaqsi ahaan Ethopia uga soo horjeedayna majirin, oo adiga ayaa lagaa rabaa cadaynteeda, wax guud oo mar na dhex maray ayaa jiray, waana ka heshiinay, nimankan Ethopia xukama ee E.P.R.D.F. Waxay ladirireen boqor-tooyadii Xayle Salaase iyo xukuumadadii Mingeste, ayaguna waxay ahaayeen niman laga taageero Jamhuuriyada Soomaaliya, waxayna tababaro ku qaateen Soomaaliya, anakuna waxaan ridnay xukunkii kaligiis taliskii, marka waxay ahayd inaan iskaashanno, wax badan ayaa naga dhexeeya Ethopia isku dhaqan ayaan nahay, kushitig ayaan isku nahay, 36 milyan oo muslim suni ah ayaa ku nool.

Ethopia Nabigeena ayaa u duceeyey, Ethopia waxaa u soo hijrooday saxaabadii, annaga diinta noogama imaan Carab, waxay naga soo gashay dhanka Ethopia, gaar ahaan dhanka Harar, marka waa inaan wax wada qabsannaa, nabad galyada kawada shaqaynaa, gurmadkaas waxaa bilaabay walaalheen Ethopia, waxay soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed, waana uga mahadnaqayaa, waxay isku dayeen shirar badan oo dib u heshiisiinneed oo dalka Ethopia lagu qabtay, sidaas darteed waa inaan iskaashannaa, lana wada dagaallannaa faqriga iyo abaaraha, yeelannaana siyaasada mid ah, kana shaqaynaa sidii ay diimuhu ugu wada noolaan lahaayeen geeska afrika si nabad.

ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) -- If Somali warlord Hussein Mohamed Aidid is to be believed, Somalia is crawling with terrorists. [Jan 25, 2002]
``The Islamic terrorists already control the economy,'' Aidid said during a recent interview at the hotel in neighboring Ethiopia where he has been holed up for two months. ``They control the ports and all the exports ... They are preparing for the introduction of Islamic rule.''
So far, the United States has shown no indication it buys Aidid's dire scenario, and most outside analysts are skeptical of it. 
Aidid is the son of Mohamed Farah Aidid, the warlord who became America's most-wanted Somali when U.S. troops were in the country in the early 1990s.
Aidid grew up in California and served in the U.S. Marines. He went to Somalia as an interpreter with U.S. forces protecting U.N. food convoys in the early 1990s, then returned to assume the mantle of his father.
So far, the United States appears to be keeping Somalia's faction leaders at arm's length, Source: Click here ... Jan 25, 2002

Somalitalk.com: waxaad sheegatay in dalka ururo argagixiso ahi ka jiraan, maxay tahay cadaynta aad u hayso ururdaas ka jira dalka?.

Xuseen Caydiid: wey joogaan ururuda argagixisada ah dalka, Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Gedo, Kudhaa, iyo Laasqaray ayey joogaan, waana ururo jira oo layaqaan anigoo yar ayey jireen, wax hadda abuurmaya maahan, waagii aan yaraa waxaan xasuustaa Masajiddii iyo guryihii ay ku shiri jireen, wax hadda abuurmay maahan, annagu dad muslim ah ayaan nahay ururrada Alislaax iyo Alitxaad hadaba wey joogaan, xiriirna way laleeyihiin argagixisada, oo si caadi ah ayey isaga joogaan, ganacsadaan, dadka wax ku baraan, Diinta ayey faafiyaan, waxba uma qabno.

Waxaan kaliya kula talinaynaa ururadaas inay gooyaan xiriirka ay la leeyhiin ururda argagixsada ah, waxaan ka codsaneynaa Itaxadka iney jaraan xiriirka ay laleyihiin Alqacida, hadda oo aan isla fadhinno saakay waxaa Mombasa ka dhacay qarax ay geysteen ururo argagixiso ah, waxay wax yeeleeyeen dad aan danbi qabin oo Israa’iiliyiin ah iyo dadkale, hadaba waa in aysan Soomaaliya noqon Afgaanistaan.

Somalitalk.com: waxaan xusuustaa adigoo dhaha Soomaaliya argagixiso ma joogto hadda miyey dalka timid?.

Xuseen Caydiid: wey joogtay laakiin intaas waxaan la aamusneyn inaan xal raadinno, waana weynay xalkaas.

Somalitalk.com: wax xiriir ah mala sameysay ururadan Islaamiga ah ee kajira Somaaliya?.

Xuseen Caydiid: maya wax xiriir ah lama samayn, ururada Alitaxaad iyo Alislaax,

Somalitalk.com: ma jirtaa cadayn lagu qanci karo oo aad u hayso iney argagixisdu joogto Soomaaliya?.

Xuseen Caydiid: Soomaliya wakhti dheer ayey joogeen argagixisadu, anigu madhalan markii uu hayey hamiga ah iney xukumaan Soomaaliya, M.S.Barre wey ridi rabeen waase looga hormaray, Madaxweyne Mubaarak waa tii ay ku dili rabeen Adis-Ababa, waa tii ay gado ka weerari jireen wadamada dariska ah, Qandahaar qaar Soomaali ah ayaa ku dhintay, Madaxweyne Butin ayaa fariin iiga soo diray Mosko intaan joogay Adis-Ababa oo ii sheegay in xabsiyada Mosko ay ku jiraan wiilal Soomaali ah oo laga soo qabtay Jejniya iyagoo ka dagaalamaya.

Somalitalk.com: ma arin dhab ahbaa in Soomaali ay ku xiran tahay Mosko?.

Xuseen Caydiid: hadaad rabtaan arintaa xaqiiqadeeda taga Mosko, oo soo booqda xabsiyadeeda adinkaa soo heliya dhabta.

Somalitalk.com: sida aad la socoto dowladaha leh waxaan la daagalameynaa argagixisada, waxay difaacayaan dadkooda, adiga waraysiyo badan oo aad siisay warbaahinta waxaad sheegtaa in Soomaliya ay joogaan argagixiso taas sow shacabku u arki mayaan in aadan dan kalahayn shacabka Soomaaliyeed?.

Xuseen Caydiid: 10 bilood waxaan u joogay Adisababa waxay ahayd inaan ka hortagno weerar lagu qaado Soomaliya, dowlada Itoobiya ayaana arinta qayb weyn ka qaatay, iyadoo ka cabsaneysa in Soomaaliya la soo weeraro ayey sameysay ka hortagyo badan, waxaana ku guuleysannay in aan Caalamka ku qancinno in argagixisada joogta Soomaaliya annaka naloo daayo oo dawlad naloo dhiso si aan wax uga qabanno argagixisada, Aabahayna waa kii kula dagaalamay Argagixisada inta u dhaxaysa Buundad Araare iyo Marka, kuwaan hadda kulahaa Afgaanistaan ayey ku dhinteen waxay ka yimaadeen Iskaandanee-fiyaanka.

Mana rabno in shacabka loo geysto dhibaatadii UNISOM oo kale, shacabka Soomaaliyeed waxaa uu Taariikh u lahaa inuu ka hortago argaixisada, waa lawada og yahay markii la soo afduubay diyaaradii Germeny sidii layeelay, maalin dhawayd waxaa ii yimid Dublamaasi Jarmal ah, aad buu arintaas ugu dheeraday, waxayna rabaan Jarmalku haddii dawlada ladhiso inay dhanka Booliska naga caawiyaan .

Somalitalk.com: waxaa jirta in badan la sheego in aabahaa ciidamaddii uu hogaminayey iyo kuwii UNISOM ee Marayakanku hogaaminayay, markii ay isku dheceen oo dagaalamayeen in uu Aabahaa taageero ka helay ururo Islaami ah, Saxaafada qaarkeedna waxayba qortaa inuu Osma Bin ladin ahaa ciddii taageeraysay, waliba Usama wuxuu sheegaa in Askartii Maraykankan ahaa ee lagu laayey Soomaliya ay lug ku lahaa, arintaas maxaad ka leedahay?.

Ranger recalls 'insane,' deadly Somalia mission: (CNN) -- Before there was Afghanistan, there was Somalia -- and the U.S. military's first "battle" with forces linked to al Qaeda,... On October 3, 1993 .. Click here

Anigu nin yar oo dhalinyaro ah oo siyaasi ah ayaan ahay
shir kana waa kii u dambeeyey oo Soomaali loo qabanayo: Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo u waramayey radio Sagal dhegeyso
 

Xuseen Caydiid: arintaas ma’ahan arin sal iyo baar leh, waa arin ay faafiyeen rag uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh, ma jirto arintaas anigaaba lasocday Ciidamadii Maraykanka, wayna ogyihiin inuusan Aabahay wax xiriir ah la lahayn ururro Islaami ah, xilligaas ay Ciidamadii U.S.C. ee General Caydiid hogaaminayay iyo kuwii UNISOM ay dagaalamayeen, Osama waxaa uu ku jiray dagaalkii lagu la jiraya Shuuciyada, Maraynkuna markaas waxay taageerayeen oo tababaro siinayeen Osama, markaas kadib Osama Suudan ayuu u soo wareegay 1996., Markaasna waa xilligii uu Gen.Caydiid dhintay Allaha unaxariitee.

Somalitalk.com: waxaan ognahay siyaasada inaad soo gashay kadib geeridii aabahaa. Adiguna nin da’yar baad tahay, haddii ay kugu jirto inaad ka qabato jago dalka, maxaad is dhihi kartaa wey kugu aamini karaan shacabka Soomaaliyeed.

Xuseen Caydiid: waxaan ahay nin Soomaali ah, oo muslim ah, waxaa la igu aaminkaraa middii la igu aaminay markii labo casho kadib geeridii aabahay la’iidoortay inaan noqdo Madaxwaynihii Salballaar oo ahayd jacayl iyo rabitaan la hayey, waxaan ahay nin nabadeed, waxaan mudo yar kadib markii la’idoortay Xamar ka qaaday khadkii cagaarnaa, waxaanan heshiis buuxa Nairobi kula galay Mudane Cali Mahadi, waxaan sidoo kale soo afjaray coladdii ka oognay koofurta Muqdisho, waxaanan la heshiiyey hogaamiye Cusmaan Xasan Cali "Caato", waxaan ahaa dadkii taageeray diidmadii uu shacabku diiday shirkii Boosaaso ee ahaa mirihii "Soodare" sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waxaan loo dhamayn waligood maqaataan,

Waa tii aan Qaahira aadnay anigoo hogaaminayey wafdigii dawladdii Salballaar, oo an meel la fariistay raggii ugu waaweynaa siyaasada Soomaaliya, sida Zoobbe iyo rag lamid ah, markaan xagga tagnay waxay kaliftay inaan iska casilo Madaxwaynimadii Salballaar anigoo tixgalinaya danta caamka ah, waxaa taas xigtay inaan Ethopia Octo 1999. heshiis lagalay ayna garawadeen ka ahayd dawlada Liibiya, dalka Liibiya laftiisa magaalada Sirti waxaan heshiis ku wada galnay Oday Cabdulaahi Yuusuf, waad ogtihiin inaan hadana tagnay Hawaase oo aan kusoo dhisnay gollaha S.R.R.C. Kaas oo keenay inaan heshiis gaar ah wada galaan USC/SNA iyo Jabhada R.R.A. Sidaas ayaanan Baydhabo ku tagay,

Waa tii aan soo celiyey xiriirkii saaxiibtinimo ee aan la lahayn Itoobiya, hadda shirkan oo aan joogno waxaan ka shaqeeyey tanaasul farabadan, T.N.G. waa taan u deynay magacooda, 7 Sano oo nabad ah ayaan soo shaqeeyey, halkanna waxaan u fadhiyaa in xal lahelo oo la unko dowlada Soomaaliyeed, marka anigu qaab noocaas ah oo taxane ah oo nabadeed ayaan ku soo shaqaynayey, waxaanan u yeeshay waayo-aragnimo, marka waxaan filayaa in la igu aamini karo intaas aan soo sheegay.

Somalitalk.com: waxaad saxiixdeen in Soomaliya laga dhiso dowlad Fadaraal ah, taas miyaan lagu macneyn karin in dalka loo kala qaybiyo gobollo kala go’go’an oo aan awood lahayn?.

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya! C/Risaaq Xaaji Xuseen  wuxuu ka yiri markii uu u waramayey Somalistar.... GUJI.... 

Xuseen Caydiid: Fadaraalka waxaa ku dhisan dowladaha ugu waaweyn dunida sida Maraykanka,Yurub, iyo Itoobiya, Fadaraalka wax xun ma’ahan, yaan loo maleyn inuu Fadaraalku yahay qabiil ama sidii Land, Land oo kale, hadana waxa la saxiixay waa mabda’iyan uun, dooddiisa waa dhiman tahay, Soomalida dagaalka u dhexeeya inta badan waa mid ku saleysan loolanka u dhaxeeya Kaluumeysatada iyo Xoolo-dhaqatada, hadda dagaalka Puntland waa saas, R/Bari oo Kaluumeysato ah iyo R/Mudug oo Xoolo-dhaqata ah yaa isku haysta, waxaa soo raaca Beeraleyda oo iyaguna abuura caloodo, kan hadda Baydhaba ka socda saas ayuu ku saleysan yahay, marka waa in loogu qaybiyaa si cadaalad ah khayraadka dalka.

Somalitalk.com: intii uu socday shirkan Eldoret markii aad isku haysateen in D.K.G. loo qoro magacaas, waa tii uu kuu yeeray Safiirka Maraykanka oo 5 Daqiiqo banaanka kula taagnaa maxaad isu sheegteen?.

Xuseen Caydiid: wax khaas ah isuma sheegin, madaxdii aan is arkeynay ee aan la kulmeynay ayuu kamid ahaa, mana jirin wax gooni ah.

Somalitalk.com: waxaa jira in hadda qaar kamid ah S.R.R.C. ay u safrayaan Itoobiya halkaasna ay ku shiri rabaan, maxuu yahay safarkaas adiguse ma’aadeysaa?.

Xuseen Caydiid: warkaas waxba kama jiraan, qof baxayana ma jiro, ninkii Itoobiya raba halkan ayey joogtaa, madaxdii dunida oo dhan halkan ayey ku dhan yihiin, marka aniga ii ma muuqato sabab keeneysa in hadda Itoobiya la aado.

Somalitalk.com: sida aan lasocono waxaad ahaan jirtay Askari ka tirsan Ciidamada Marines-ka ee Mareykanka, wali ma tahay Askari Mareykan ah.

Xuseen Caydiid ma Askari Mareykan mise Hogaamiye Soomaaliyeed? WQ. Maxamuud Y. Garre 

Xuseen Caydiid: AH AH AH. waxaa idin ka khaldan fahamka Askarinimada Mareykanka, Askari-nimada Maraykanku waxay lamid tahay shaqo aad heshay, waana shaqo wakhti ku xiran oo mar walba kaa dhacaya, hadaad rabtana laguu cusbooney-siinkaro, aniga markii aan qoranayeyna waxaan ka rabay inaan isaga bixiyo waxbarashada, shaqada Askarinimada waxaan ka tagay 1993. kadibna kuma aanan noqon.

Somalitalk.com: Soomalida wareysigaagan ka akhrisan doonta Somalitalk.com ee dibadaha ku nool maxaa fariin ah oo aad u tabineysaa?.

Xuseen Caydiid: waxan kula talinaya iney wakhtigooda dibada ka faa’iideystaan, aniga 17 Sano ayaan ku noolaa Maraykan, wakhtigeygana dhamaan waxbarasho iyo shaqo ayaan ku dhameystay, waxan madax ka ahaan jiray gudiyada ardayda ee Jaamacadaha, sidoo kale waxaan caawin jiray dadka ku cusub dalka ee ka yimaada Soomaliya ama meelo kale, U.S.A. wax barsho ayaa taala qofkii ka baranaya, marka maanta dalka aqoon ayuu u baahan yahay, qofkii wax soo barta ayaa dalka anfacaya. 

I  I  D  H  E  H

Xaaskeyga Ayaan Cali Xaashi Jaamacad ayey ka dhigataa U.S.A. caruurteydana halkaas ayey ku nool yihiin, aabahay markii aan dhoofayey wuxuu igula taliyey inaan ilaaliyo dhaqanka iyo diinta, wuxuu igu yiri qofkaa rabto la saaxiib laakiin ka guurso Soomaali, marka dadka dibadaha jooga waxaan leeyahay ku soo laabta dalkiina adinkoo wax yaqaan, kuna tala gala inaad dhistaan dalkiinna.

W/waraystay:

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

editor@somalitalk.com 

SomaliTalk.com | December 6, 2002

 . Waraysigii Fahad ee Qanyare.... GUJI

. Waraysigii Fahad ee C/Qaasim...... GUJI...

"C/Qaasim wuxuu ku fiicnaan lahaa inuu Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo xilli ay Dawlad horay u jirtay ee ma’ahan Ninkii hadda" Fahad yaasiin.. Guji  

/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD