FIQI TOLKIIS KAMA JANNO TAGO
Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa"
| Qoraa iyo saxafi soomaaliyeed
Borlänge, Sweden |
haldhaa35@hotmail.com
Waxaa yaab iyo fajac igu
dhaliyay markii aan arkay maqaalkii ahaa "Prof. Cabdi Samatar oo diiddan
ogolaanshaha Dr. Cali Khaliif Galaydh in uu Wax ka dhigo Jaamacadda Minnesota".
Markiiba waxaan ku degdegay inaan maqaalka hoos ugu dhaadhaco oo guntiisa ogaado.
Waxaan filayay in diidada Prof. Samatar ay ka danbaysay la tashi lala yeeshay oo
wax laga weydiiyay shaqaalaynta Dr. Ali Khaliif. Nasiibdarrose taasi maysan
dhicin. Isagoon waxba laga weeydiin ayuu isku dayay inuu Dr. Ali Khaliif
fursaddaas ka hor-istaago, isagoo weliba dhaleecayn fool-xun u gaystay.
Waxyaalihii uu Prof. Samatar ku
eedeeyay Dr Cali Khaliif waxaan kadi ahaa " Dr Galayr wuxuu leeyahay
sooyaal magac xumo dheer bulshada dhexdeeda, taas oo ugu danbeyna wax gaarsiin
karta sumcadda machadka & jaamacada minnesota" Wuxuu kaloo eedeeyay in
Dr Cali Khaliif uu Lunsaday lacag gaareysa hal milyan oo doolarka mareykanka ah.
Diidmadaas aan waxba laga weeydiin
iyo dhaleecayntaas uu Prof. Samatar kula kacay Dr Cali Khaliif way iga degi
weyday. Sababtoo ah arriin ana waxba lagaa weydiin soo dhex-galkeedu waxay ila
tahay, wax aan fiicnayn. Haddii isaga wax laga weydiin lahaa, dee siday latahay
uun buu ka odhanlahaa. Lakiin taasina ma aysan dhicin.
Haddaba waxaa is weeydiin leh,
haddiiba uu Dr Cali Khaliif lunsaday lacagtaas uu sheegayo, Ma Prof Samatar ayaa
lacagtaas iska lahaa, mise qaran soomaaliyeed ayaa iska lahaa ?!. Waase maxay
sababta ku kalliftay Prof. Samatar inuu ku kaco labo arrimood oo aan fiicnayn.
Kuwaas oo kala ah; Xaasinido uu ka xaasiday Dr. Cali Khaliif inuu fursaddaas
helo iyo dhaleecayn iyo ceeb marmarin shaqsi kale?!.
Inkastoo aanan jeclaysan falka
uu Prof. Samatar ku kacay, anigoo aan difaacayn Dr. cali Khaliif, haddana dhinac
fiican ayuunbaan ka eegay. Waxaanan is idhi "Prof.
Samatar wuxuu doonayay uun in dadkii dembiyada ka galay soomaaliya eedahooda
dusha looga rido, dadkana la tuso xumaantooda".
Nasiib-darrose malahaygii ma
rumoobin. Arrintu intaas wey ka weeynayd. Malaha wax kalaa jiray?!. Haa wax
kalaa jiray. Waxayna soo baxeen wixii kalee jiray taariikhdu markii ay ahayd
Agoosto 16, 2002, shirkii ardada soomaalida ee Minnesota, markii uu Prof.
Samatar kahadlay jaamacahada Hargaysa, Xamar iyo Camuud oo uu tii Boosaasana
sooba hadal qaadi waayay. Deedna qaar mooday inuu hilmaamay, intay weeydiiyeen
uu ugu jawaabay "Hinaase waa
jiraa, Daar waa la furi karaa... "
Arrintu soomay noqon "Hooyadeen
maxaad ku ogayd? Indho la’aan. Dad cunnimana wey ku darsatay"
Erayadan qallafsan ee aan ruux
heerkaas jooga kaba soo bixi karin, markaan arkay ayaan go’aansaday inaan
Prof. Cabdi Samatar u jawaabo. Intii aanan jawaabinna waxaan marka hore isku
dayay inaan Prof. Cabdi Samatar e-mail u diri si aan uga xaqiiqsado inuu
erayadaas yiri iyo in kale. Laakiin Prof. Cabdi Samatar wax jawaab ah kamaan
helin. Mana garanayo inuu e-mail-kii aan u diray uu sax ahaa iyo in kale.
Maalintaan e-mail-ka u diray maalinteedii kale ayaan maqaalkan qoray, anigoo aan
weli wax jawaab ah ka helin.
Markaan maqaalkan qorayay
waxaan ugu horrayntiiba is-weeydiiyay "Waa kuma Prof.
Cabdi Samatar?. Maxaase arrimahan ku kallifay?". Deedna waxaan ku
eegay indho aqoonyahan iyo caalamka casriga ah indhahood. Indhahaasoo ka fog
qabiil, aqoonta iyo wax-barashadana guubaabiya, ee aan dhaleecayn. Lakiin
indhahaas waan ku arki waayay Prof. Cabdi Samatar. Sababtoo ah haddii uu yahay
nin aqoonta guubaabiya jaamacadaha kalana ma uusan ammaaneen, Jaamacadda
Boosaasona si kastaaba ha loo aasaasee ma uusan dhaleeceeyeen jiritaankeeda.
Mana uusan yiraahdeen "Hinaase waa jiraa, Daar waa la furi karaa…"
. Iyadoo aannu ognahay baahida aannu maanta u qabno in wax-barashada lagu
tartamo oo lagu xintamo, meesha qorayaha iyo hubka lagu tartamayo.
Midda kale erayga "Hinaase"
oo koonfurtna ka ah "Masayr" dhaqanka somaalida ragga
ama ummad dhan looma adeegsado, ee waxaa hinaasa ama masayra haweenka lala
guursado. Boosaasana Xamar, Hargaysa iyo Booramaba waxay uga hinaasto anigu garanba maayo. Haddaanay ka wacnayna, kama liidatee. Markaan sidaas leeyahayna
anigu Boosaaso dhalasho iyo degaan tooma uma lihi. Xitaa reer Puntland maahi.
Markaan indhii aqoonayahana
casrigan ku arkiwaayay, ayaan haddana ku eegay indhaha soomaalida diiraddoodu ay
qabiilka ahyd. Markan waaba Prof. Cabdi Samatar oo weeyn oo aan caad saarnayn.
Sababtoo ah dhowr todobaad ka hor shirkan ardayda Soomaalida Minnesota wuxuu
dhalada ka saarnaa oo uu dhaleecaynayay Dr. Cali Khaliif. Kadibna oo ka soo
jeeda Puntland. Wuxuu kaloo Hinaase iyo daar layska dhistay ku sheegay
jaamacadda Boosaaso. Kuwii Xamar, Hargaysa iyo Booramana wuxuu ku sheegay kuwo
dhaqan wanaagsan iimaan sugan lagu dhisay.
Haddaba maxaa keenay in Dr.
Cali Khaliif la weeraro, jaamacadda Boosaasana la caayo?!. Waxaan qabiil ahayn
ma ku sheegi karnaa?!!. Mase oran karnaa Prof. Cabdi Samatar wuxuu ku sifoobay
maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd "FIQI
TOLKIIS KAMA JANNO TAGO"
Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa"
Qoraa iyo saxafi soomaaliyeed
Borlänge, Sweden.
haldhaa35@hotmail.com
9/2/2002 | Faafin: September 9, 2002
DOODFURAN: ARAGTIDII
DADWEYNAHA EE HADALKII Pr. SAMATAR:
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
.
|