SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
  wardheere

Warqad uu Wardere u diray Amnesty International oo loo bedelay af Soomaali.

waa xil saaran Amnesty International inay booqato oo u hadasho afarta Soomaalida ee ku jira xabsiga Mombasa Kenya.

Amnesty International oo loo soo gaabiyo AI waa hay’ad loogu talo galay inay ka shaqayso xuquuqda aadanaha ee caalamka iyo inay booqato maxaabiista xiran gar ahaan kuga siyaasadda u xiran ama kuwa lagu xad gudbo si ay u soo bandhigto jirdil iyo wixii loo gaystay iyo inay u doodo dadka aan codka lahayn.

Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
    

I  I  D  H  E  H

Hase yeeshee marka la fiiriyo Somaliya AI shaqadeedii ma qaban umana hadlin dadka dulman ee Soomaaliya in badan. Anigoo aanan dafirayan inay dhowr goor ka hadleen ama tababaro siiyeen dad Soomaaliya ayaan haddana leyahay hawshaasi waa 10% intii loo baahnaa.

Labo iyo tobankii sano ee u danbeeyay Soomaaliya ma lahayn dawlad ka wada mas’uul ah dalka oo dhan oo ilaalisa nidaamka iyo sharciga iyo xuquuqda bulshada. Dalku wuxuu galay dagaal sokeeye iyo bur bur iyo dawlad la’aan. kumanaan qof bay dileen kooxo iska soo horjeeda oo hubaysan malyanna waa qixiyeen. falalka loo gaystay dadka Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa dil, dhac, ciqaab, qaxooti la xumeeyay, kufsi la kufsaday haween iyo gabdho caruur ah intaba, dad la waayay, iyo qafaalasho ama madax-furasho.

Amnesty International waxay samayn kartay inay isku daydo inay joojiso ama ka hortagto ku tumashada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaysay Soomaaliya ama cod dheer adduunka ku gaarsiiso waxa halkaas ka dhacaya hase yeeshee indhaha ayay ka qabsatay sidaas darted ayay dadka Soomaaliyeed maanta ku tiriyaan Amnesty International taariikhda bogga madaw. Inkastoo ay AI jirtay ilaa 1961 haddana xaggee jirtay markii dadka Soomaaliyeed ay u baahnaayeen?. Dadka Soomaalida waa ay ka bixi doonaan dhibaatada dawlad la’aantu keentay waana ay kala garan doonaan kuwii wax taray iyo kuwii ka seexday!.

Baaqii Amnesty International oo Afsoomaali Loorogey
Tarjumadii Abdulfatah M. Abdulle ... GUJI
[19/11] 

Dhambaalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Afsoomaali loorogey
Tarjumadii Axmed F. Cali idaajaa

AI haddii ay rabto inay muujiso inay ka naxayso dhibaatada dadka Soomaaliyeed soo gaartay ama ay u hadasho dadka codkeeda u baahan ma ahan inay qas iyo hanjabaad la tagaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Eldoret, Kenya, halkaas oo uu ka socdo dadaal wayn oo ah dib u heshiinta umadda Soomaaliyeed. Hanjabaadaas oo loo arki karo is tus-tus ee waa inay muujiso waxqabad dhab ah iyo inay u hadasho dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysay oo xuquuqdooda lagu xad gudbo had iyo goor hana ka bilowdo inay xabsiga ku booqdaan afarta qof ee Soomaalida oo lagu hayo xabsiga Mombasa, Kenya

Afartaas qof oo la yiri dalka Kenya ayay sharci darro ku soo galeen ( Soomaaliya weli dawlad ma leh dagaalona waa ka dhacaan dadkana waa ka qaxaa) ayagoo xabsiga ku jirana ayay argagixiso qarxisay hotel ay lahaayeen Israa’iiliyiinta oo Mombasa ku yaalay gantaalna ku tureen diyaarad ay leedahay Israa’iil oo ka duulaysay Mombasa isla markaasna 12 qof ayaa lagu eedeeyay oo la xiray hase yeeshee labadii qof ee United States ka soo jeeday si dhaqso ah ayaa loo siidaayay ka dib markii ay dawladdoodii u hadashay. Afartan qof ee Soomaalida ah inkastoo ay xirnaayeen markii amuurtu dhacaysay haddana dawlad u hadasho ma leh Amnesty International ayay waajib ku tahay inay doorkeeda qabsato.

Shabakada Amnesty Internetional: www.amnesty.org

Banaanbax lagu taageerayo heshiiska Soomaalida ee Eldoret oo lagu qabtay Minneapolis
Waxaana soo qaban qaabiyey ardayda Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada sare ee Minneapolis kuwaas oo kubaaqay nabad ka dhalata... GUJI... 25/11


Habeenkii Sharfidda iyo Aqoonsiga Muwaadiniinta Wax u qabtay Bulshada Minneapolis .... GUJI...l 

Mahamoud Nur Wardere | mnwardere@yahoo.com 

Former Minneapolis, Minnesota Mayoral Candidate

USA

Faafin Ciid Fidri 2002

<><><>

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Soomaalida Sweden oo Wadjir u Ciidey
Waxaa markii ugu horeysay damaashaadyo ay si wada jir ah u soo wada abaabuleen labbada Masaajid ee Soomalida iyo GUJI..

Cumar Yare oo Loo Qaadi Doono Australia
Cumar oo ah 3jir xiidmuhu dibada yaalaan ayaa 18ka December la keenidoonaa Melbourne si loogu qalo, laakiin Guji

SALAAN ISU-DIRID CIIDA: Eidmubarak | EidMubarak.2Eid card

Sida Looga Ciiday Doha
Sida looga ciido dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan.... GUJI..

CIID MUBAARAK
Bahda SomaliTalk waxay dhammaan Muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida ugu hambalyay-nayaan ciida barakaysan ee "Ciidul Fidriga" sannadkan 1423 oo kubeegan December 5 .. GUJI...

/11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD