SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
TBT: Dalbasho maxkamadayn kuwii geystay xasuuqii Wagalla 1984

19/12/2002
Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
ridwanhaji@journalist.com


Ururka Truth Be Told ee lagu soo gaabiyo TBT war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay dawladda Kenya kusoo oogayaan dacwad la xiriirta xasuuqii loogu magic daray Wagalla ee 1984 ka dhacay garoonka Wagalla ee degmada Wajir.

Hoos Akhri


Maxkamadda la hor keenayo kuwii gaystay xasuuqaas waxaa loo marayaa baarayaal madax banana oo ay doorbidayaan in ay noqsaan Qaramada Midoobay.

Warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen Saalax Cali Sheekh oo ah xiriiriyaha ururka iyo Kunoow Sheekh Cabdi oo ah Xoghayaha guud ee ururka iyo ku xigeenka xiriiriyaha Daa’uud Cumar Cabdul majid waxaa uu intaas ku darayaa in ururku uu ururinayomagacyada iyo saxiixa 12’000 oo qof oo ka qayb qaadata soo jeedinta in dawladda Kenya Dacwad ku soo oogto kuwii danbuyada gaystay iyo in dareenka beesha caalamka lagusoo jeediyo xadgudubyada xuquuqda bani’aadamka ee ka dhacay gobolka woqooyi bari ee soomaalidu ay dagto 40kii sano ee lasoo dhaafay.

Ururka TBT waxaa uu sheegay in la doonayo in dawlada lagu qasbo magdhow in ay kasiiso dhibaatooyinka loo gaysatay 3000 oo qof iyo in iyana magdhow lasiiyo intii ka bad baaday xasuuqaasi.

Waxaa kaloo lagu sheegay war saxaafadeedka in Garoonka Wagalla lasiiyo dadwaynaha lagana dhiso taalo lagu xasuusto dadkii la xasuuqay iyo in baaritaan caalami ah lagu sameeyo wixii ka dhacay malka Mari 1981, Gaarissa 1982, Bagalla 1998.

Ugu danbayntii waxaa Ururka Run Sheegidda ugu baaqay dadwaynaha keenyaanka ah ee wanaaga Jecel iyo gaar ahaan soomaalida Keenyaanka ah in ay ka qayb qaataan Saxiixa.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
ridwanhaji@journalist.com

Wagalla ARCHIVE...

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD