SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
WARQAD KA TIMID SICIID MUUSE GUULEED
oo soo gaartey SomaliTalk.com Minnesota | Dec 1, 2002   

Warqad lasoo gaarsiiyey SomaliTalk ayaa muujineysa codsi ku wajahan Soomaalida, gaar ahaan Soomaalida deggan gobolka Minnesota, codsigaas oo sida warqadda ku cad ka yimid Siciid Muuse Guuleed  oo ah aabihii bishii November bartameheedii loo xiray dhimashadii gabadhisii yarayd, waxaana warqadaasi u qorayd sida hoos ku qoran: Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC

WAXAAN AHAY DHIBANE

WAXAAN AHAY DHIBANE SOOMAALIYEED OO U BAAHAN INAAD GARGAARTO WAXAA GACANTAYDA KU DHIMATAY, GABAR AAN DHALAY OO LIX USBUUC IFKA JOOGTAY, KA DIB MARKII AAN LA KUFAY, WAXX IHAYSTA LABA DHIBAATO.

1. ANIGOO WAAYAY NOOLIHII EEBAHAY IGA KHALQAY GABADHAYDII AAN JECLAA

2. ANIGOO DHIBKAA QABA AYAA HADANA XABSI LA I DHIGAY.

ANIGOO AAMINSAN INAAD ILA XANUUNSANYSAAN, HADANA WAXAAN IDINKA CODSANAYAA SI NAXARIIS LEH IN QOF WALBA IGU CAAWIYO, WIXII UU AWOODO HADDII AY NOQON LAHAYD AF, ADIN IYO MAAL INTABA.

MAALINTA KHAMIISTA 5TA DECEMBAR AYAA MAXKAMADDA ST.PAUL, SAACADU MARKAY TAHAY 1:15PM LA ISAARI DOONAA, QOFKII AWOODA EE MAALINTAA WAQTIGIISA IGU SOO CAAWIN KARA WAXAAN KA CODSANAYAA, INUU YIMAADO ISAGOO MUUJINAYA INUU KA XUN YAHAY XAQDARADA LA IGU HAYSTO.

OGOW INAY TAHAY ARIN KU DHICI KARTA QOF KASTA OO NAGA MID AH SIDA ANIGABA MAANTA I HAYSATA.

WAXAAN AHAY DHIBANE

WAXAAN AHAY MISKIIN GABADHIISII DHIMATAY

WAXAAN AHAY WALAALKAA XABSI XAQ DARO UGU JIRA UNA BAAHAN CAAWIMAADAADA.

WAA WALAALKIIN SACIID GUULEED OO IDINKA SUGAYA GARAB WACAN IYO GACAN.

 

MAHADSANIDIIN

 -dhammaad-

Dec 1, 2002

Warkii hore ee aabaha loo xiray dhimashada gabadhiisii yarayd... 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD