SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - BAAQ
BAAQ XABAD JOOJIN - Puntland Patriotic Party (PPP)

PPP/301202/CHGPL0109

  • Ku: Madaxda Maamul Gobaleedka Puntland
  • Madaxda Mucaaradka Maamul Gobaleedka Puntland
  • Isimada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Maamul Gobaleedka Puntland
  • Bulshada Rayadka ah ee Maamul Gobaleedka Puntland

Anaga oo ah xubnaha Xisbiga Wadhaniga ah ee kor ku xusan, saldhigiisuna yahay Magaala Madaxda Maamul Goboleedka Puntland ee Garowe isla markaasna:

:Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Ka tiiraanyaysan aafada iyo masiibada dagaal ee mood iyo noolba leh ee 30kii December 2002 ka soo cusboonaaday deegaanka Maamul Goboleedka Puntland;

Tixraacayna khasaaraha dad, adduun iyo deegaan ee sida macna darada ah loogu xasuuqayo qaybo ka mid deegaanka Maamul Goboleedka Puntland;

Qirsan jiritaanka khilaaf siyaasadeed, aa’raa iyo afkaar ee u dhexeeya maamulka uu madaxda ka yahay Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed ee hadda gacanta ku haya masiirka iyo hannaan socodka maamul ee Maamul Goboleedka Puntland iyo mucaaradka uu madaxa ka yahay Mudane Jama Ali Jama;

Ka dharagsan natiijada iyo aayaha dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa deegaanka Maamul Goboleedka Puntland, una dhuundaloolna aayatiin xumada dagaal sokeeye uu dhaxalsiin karo ammaanka, xasiloonida, dhaqaalaha, dhaqanka, dawrka iyo miisaanka siyaasadeed ee arimaha Somaliya, wadciga iyo jiritaanka mustaqbal iyo mujtamac ee bulshooyinka ku bahowday deegaanka Puntland ee Shanta Gobol iyo Degmada Buuhoodle;

Ka dharagsan mabaa’diida guracan, siyaasadaha qalafsan iyo hurinta colaad dabadheeraata ee cadowga saddex geesoodka ahi (Kooxda Arta, Al-Itihad iyo Maamulka Waqooyi Galbeed) uu la damacsan yahay shucuubta ku bahowday Maamul Goboleedka Puntland;

Waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinac ee isku haya siyaasadda ee deegaanka Maamul Gobaleedka Puntland in ay si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira wadahadal, wadatashi iyo dulqaad walaaltinimo iyo is qadarin aasaas u tahay;

Waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo in ay wax walba ka hormariyaan maslaxadda ummadda, mustaqbalka bulsho, iyo kan jiritaan ee Maamul Gobaleedka Puntland;

Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada rayadka ahi in ay kaalin firfircoon ka qaataan dhexdhexaadinta iyo soo afjarka khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac;

Waxaanu ugu baaqaynaa qaybaha aanu khusayn khilaafkani in ay ka feejignaadaan faragelin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulka iyo Mucaaradka Dawlad Goboleedka Puntland, iyo xad gudub ay ku sameeyaan deegaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Shanta Gobol iyo Degmada Buuhoodle;

Anaga oo ka tiiraanyaysan aafada ku habsatay qayba ka mid ah deegaanka Maamul Goboleedka Puntland, waxaanu tacsi u duraynaa dhammaan shacabka reer Puntland, eheladda iyo qaraabadda dadkii dhibaatadu ku soo gaadhay dagaaladii 30/December/2002 ka qarxay meela ka mid ah deegaanka Maamul Goboleedka Puntland.

I  I  D  H  E  H

Tii Waarta Oo Waaya Jirta - Puntland State of Somalia!

Chairman -

Puntland Patriotic Party (PPP)

Garowe, Puntland State of Somalia

Email: puntlandpp@yahoo.com 

30kii December 2002

Faafin: SomaliTalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD